Haatuf News

Home | Contact Us | LinksArchives

 ISSUE 3200

January 30 2013                                                              Rabicil Awal 18,1434H     

Xubno Ka Soo Jeeda Awdal Oo Ka Tirsan Labada Gole Baarlamaan Oo Ku Eedeeyey Qurba Jooga Gobolkaasi Inay Wadaan Kicin Iyo Abaabul Dadweyne, Kana Dalbaday Inay Joojiyaan

 

Wasiirka Maaliyada Oo Daboolka Ka Qaaday Dakhliga Cashuuraha Ka Soo Xerooday Saddexdii Bilood Ee Ugu Danbeeyay Iyo Wakiilada Oo Su’aalo Ay Maryo Dhiig Leh Ku Kala Furteen Ku Hafiyay

Shirgudoonka Guurtida Oo Daaqada Ka Tuuray Mooshin Ay Tahriibinayeen Shaqsiyaad Xildhibaano Ah Oo Lagu Carqaladaynayey Somcable

Xukuumada Oo Maxjar Labaad Ka Baal Furtay Kii Hore Ee Jiray Iyo Dareenada Ku Gedaaman

Maanta, Shalay dhaantey!

Raysal Wasaaraha Dawladda Sheekh Shariif Oo La Ansixiyey Iyo Dagaalo Ka Dhacay Muqdisho

 

 

 

 

Xaflad Loo Qabtay Arday Xarunta Daryeelka Dadka Dhimirka Wax Ka Qaba Ee Sahan Ay U Fidisay Daaweyn, Daryeel Iyo Waxbarasho

Hargeysa, January 30, 2013 (Haatuf) - Xaflad qalin jabin iyo dhagax dhig madarasad cusub isugu jirta ayaa shalay lagu qabtay xarunta Dhimirka ee Sahan.  Xafladan  ayaa waxa ka soo qayb galeen masuuliyiin badan oo ay ka mid yihiin Axmed Muumin Seed Guddoomiye ku xigeenka koowaad ee Waddani, Cali Maxamed Warancade, Sh. Aadan X. Maxamuud Xiiray (Aadan Siiro), guddoomiyaha guddida wanaag farista iyo xumaan reebista iyo masuuliyiin kale. Xafladan ayaa waxa shahaadooyin lagu guddoonsiiyey dhawr sodon qof oo xaruntani u fidisay waxbarasho, daryeel iyo daaweynba, waxaana sidoo kale xadhiga lagaga jaray masaajid cusub oo xaruntaasi laga hirgaliyey, iyada oo halkaasina lagu dhagax dhigay madarasad ay xaruntu yeelan doonto. Ugu horeyn guddoomiyaha xarunta daryeelka dhimirka ee Sahan Bashiir Maxamed Jaamac oo halkaasi ka hadlay ayaa faahfaahin ka bixiyey heerarka kala duwan ee ay soo mareen ardeydan wax ku baratay xaruntan, isaga oo sheegay in ay ardeydani ka qalin jabisay xarunta Sahan ay tahay dufcadii 5-aad, isla markaana ay ardeydani barteen. Bashiir Maxamed Jaamac oo faahfaahin ka bixinaya arrimaha ay ka qabtaan xarunta Sahan iyo ardeyda ka qalin jabisay ayaa waxa uu yidhi “Dadkan aad arkaysaan ee xarunta Sahan ka qalin jabisay waxa ay barteen sida dharka loo tolo iyo xirfada laydh galinta, iyada oo dharka uu qof kastaa sameeyey dharka meesha yaala magiciisuna ku qoran yahay, waxaana ILAAHEY mahadii ah in dhawr iyo sodon ardey ka qalin jabinayaan xarunta Sahan oo ay tababar ku qaateen”. Siciid Jaamac oo ka mid ah ardeyda ka qalin jabisay xarunta Sahan ayaa sheegay in si fiican loo xanaaneeyey isaga oo tilmaamay in tacabka la galiyey ay u hawlgali doonaan sidii ay u guddi lahaayeen.  Xidhiidhiyaha Wasaaradda Caafimaadka ee Wasaaradda Caafimaadka Mustafe Xasan Ciise oo halkaasi ka hadlay ayaa sheegya in ay xanuunada maskaxda ku dhaca ugu badan yihiin, kuwa ay sababaan maandooriyaha Qaadku.  “Xanuunka maskaxdu waxa uu ka rajo dhaw yahay xanuuno badan oo uu ka mid yahay xanuunka wadne xanuunku” ayuu yidhi Dr. Mustafe Xasan Ciise oo ka hadlayey dawaynta xanuunka Maskaxdu.  Sh. Aadan X. Maxamuud Xiiray (Aadan Siiro) oo halkaasi ka hadlay ayaa bulshada Somaliland ku dhiirigaliyey in ay dadweynaha Somaliland ka qayb qaataan sidii wax loogu qaban lahaa dadka uu haleelay xanuunka Maskaxdu.  “Aad ayaan ugu faraxsanahay in aynu aragno caruurteenii oo maanta sidan u qurux badan kana qalin jabinaysa xarunta Sahan, waxaana loo baahan yahay in aynu dadkan u samayno barnaamij wax lagaga qabanayo, waxaana bulshada u soo jeedinayaa in ay meeshan wax taraan”. Siyaasiga Cali Maxamed Warancade oo halkaasi ka hadlay ayaa sheegay in maandooriyaha Qaadku ka mid yahay waxyaabaha ugu badan ee bulshadeena ku keena xanuunada maskaxda ku dhaca.  Masuuliyiin badan oo halkaasi ka hadashay ayaa waxa ay ku dheeraadeen muhiimada ay goobtani dalka u leedahay iyo sida loogu baahan yahay in la horumariyo xaruntan Sahan.  Ugu dambayn waxa halkaasi shahaadooyin lagu guddoonsiiyey ardeydii xarunta wax ku baratay oo ku guulaystay waxbarasho iyo inay ka caafimaadaan xanuunadii loo keenay meesha.  Masuuliyiinta ka soo qayb gashay xafladan ayaa waxa ay xadhiga ka jareen masaajid cusub oo halkaasi laga dhisay, waxaanay dhagax dhigeen masuuliyiintu Madarasad cusub oo xarunta laga hir galin doono, madarasadaasi oo ay dhaqaalaha dhismaha ku deeqeen caruurta uu dhalay Marxuum Xuseen C/laahi Yey oo abaahood balan qaadan in uu dhisi doono Masaajid iyo Madarasad, isla markaana dhisay masaajidka intii aanu Xaqu u iman.  Sh. Aadan X. Maxamuud Xiiray (Aadan Siiro)  ayaa halkaasi uga duceeyey qoyskan ku deeqay lacagta lagu hirgalinayo dhismaha madarasada xarunta laga hirgalinayo.