|
Home | Contact Us | Links | Archives |
|
ISSUE 3199 |
January 29 2013 Rabicil Awal 17,1434H | |
|
Xukuumada Oo Maxjar Labaad Ka Baal Furtay Kii Hore Ee Jiray Iyo Dareenada Ku Gedaaman Raysal Wasaaraha Dawladda Sheekh Shariif Oo La Ansixiyey Iyo Dagaalo Ka Dhacay Muqdisho
|
Sergio Busquets: Santiago Bernabeu Waxaan U Aadeynaa Guul Kaliya Uma Socono Barbaro Sergio Busquets ayaa sheegay in kooxdiisa ay u aadeyso Santiago Bernabeu kulanka lugta hore ee semi-finalka Copa del Rey inay guul soo gaaraan oo aysan dooneynin barbaro. La Blaugrana ayaa u safri doonta Madrid habeenka arbacada, iyagoo lugta hore ee semi-finalka Copa del Rey wajihi doona kooxda Los Blancos oo ay ka maqan yihiin ciyaaryahano dhowr ah oo dhaawac iyo ganaax ku maqan. “Kulankaan waxa uu noqon doonaa mid xamaasad leh taas waa hubaal. Semi-finalka natiijadiisa ma go’aansan karno arbacada, sidoo kalena ma xiiseyneyno natiijo barbaro ah. “Natiijo fiican waa inaan guuleysano ee ma ahan barbaro. Waxa ay ahaan doontaa ciyaar la isku dhow yahay, umana maleynayo in natiijo xun ay la degi doonto midkoodna labada kooxood, sababtoo ah waxaa jirta lug labaad oo la ciyaari doono. “Semi-finalka natiijadiisa waxaa lagu go’aansan doonaa Camp Nou, uma maleynayo inaan ku xaqiijisan karno finalka Bernabeu. Waxaana u baahanahay inaan diirada saarno ciyaarta, oo aanan isku mashquulin ciyaartoyda ka maqnaanaya.” |