Haatuf News

Home | Contact Us | LinksArchives

 ISSUE 3200

January 30 2013                                                              Rabicil Awal 18,1434H     

Xubno Ka Soo Jeeda Awdal Oo Ka Tirsan Labada Gole Baarlamaan Oo Ku Eedeeyey Qurba Jooga Gobolkaasi Inay Wadaan Kicin Iyo Abaabul Dadweyne, Kana Dalbaday Inay Joojiyaan

 

Wasiirka Maaliyada Oo Daboolka Ka Qaaday Dakhliga Cashuuraha Ka Soo Xerooday Saddexdii Bilood Ee Ugu Danbeeyay Iyo Wakiilada Oo Su’aalo Ay Maryo Dhiig Leh Ku Kala Furteen Ku Hafiyay

Shirgudoonka Guurtida Oo Daaqada Ka Tuuray Mooshin Ay Tahriibinayeen Shaqsiyaad Xildhibaano Ah Oo Lagu Carqaladaynayey Somcable

Xukuumada Oo Maxjar Labaad Ka Baal Furtay Kii Hore Ee Jiray Iyo Dareenada Ku Gedaaman

Maanta, Shalay dhaantey!

Raysal Wasaaraha Dawladda Sheekh Shariif Oo La Ansixiyey Iyo Dagaalo Ka Dhacay Muqdisho

 

 

 

 

Badhasaabkii Hore Ee Salal Iyo Maayarkii D/Saylac Ee Xiligii Cigaal Oo Si Taxadir Leh Uga Hadlay Go’aamo Beesha Ciise Ka Qaadatay Xiisadaha Taagan

Hargeysa, January 30, 2013 (Haatuf) - Badhasaabkii hore ee gobolka Salal Maxamed Muuse Bucul iyo Maayarkii degmadda Saylac ee Cahdigii Xukuumaddii Alle ha u naxariistee Marxuum Maxamed Xaaji Ibraahim (Cigaal) Mr Maxamuud Xaaji Cali Xasan ayaa si taxadir leh uga hadlay go’aamo ay sheegeen inay beesha Ciise ka qaadatey xalinta khilaafyada ka taagan deegaankooda, kuwaas oo aragti isku dhaw ka bixiyey xalinta muranadaas. Labadan Masuul ayaa waxay sidan ku sheegay mar ay Xalay Wargeyska Haatuf kula soo xidhiidheen khadka Telefoonka iyaga oo ku sugan xarunta gobolka Salal ee Magaalada Saylac, kuwaas oo tilmaamay in go’aan ku gaadhay beeshoodu inay tabashadooda ku raadsadaan Nabadgalyo, isla markaana tibaaxay inaanay wax dhibaato ahi ka taagnayn wakhtigan deegaankaas. Masuuliyiintan ayaa sidoo kale dhaliilay hadal ka soo yeedhay Wasiirkii hore ee Dalxiiska C/risaaq Waabari Rooble oo ay ku eedeeyeen inuu dantiisa gaarka ah ku doorsaday danta bulshadda deegaankiisa Salal, shaaciyeyna inaanu matalin bulshadaas. Ugu horayn xubnaha oo arimo kale oo door ah ka hadlaya ayaa waxa hadalka ku hor maray Badhasaabkii hore ee gobolka Salal Maxamed Muuse Bucul, kaas oo hadalkiisa ku bilaabay “Waanu idiin mahad celinaynaa bahdiina Haatuf sida wanaagsan ee aad uga qaybqaadanaysaan xalinta khilaafyada dalka ka taagan, hadii aan u soo noqdo xaalada deegaanka run ahaantii ma jiraan wax dhibaato ah ama nabadgalyo xumo ah oo ka jirta deegaanka gobolka Salal, laakiin waxa wali halkii taagan khilaafkii ka dhashay doorashadii deegaanka ee dalka ka dhacday oo aanu hore u qaadacnay natiijadeeda. Sida xaqiiqda ah ilaa iyo hada ma jiraan wax xal ah oo laga gaadhay khilaafka taagan oo xukuumadda xageeda ayey wax ku maqan yihiin, laakiin ilaa iyo hada cabashada beesha Ciise cid ka shaafiday ma jiraan, waxaanay beesha Ciise go’aan ku gaadhay in wixii ka maqan ama tabasho ah ay nabad ku raadiso isla markaana imika arintu waxay maraysaa ilaa Saldanadii ugu saraysay oo ah Ugaaska Beesha oo ilaa imika arinta gacanta ku haya, kuna mashquulsan in nabadgalyo lagu doono wixii naga maqan, markaas taas waxaan kaga baxayaa wixii maqani xukuumadda ayey nagaga maqan yihiin”. Guddoomiyihii hore ee Salal Mr Bucul mar la waydiiyey waxa ka jira shuruudaha adag ee la sheegay inay beesha Ciise ku xidhay aqbalaada waan-waanta socota iyo waxa ka jira inay codsadeen in 4 xubnood loogu daro golaha deegaanka Saylac,waxa uu yidhi “Hadii aan kaaga waramo arinta la sheegayo ee la leeyahay 4 xubnood hanaloogu daro golaha deegaanka Saylac ayey tidhi beesha Ciise waa war aanay waxba ka jiran, run ahaantiina waa arin aan xaqiiqda ku salaysnayn. Beesha Ciise-na go’aanka ay qaadatay markaas waxa uu ahaa markii ay arkeen khaladaadka ka dhashay doorashadii deegaanka ee dalka ka dhacday 28-kii bishii November ee sanadkii hore ee 2012-kii, taas oo ay beeshu ku qaadacday doorashadaas isla markaana cadaysay mawqifkeeda ku aadan doorashadaas oo aanu ilaa imika u aragno inaanay ahayn wax doorasho lagu sheegi karo. Kolay dhinaca kalena xukuumadu waxay ku adkaysanaysaa inay doorashadu si xalaal ah u dhacday, isla markaana wixii soo baxayna ay xalaal yihiin, arintaasna anagu ma aqbalayno walina halkii hore ayaanu ka taaganahay. Mida kale dadka siyaasiyiinta u badan ee ay xukuumadu wad-wadato maaha kuwo beesha Ciise matala oo ay wakiilatay, waxaanan u aragnaa anagu kuwo dano gaar ah oo laga leeyahay fulinaya”.

