|
Home | Contact Us | Links | Archives |
|
ISSUE 3200 |
January 30 2013 Rabicil Awal 18,1434H | |
|
Xukuumada Oo Maxjar Labaad Ka Baal Furtay Kii Hore Ee Jiray Iyo Dareenada Ku Gedaaman Raysal Wasaaraha Dawladda Sheekh Shariif Oo La Ansixiyey Iyo Dagaalo Ka Dhacay Muqdisho
|
Kooxo Dhalinyaro Ah Oo Habeenkii Ka Ugaadhsada Dadka Lugta Ah Mobile-da Iyo Alaabta Ay Sitaan Xaafadaha Caasimada Hargeysa January 2013 (Haatuf) – dadweynaha ku nool xaafadaha kala duwan ee caasimada Hargeysa ayaa muddooyinkan u dambeeyay walaac ka muujinaya kooxo wiilal da’yar ah oo xilliyada habeenkii ka ugaadhsada Mobile-da iyo alaabooyinka ay sitaan dadka lugta ah ee guryahooda u sii Caraabaya, kuwaas oo la sheegay inay dadka u istaagaan dariiqyada isu socodka baabuurtu ku yartahay ee xaafadaha dhexdooda, isla markaana ay dadka xoog kaga qaataan waxyaabaha ay sitaan sida Mobile-da, lacagta iwm. Waxaana la sheegay in dhowaale-ba inay kooxahaasi da’yarta ahi ay xilliyada habeenkii iyaga oo koox koox u socda ay dadka lugayna weeraraan, isla markaana ka qaadaan waxyaabaha ay sitaan, kuwaas oo marka ciidamada Bileyska lagu war galiyo kooxahaasi inay ugaadhsi ba’an ku hayaan dadweynaha ka baxsada inta aanay Bilaysku soo gaadhin meelaha ay dadka ku baadhanayan, sidoo kalena ciidamada Bilayska ayaa inta badan wareega dariiqyada waaweyn, balse meelaha madowga u badan ee kooxahaasi dadka u istaagaan aan gaadhin. Waxaana wararka ka imanaya dadweynuhu sheegayaan in kooxahaasi ay muddooyinkii u dambeeyay-ba isa soo taraya baadhashada habeenkii ay dadka lugta ah ku hayaan. Sidoo kale wiilashan da’yarta ah ayaa la sheegay inay laftoodu xaafad xaafada iskaga horyimaadaan oo gacan ka hadal dhex maro, kuwaas oo la sheegay inay isu adeegsadaan Tooriyo, biro iyo Bakoorado ay ku dagaalamaan. Dhinaca kale habeenadii u dambeeyay ayay ciidamada Bilaysku qabqabanayeen qaar ka mid ah kooxahaasi oo gacan ka hadal iskaga hor yimid xaafadaha 26-june, Gacan Libaax iyo xaafado ka mid ah dhinaca koonfurta magaalada. “Inamadan yaryar ee habeenkii dadka Mobile-da kaga qaadnaya xaafadaha dhexdooda iyo suuqa maaha tuugtii la yaqaanay, balse waa kooxo ciyaalo xaafadaha ah oo ku mamabay maandooriyaha Jaadka ilayn ma shaqaystaan oo guryahooda waalidkoodii ayaa gacanta ku haya wali markaa waxay sameeyaan inay dadka baadhaan, wsay jiraan qaar farabadan oo waxbarashada taga oo si fiican guryahooda u jooga, laakiin kuwa caynkaa sameeyaa waa kuwo waalidkoodii dhalay aanay tarbiyad siinin oo edab wanaagsan aan guryahooda kala imanin, markaa waxaa loo baahan yahay in ciidanka Bilaysku gacan bir ah ku qabtaan” sidaa waxaa tidhi hooyo u warantay Haatuf oo magaceeda la yidhaahdo Aamina Jaamac. |