Haatuf News

Home | Contact Us | LinksArchives

 ISSUE 3199

January 29 2013                                                              Rabicil Awal 17,1434H     

Xubno Ka Soo Jeeda Awdal Oo Ka Tirsan Labada Gole Baarlamaan Oo Ku Eedeeyey Qurba Jooga Gobolkaasi Inay Wadaan Kicin Iyo Abaabul Dadweyne, Kana Dalbaday Inay Joojiyaan

 

Wasiirka Maaliyada Oo Daboolka Ka Qaaday Dakhliga Cashuuraha Ka Soo Xerooday Saddexdii Bilood Ee Ugu Danbeeyay Iyo Wakiilada Oo Su’aalo Ay Maryo Dhiig Leh Ku Kala Furteen Ku Hafiyay

Shirgudoonka Guurtida Oo Daaqada Ka Tuuray Mooshin Ay Tahriibinayeen Shaqsiyaad Xildhibaano Ah Oo Lagu Carqaladaynayey Somcable

Xukuumada Oo Maxjar Labaad Ka Baal Furtay Kii Hore Ee Jiray Iyo Dareenada Ku Gedaaman

Maanta, Shalay dhaantey!

Raysal Wasaaraha Dawladda Sheekh Shariif Oo La Ansixiyey Iyo Dagaalo Ka Dhacay Muqdisho

 

 

 

 

Caynba-Cayn

Qore: C/Naasir Dheeg Ciise  (Q/19aad)

17. Talo Haween Waa Lagu Jabaa

Waa boqor aan dabadii la hadal oo warkiisu dawyada maray ,aadna u qab iyo kibirba badan,dadku waa riciyad uu isagu ku amar ku taagleeyo.

Cabsi iyo ciqaab aan waqti lahayn buu ummadda Alle hogaanka uga dhigay baday. Kelidii qummane aan qaladkiisa cidina u sheegin buu ku caan baxay.

Waxa uu aad iyo aad u jeclaa cunidda kalluunka oo aan laga soo gaadhi jkirin.Inta bandanna cunto kasta oo loo sameeyo waxa ku jiray kalluun.

Miskiin sabool ah oo ka mid ah dadkii magaalada ayaa ogaaday in boqorku kalluunka ad uga helo ,waxa uu soo dabay maalin xabbad kalluun ah oo aad u weyn,iyadoo madixii iyo indhihii leh baanu boqorkii u keenay. Waxa uu ahaa nin xikmad iyo caqli wanaag isku darsaday,waxa uu u sheegay boqorkii isagoo ku yidhi: Ninkii:”Boqor maanta waxaan kuu sidaa hadiyad aan go’aansaday in aan kuu keeno,iga guddoon” Boqorkii:waan kaa guddoomay aadna waad u mahadsantahay…boqorkii waxa uu amar ku bixiyey in la siiyo kun Dirham oo dahab ah,waana la siiyey….

Miskiinkii oo badhbadhaadhnay qaadaya ayaa iska tegey.

Boqorka oo Alle swt shabeel xilo uga dhigay ayey islaantii maqashay oo qaylo,buuq iyo sawaxan bilawday, iyadoo ka xanaaqsan xoolaha miskiinka la siiyey,waxaanay boqorkii ku tidhi ka soo celi kunkii dirham,hase ahaatee boqorkii waa uu diiday in uu dib us oo ceshado wax uu bixiyey.

Islaantii waxay dejisay tab iyo xeelad ay ugu talo gashay in miskiinka xoolaha laga qaado,waxay ku tidhi boqorkii:” Boqor ninka u yeedh markuu kuu yimaaddo waxaad weydiisaa kalluunkii aad keentay ma lab buu ahaa ,mise dheddig buu ahaa?

Haddii uu ku yidhaahdo lab buu ahaa waxaad u celisaa dheddig baan rabay,haddii uu yidhaahdo dheddig buu ahaana waxaad tidhaahdaa lab baan rabay!

Boqorkii waxa uu isla markiiba u dhego nuglaaday hawraartii afadiisu ay ku tiraabtay waxaanu u yeedhay kalluumaystihii oo sidii ballantu ahayd ku yidhi:”kalluunkaad ii keentay ma lab buu ahaa mise dheddig buu ahaa?

Kalluumaystihii:”boqor kalluunkii aan kuu keenay labna ma ahayn dheddig na ma ahayn ee labeeb baa uu ahaa!!

Boqorkii:”waxa uu mar labaad ku dhawaaqay in uu la siiyo kalluumaystaha kun Dirham oo kale”!

Markii kukii dirham ee dahabk ahaa loo tiriyey ayuu la dhaqaaqay, hase ahaatee waxaa ka dhacay hal dirham.  Dib ayuu u sxoo noqday ,waanu qaatay Dirhamkii ka dhacay.

Xaaskii boqorka oo sida waxa u dhacayaan daaqadda kal socotay ayaa u timid boqorkii oo ku tidhi mar kale:bal duggaagga aad wax siinayso eeg,Dirham baa ka dhacay oo waa ka intuu ku soo noqday qaatay,kani masaakiintana waxba uga tegi maayo…

Boqor ninka u yeedh oo xoolaha inooga soo qaad.

Boqorkii waxa uu haddana u yeedhay ninkii kalluumaystaha ahaa waxaanu ku yidhi:”iska soo celi xoolihii aan ku siiyey ,waayo waxaad tahay mid xun oon waxba dhaafayn,xataa Dirhamkii kaa dhacay ugamaad tegin masaakiinta.

Kalluumaystihii:boqor Dirhamka sidaas umaan qaadan ee waxa igu kalifay inaan qaato waxa ku yaallay sawirkaaga. Sidaas awgeed waa ay ila noqon weyday in sawirkaaga dhulka aan ku daayo.

Boqorkii waxa uu mar saddexaadkii amar ku bixiyey in la siiyo labo kun oo Dirham oo kale,waayo waxa uu la dhacay sida aftahanimada leh ee ugu jawaabay!!

Kalluumaystihii isaga oo aad u faraxsan buu boqorkii ku yidhi:”boqoroow waxaan kuu sheegayaa adigu kun dirham uun baad I siisay,laakiin saddexda kun ee kale xaaskaagaa I siisay.Ninka talada haweenka wada qaataana sidaada oo kale ayuu saddex jeer jabaa!