|
Home | Contact Us | Links | Archives |
|
ISSUE 3199 |
January 29 2013 Rabicil Awal 17,1434H | |
|
Xukuumada Oo Maxjar Labaad Ka Baal Furtay Kii Hore Ee Jiray Iyo Dareenada Ku Gedaaman Raysal Wasaaraha Dawladda Sheekh Shariif Oo La Ansixiyey Iyo Dagaalo Ka Dhacay Muqdisho
|
Guardiola Oo GacantaLoo Gelinayo £240 Milyan, Dooqiisa Koowaadna Waa Xiddiga Liverpool Luis Suarez Pep Guardiola ayaa la siin doonaa 240 milyan ginni oo uu ku habeeyo kooxda Bayren Munich xilli ciyaareedka soo socda, ciyaaryahanka ugu horeeya ee diirada u saarana waa xiddiga Liverpool Luis Suarez, sida ay qoreyso Daily Mail. Tababarihii hore ee Barcelona ayaa ku soo laaban doona kubada cagta ka dib sannad uu fasax ka qaatay, isagoo labo jeerna iska diiday dalabkii Roman Abramovich ee ahaa inuu qabto Chelsea, waxaana uu ka doorbiday Bayern Munich. Wargeyska Faransiiska ee L’Equipe ayaa warinaya in labada ciyaaryahan ee ugu horeeya liiskiisa ay yihiin Suarez oo ka mid ah ciyaartoyda ilaa iyo haatan sida aadka ah uga dhex muuqda horyaalka Ingariiska, iyo xiddiga Atletico Madrid Radamel Falcao. Suarez ayaa qandaraas kula jira kooxda ka dhisan Anfield ilaa 2018, waxaana uu qiimihiisa gaari karaa 40 milyan oo ginni. Falcao ayaa isna lagu iibsan karaa 50 milyan ginni. |