|
Home | Contact Us | Links | Archives |
|
ISSUE 3200 |
January 30 2013 Rabicil Awal 18,1434H | |
|
Xukuumada Oo Maxjar Labaad Ka Baal Furtay Kii Hore Ee Jiray Iyo Dareenada Ku Gedaaman Raysal Wasaaraha Dawladda Sheekh Shariif Oo La Ansixiyey Iyo Dagaalo Ka Dhacay Muqdisho
|
Dawlada Xamar Oo Sheegtay In Ninka Is-Qarxiyey Uu Ahaa Dhalinyaradii Ka Soo Goosatay Al-shabaab Ee Iyaga Ku Soo Biiray Muqdisho, January 30, 2013 (W.Wararka) - Ugu yaraan laba qof oo uu ku jiro Ninkii is-Miidaamiyey ayaa ku dhintay weerar is-Qarxin ah oo ka dhacay Afaafka hore ee xafiiska Raysal wasaaraha Soomaaliya oo ku dhow xarunta madaxtooyada Soomaaliya, waxaana ku dhaawacmay weerarkaas tiro kale. Weerarkan oo aanay weli cidina sheegan ayaa waxaa lala beegsaday ciidammo ku dhowr guriga ra'iisul wasaaraha Soomaaliya, iyadoo aanay jirin dhibaato weerarkaas kasoo gaadhay Ra'iisul wasaaraha oo xilligaa ku sugnaa xafiiskiisa. Wakaaladaha wararka oo soo xiganaya sarkaal ka tirsan ciidamada dowladda oo ay magadciisa ku sheegeen C/qaadir Cali ayaa sheegay in tirada dhimashada ay gaarayso lix qof, kuwaasoo uu ku jiray ruuxii ismiidaaminta sameeyay. Wararka laga helayo xafiiska ra'iisul wasaaraha Soomaaliya ayaa sheegaya in hal askari uu ku dhintay weerarkaas, saddex askari oo kalena ay ku dhaawacmeen, kuwaasoo dhammaantood ka tirsanaa ilaalada xafiiska ra'iisul wasaaraha Soomaaliya. "Qarax weyn ayaa dhacay, waxaan arkay dhaawacyada iyo dhimashada askar fara badan oo isbitaallada loola cararayo, goobta oo dhanna waxaa xiray ciidammo ka tirsan kuwa dowladda," ayuu yidhi goobjooge lagu magacaabay Maxamed Xuseen oo u warramayay wakaaladaha wararka caalamka. Weerarkan ayaa kusoo beegmaya xilli ay magaalada Muqdisho ka socdaan baaritaanno ay ciidamada dowladdu ku sugayaan ammaanka, waxaana uu weerarkan noqonayaa kii ugu horreeyay oo sannadkan ka dhaca afaafka madaxtooyada Soomaaliya. Dawlada Somalia ayaa Cadaysay in ninka is qarxiyey uu ahaa dhalinyaradii ka soo goosatay Al-shabaab ee ku soo biiray dawlada Xasan Sheekh Maxamuud. Sannadkii hore ayaa waxaa qarax ismiidaamin ah uu ka dhacay afaafka hore ee madaxtooyada, inkastoo aysan jirin cid ka tiran dowladda oo wax ku noqotay weerarkaas. |