Sidoo kale Maxamuud Xaaji Cali Xasan oo ka mid ahaa Maayarkii degmadda Saylac ee xukuumadii Alle ha u naxariistee Marxuum Maxamed Xaaji Ibraahim Cigaal, isla markaana wakhtigan ka mid ah Waxgaradka deegaanka Saylac ayaa isaguna hadalkiisa ku bilaabay isaga oo ka hadlayo xaalada guud ee deegaankaas “Degmadda Saylac iyo deegaanka hoos yimaadaaba waa Nabadgalyo xiligaas aan kula hadlayo, wax dhibaato ah oo ka taaganina ma jirto, isla markaana wax shaqo ah oo ka socdaana ma jirto, bulshadda deegaankanina waxay sugayaan go’aamada ka soo baxa Xukuumadda Somaliland iyo Hogaanka beesha Ciise oo iyagu isku maqan. Dhamaantayo waxa naga go’an inaanu Nabadgalyada iyo Qaranimada dalkayaga Somaliland ilaashano, oo beesha Ciise-na waxba may xumayn waxa ay tabanayaan ama ka maqana nabad ayaanu ku rabnaa ee dagaal kuma rabno”. Maxamuud Xaaji Cali mar wax laga waydiiyey waxa ay tabanayaan haday yihiin Odayaasha beesha Ciise, waxa uu yidhi “Waxa aanu tabaynaa way badan yihiin laakiin imika waxa ugu badan waa lahaanshaha gobolka Salal, waxaananu nabadgalyo ku doonaynaa waxkasta oo naga maqan, oo hadii aan si u dhigo gobolkan ama deegaankan Mansab aan Badhasaabka Salal ahayn oo aanu ku haysanaa ma jirto, hadii aanu xaqa naga maqan doonana waxa aanu la mid nahay beelaha kale ee reer Somaliland, ilayn qaab beeleed ayeynu wax u qaybsanaa oo aynu xilalka Qaranka u qaybsanaa, markaas taas yaan la hilmaamin ayaan leeyahay”.

Maayarkii dawladii Marxuum Cigaal ee degmadda Saylac Maxamuud Xaaji Cali Xasan mar uu ka hadlayey hadal ka soo yeedhay Wasiirkii hore ee Dalxiiska C/risaaq Waabari Rooble, waxaana hadalkiisa ka mid ahaa isaga oo arimahaas ka hadlaya “Wasiirkii xukuumadii Rayaale ee Dalxiiska C/risaaq Waabari oo aan shalay Warbaahinta ku arkay isaga oo wuxuu doono iskaga hadlaya ayaan waxyar ka odhan lahaa, waxaan leeyahay ninkaasi waxa uu ku hadlayey waa wax isaga si shakhsi ah ugu kooban mana matalo beesha Ciise iyo deegaankeeda toona, waxaanan ugu baaqayaa inaanu mardanbe afka beesha Ciise ku hadlin sababta oo ah hadii uu dhibta reerka ka naxayo Saylac ayuu iman lahaa oo xalka khilaafka taagan la raadin lahaa waxgaradka beesha. Markaa waxaan hadalkayga ku soo koobayaa ma jirto cid uu wakiil ka yahay haba-yaraatee C/risaaq Waabari”.