Haatuf News

Home | Contact Us | LinksArchives

 ISSUE 3200

January 30 2013                                                              Rabicil Awal 18,1434H     

Xubno Ka Soo Jeeda Awdal Oo Ka Tirsan Labada Gole Baarlamaan Oo Ku Eedeeyey Qurba Jooga Gobolkaasi Inay Wadaan Kicin Iyo Abaabul Dadweyne, Kana Dalbaday Inay Joojiyaan

 

Wasiirka Maaliyada Oo Daboolka Ka Qaaday Dakhliga Cashuuraha Ka Soo Xerooday Saddexdii Bilood Ee Ugu Danbeeyay Iyo Wakiilada Oo Su’aalo Ay Maryo Dhiig Leh Ku Kala Furteen Ku Hafiyay

Shirgudoonka Guurtida Oo Daaqada Ka Tuuray Mooshin Ay Tahriibinayeen Shaqsiyaad Xildhibaano Ah Oo Lagu Carqaladaynayey Somcable

Xukuumada Oo Maxjar Labaad Ka Baal Furtay Kii Hore Ee Jiray Iyo Dareenada Ku Gedaaman

Maanta, Shalay dhaantey!

Raysal Wasaaraha Dawladda Sheekh Shariif Oo La Ansixiyey Iyo Dagaalo Ka Dhacay Muqdisho

 

 

 

 

Garsoorkii Haayada Shaqaalaha Dowlada + Shaqaalaysiintii Farsamaysnayd Ee Wasaarada Maaliyadu Wadatay

Diyaariye: Cabdirasaaq Xaashi Xuseen

Waxay ahayd badhtamihii bishan gabagabada ah ee January 2013 markii Wasaarada Maaliyada ee Somaliland ay isku dayday in qaadato Shaqaale lagu sheegay tanbareeri oo badankoodu ahaa dad lawatay kuwaas oo ay wateen Masuuliyiin Xilaal sarsare ka haya Wasaarada Maaliyada iyo Xildibaano katirsan Golaha Baarlamanka iyo Masuulo kale oo ku Jira Xukuumada Somaliland.

Dadkan oo liiskooda ay soo gudbisay Maaliyadu ayaa waxa burisay oo sharciga marisay Haayada Shaaqalaha Dowlada kuna dartay tiro badan oo Dhalinyarada Jaamacadaha ka soo baxday ahayd oo ay qabatay codsiyadooda Haayada Shaaqalaha Dowladu. Halkaas oo ay ku haftay Imtixaankii in badan oo ka mid ah dadkii lawatay ee loo soo sameeyey garaydhka A ,B,C; ee ayna aqoontiisa lahayn markii ay Imtixaan la galeen dad aqoontisa leh, Haayada Shaqaaluhuna u soo dhajisay qof walba wixii qalinkiisu u gooyey si ay udhiiri galiso dhaliyarada waxbaratay ee dalka Jamuuriyada Soomaaliland. Natiijadaas oo ka nixisay dad badan oo dadkii ay wateen meel hoose ka galeen Imtixaankii lagu tartamay,Wasaaradan Maaliyada oo ah Wasaaradaha ugu muhiimsan ayaa u muuqata wasaarad masuuliyiinteeda qaar ka mid ahi u guclaynayaan in ay keenaan dad ay jeebka ku sitaan taas oo ay kala mid tahay Wasaarado badan taa badal keedana waxa ay wasaarado badin ka naaxi waayeen Haayada SHaqaalaha oo iyadu ah Haayad Madax banaan oo ka masuula shaqaalaha Dawlada diidana wixii shaqaale ah ee aan sharci ahayn ama Isxanbaara ah.

Diyaariye: Cabdirasaaq Xaashi Xuseen