Haatuf News

Home | Contact Us | LinksArchives

 ISSUE 3200

January 30 2013                                                              Rabicil Awal 18,1434H     

Xubno Ka Soo Jeeda Awdal Oo Ka Tirsan Labada Gole Baarlamaan Oo Ku Eedeeyey Qurba Jooga Gobolkaasi Inay Wadaan Kicin Iyo Abaabul Dadweyne, Kana Dalbaday Inay Joojiyaan

 

Wasiirka Maaliyada Oo Daboolka Ka Qaaday Dakhliga Cashuuraha Ka Soo Xerooday Saddexdii Bilood Ee Ugu Danbeeyay Iyo Wakiilada Oo Su’aalo Ay Maryo Dhiig Leh Ku Kala Furteen Ku Hafiyay

Shirgudoonka Guurtida Oo Daaqada Ka Tuuray Mooshin Ay Tahriibinayeen Shaqsiyaad Xildhibaano Ah Oo Lagu Carqaladaynayey Somcable

Xukuumada Oo Maxjar Labaad Ka Baal Furtay Kii Hore Ee Jiray Iyo Dareenada Ku Gedaaman

Maanta, Shalay dhaantey!

Raysal Wasaaraha Dawladda Sheekh Shariif Oo La Ansixiyey Iyo Dagaalo Ka Dhacay Muqdisho

 

 

 

 

Dhakhaatiir Xaruntoodu Tahay Kenya Oo Qaliimo Caruurta Faruuran Lagu Samaynayo Ka Bilaabay Cusbitaalka Hargeysa Iyo Dr Onguti Oo Haatuf Uga Waramay

Hargeysa, January 30, 2013 (Haatuf) – Dhakhaatiir Mutadawiciin ah oo ka socda ururka (Help a child face tomorrow) oo xaruntoodu tahay magaalada Nairobi ee Dalka Kenya ayaa maalmihii u dambeeyey Cusbitaalka Guud ee Hargeysa ka waday Qaliimo caruurta Faruuran loogu hagaajinayo Afka oo lacag la’aan ah. Dhakhaatiirtan oo muddo dhawr maalmood ah ku sugnaa Somaliland, isla markaana ku hawlanaa Qaliimo Caruurta Faruuran ay ku samaynayaan ayaa Wariye Ka Tirsan Haatuf oo shalay booqday Cusbitaalka Hargeysa oo mudo saacado ah Qolka Qaliinka ee Caruurtaasi Faruurta lagaga tolayey ku sugnaa ay u warameen, kuwaas oo sheegay in fursadan laga faa’iidaysto mudada ay joogaan Somaliland oo la keeno Caruurta Faruuran si loogu tolo Faruurta.

Dr Meshach Onguti oo ah Madaxa Qaliinka Dib loogu hagaajinayo Caruurta Faruuran (Reconstruction Surgery) oo aanu waydiinay inuu Faahfaahin ka bixiyo hawsha Kooxdoodani ay u yimaadeen Somaliland ayaa yidhi “Waxaanu nahay koox Mutadawiciin ah oo ka kooban 11 xubnood, waxaanu halkan u nimid inaanu caawino oo aanu u hawlgalno Caruurta Faruuran ee Somaliland. Way jiraan adeegyo heer sare ah oo laga qabto Somaliland, balse tani maaha mid laga sameeyo Dalka ee waxa loo doontaa dibada sida Ethiopia, Kenya iyo dalalka Europe, balse tiro yar ayaa ka baaqsata arintaas maxaa yeelay waxa ay ka faa’iidaystaan furada Gurigooda ugu timaada”. Dr Onguri oo aanu waydiinay Tirada Caruurta Faruuran ee loo keenay intii ay joogeen Somaliland  iyo mudada ay hada sii joogi doonaan ayaa yidhi “Waxaanu halkan joognay maalmihii la soo dhaafay, waxaana naloo keenay Caruur aad u kooban, balse waxaanu codsanaynaa inay yimaadaan oo caruurta ay noo keenaan si aanu uga hagaajino faruurta, anaga oo sii joogi doona ilaa maalmaha soo socda ee todobaadkan, waananu ku faraxsanahay qabashada hawshan, shaqaalaha Cusbitaalkuna waxa ay aad ugu xamaasadaysan yihiin inay aqoon korodhsi naga helaan (capacity building) iyadoo ah markii ugu horaysay ee ay hawshan arkaan sababta oo ah barito way caawin karaan dadkooda waxaanay qaadanayaan tababaro. Ma Dabooli karno Caruurta Somaliland oo dhan ee u baahan in la tolo faruurta maxaa yeelay qaar badan oo meel durugsan ku nool ayaan jira, maalin walba waxa dhasha ilmo Faruuran ama in ka badan, maaha wax mar la dhamaystiri karo waa hawl joogto ah”. Dhakhaatiirtan Mutadawaciinta ah oo ka soo jeeda wadamo badan oo Afrika ah oo ay ka mid yihiin Kenya, Zambia, Morocco, Cameron iyo Rwanda, ayaa la filayaa in dad badan oo Caruurtoodu ku dhasheen Faruurnidu ay ka faa’iidaysan doonaan maalmaha ay joogaan dalka, kuwaas oo wax badan uu iska badali doono qaab nololeedka Caruurta Faruuran marka ay ku dhex jiraan Bulshada, iyadoo caruurta Faruuran ay dhibaato ka qabsato Marka ay wax cunayaan ama Cabayaa, Hadlayaan ama ay Qoslayaan. Ugu dambayn madaxa kooxdan oo aanu waydiinay waxa Caruurta ku keena inay ku soo dhashaan Faruurnaanta iyo waxa uu ugu baaqayo Shacabka Somaliland ayaa sheegay inay keenaan Nafaqa-daro hooyadu marka ay Uurka leedahay, Qaadashada Dawooyinka xiliga Uurka, Cabdida Sigaarka, Khamriga iyo in Ilmuhu uu ku Faruurmi karo Hidde uu waalidiintiisa ka dhaxlo. Waxaanu intaasi ku daray in la taageero oo dadka qurbuhu ay maalgaliyaan dhakhaatiirta oo ay ka taageeraan Kharashaadka ku baxaya inta ay Somaliland joogaan ee ay adeegyadan muhiimka ah u fidinayaan Bulshada.