Haatuf News

Home | Contact Us | LinksArchives

 ISSUE 3200

January 30 2013                                                              Rabicil Awal 18,1434H     

Xubno Ka Soo Jeeda Awdal Oo Ka Tirsan Labada Gole Baarlamaan Oo Ku Eedeeyey Qurba Jooga Gobolkaasi Inay Wadaan Kicin Iyo Abaabul Dadweyne, Kana Dalbaday Inay Joojiyaan

 

Wasiirka Maaliyada Oo Daboolka Ka Qaaday Dakhliga Cashuuraha Ka Soo Xerooday Saddexdii Bilood Ee Ugu Danbeeyay Iyo Wakiilada Oo Su’aalo Ay Maryo Dhiig Leh Ku Kala Furteen Ku Hafiyay

Shirgudoonka Guurtida Oo Daaqada Ka Tuuray Mooshin Ay Tahriibinayeen Shaqsiyaad Xildhibaano Ah Oo Lagu Carqaladaynayey Somcable

Xukuumada Oo Maxjar Labaad Ka Baal Furtay Kii Hore Ee Jiray Iyo Dareenada Ku Gedaaman

Maanta, Shalay dhaantey!

Raysal Wasaaraha Dawladda Sheekh Shariif Oo La Ansixiyey Iyo Dagaalo Ka Dhacay Muqdisho

 

 

 

 

Shalay Iyo Maanta

Xildhibaanada Wakiilada Kulmiye

Hargeysa, January 30, 2013 (Haatuf) - Xidhibaanada golaha wakiilada Somaliland 71 ka mid ah oo cod toos ah lagu soo doortay doorashadii golaha wakiilada ee dalka ka qabsoontay 29 September 2005-tii, isla markaana ka soo kala baxay saddexda xisbi ee Kulmiye, Ucid iyo xisbigii Ucid ee burburay, ayaa isbadal wayni ku dhacay habdhaqankii mucaaridnimo ee lagu yaqaanay muddadii shanta sano ee xilkaasi loo soo doortay intii ay ku guda jireen muddo kordhintii ka hor.

Marka lays barbar dhigo habdhaqankii xildhibaanada ee shalay iyo ka maanta ayaa waxa ka muuqda faraq wayn.

1. Xildhibaanadii Kulmiye ee mucaaridka xagjirka ah ahaan jiray ee ka qaylin jiray xeerarka qodob qodob ha looga doodo, maanta waxay ku hadaaqaan xeerarka yaan laga doodin ee duuduub ha lagu ansixiyo.

2. xildhibaanada Kulmiye oo marka ay wasiirada xukuumadu hor yimaadaan su’aalo  ku hafin jiray, isla markaana ku qaylin jiray ayaa maantana xubnaha hor yimaada sacab iyo guul-wadayn ku soo dhoweeya.

3. Xildhibaanada Kulmiye oo ku hadaaqi jiray heshiiskii shirkada Total ee Haamaha shidaalku waa shacri daro, ayaa maantana cashuuraha qayrul sharciga ah ee wasiirka duulista hawadu ka qaado dadka madaarada ka dhoofaya, ee xukuumada Siilaanyo xeerarka u samaysatay ku dhawaaqaya yaan laga doodine duuduub ha lagu ansixiyo.

4. Miisaaniyad sanadeedyada xukuumadu soo gudbiso oo goluhu muddo todobaad gaadhaysa uu ka doodi jiray, oo xildhibaanada Kulmiye hay’daha aan sharciyaysnayn ee miisaaniyada lagu soo daro sida Tv-ga qaranka ay ku doodi jireen in miisaaniyada laga saaro bajadkooda ilaa inta sharcigooda la soo gudbinayo ayaa maantana waxaa dhacday in miisaaniyadii 2013-ka ay ku meelmariyeen bilaa dood

5. Xubnaha wakiilada xilligii mucaaridka ay ahaayeen inta badan xaadir ku ahaan jireen fadhiyada golaha, ayaa waaqaca maantana inta badani xilkoodii kaga mashquuliyay ka sheekayntya qasriga madaxtooyada.

6. Xubnaha Kulmiye ee wakiilada ayaa xilligan waayuhu kala kaxeeyeen, kuwaas oo xubnaha qaarkood safaro dibadeed xukuumadu u dirto, sida xildhibaan Waabeeyo iyo Nacnac oo lagu tilmaamo xubnaha khusuusiga Madaxtooyada, halka xubno kalena aan laga sii daynin irida qasriga madaxtooyada.

La soco…..