Haatuf News

Home | Contact Us | LinksArchives

 ISSUE 3200

January 30 2013                                                              Rabicil Awal 18,1434H     

Xubno Ka Soo Jeeda Awdal Oo Ka Tirsan Labada Gole Baarlamaan Oo Ku Eedeeyey Qurba Jooga Gobolkaasi Inay Wadaan Kicin Iyo Abaabul Dadweyne, Kana Dalbaday Inay Joojiyaan

 

Wasiirka Maaliyada Oo Daboolka Ka Qaaday Dakhliga Cashuuraha Ka Soo Xerooday Saddexdii Bilood Ee Ugu Danbeeyay Iyo Wakiilada Oo Su’aalo Ay Maryo Dhiig Leh Ku Kala Furteen Ku Hafiyay

Shirgudoonka Guurtida Oo Daaqada Ka Tuuray Mooshin Ay Tahriibinayeen Shaqsiyaad Xildhibaano Ah Oo Lagu Carqaladaynayey Somcable

Xukuumada Oo Maxjar Labaad Ka Baal Furtay Kii Hore Ee Jiray Iyo Dareenada Ku Gedaaman

Maanta, Shalay dhaantey!

Raysal Wasaaraha Dawladda Sheekh Shariif Oo La Ansixiyey Iyo Dagaalo Ka Dhacay Muqdisho

 

 

 

 

Qodobada La Filayo In Madaxweyne Siilaanyo Khudbadiisa Maanta Ee Golayaasha Baarlamaanka Uu Ku Soo Qaado Iyo Xildhibaano Sheegay In Fadhiga Ay Ka Dareeri Doonaan Haddii Su’aalaha Loo Diido

Hargeysa, January 30, 2013 (Haatuf) – Madaxweynaha Somaliland Axmed Maxamed Maxamuud Siilaanyo ayaa maanta khudbad sanadeedkii distooriga ahaa ka hor jeedin doona fadhi wadajira oo ay iskugu iman doonaan labada gole Baarlamaan ee guurtida iyo wakiilada.

Khudbada uu Madaxweyne Axmed Siilaanyo u jeedin doono maanta labada gole ee Baarlamaanka oo noqonaysa khudbad sanadeedkii saddexaad ee uu ka hor jeediyo labada aqal ee Baarlamaanka ayaa la sheegay inuu ka akhriyi doono Buug lagu soo diyaariyay khudbada sanadka 2013-ka.

Sida ay Haatuf u xaqiijiyeen ilo lagu kalsoon yahay oo ka ag-dhaw Madaxtooyada, ayaa sheegay in khudbadaasi Madaxweyne Siilaanyo uu jeedin doono uu kaga hadli doono marxalada siyaasadeed ee uu dalku marayo, xaalada guud ee siyaasada arrimaha gudaha iyo dibada iyo sidoo kale dhibatooyinkii ka dhashay doorashadii golayaasha deegaanka ee dalka ka qabsoontay 28 November 2012-kii. Hase yeeshee Madaxweyne Siilaanyo ayaan la ogayn inuu khudbadiisa ku soo hadal qaadi doono qorshaha uga meel yaala doorashooyinka Baarlamaanka oo dalka kaabiga ku soo haya, taas oo ku kala mudaysan doorashooyinkoodu inay dalka ka kala qabsoomaan, doorashada golaha wakiilada bisha April 2013-ka, golaha guurtida bisha March 2014-ka iyo doorashada Madaxtooyada oo iyaduna ku beegan bisha May 2015-ka, kuwaas oo ilaa hada aan la ogayn qaabka ay suurtagalka u noqonayaan qabsoomida doorashooyinkaasi isa soo gaadhay, kuwaas oo ah qodobada ugu waaweyn ee shacbigu ka sugayo inuu Madaxweyne Siilaanyo cadeeyo qorshaha uga meel yaala xukuumadiisa. Dhinmaca kale Madaxweyne Axmed Siilaanyo oo khudbad sanadeedyadii hore ee 2011-ka iyo 2012 ee uu ka hor jeediyay labada gole ee Baaralamaanka aanay haba yaraatee wax su’aalo ah ku waydiinin xildhibaanada Guurtida iyo Wakiiladu, ayaa xubno ka mid ah labada aqal ay Haatuf u sheegeen in fadhiga maanta ee Madaxweynuhu hor iman doono ay qorshaysteen in su’aalo ay ku waydiin doonaan haddii gudoomiyaha wakiilada Cabdiraxmaan Cirro oo  gudoomin doona fadhigaasi uu ka diidana ay madasha ka dareeri doonaan. Mid ka mid ah xildhibaanada golaha wakiilada oo ka cudur-daartay in magaciisa la shaaciyo oo Haatuf uga waramay arrinkaasi waxa uu yidhi “Madaxweynuhu maaha inuu ka baqo khudbada sanadlaha ah ee uu noo jeedinayo in su’aalo laga waydiiyo, maxaa yeelay shacbiga ayaanu ka wakiil nahay, maantana ka ogolaan mayno markuu khudbada dhameeyo inuu iska baxo, waxaanu go’aansanay haddii shirgudoonku diido in su’aalo la waydiiyo Madaxweynaha inaanu madasha ka dareerno, Madaxweyne Siilaanyo markuu diido in warbaahinta iyo golayaashii xeerdajintuba ay su’aalo waydiiyaan, waayo cid uu rabo inay su’alo waydiiso, Rayaale-ba marka uu na horyimaado waanu waydiin jirnay su’aalo waliba waanu ku qaylin jiray”.