Haatuf News

Home | Contact Us | LinksArchives

 ISSUE 3200

January 30 2013                                                              Rabicil Awal 18,1434H     

Xubno Ka Soo Jeeda Awdal Oo Ka Tirsan Labada Gole Baarlamaan Oo Ku Eedeeyey Qurba Jooga Gobolkaasi Inay Wadaan Kicin Iyo Abaabul Dadweyne, Kana Dalbaday Inay Joojiyaan

 

Wasiirka Maaliyada Oo Daboolka Ka Qaaday Dakhliga Cashuuraha Ka Soo Xerooday Saddexdii Bilood Ee Ugu Danbeeyay Iyo Wakiilada Oo Su’aalo Ay Maryo Dhiig Leh Ku Kala Furteen Ku Hafiyay

Shirgudoonka Guurtida Oo Daaqada Ka Tuuray Mooshin Ay Tahriibinayeen Shaqsiyaad Xildhibaano Ah Oo Lagu Carqaladaynayey Somcable

Xukuumada Oo Maxjar Labaad Ka Baal Furtay Kii Hore Ee Jiray Iyo Dareenada Ku Gedaaman

Maanta, Shalay dhaantey!

Raysal Wasaaraha Dawladda Sheekh Shariif Oo La Ansixiyey Iyo Dagaalo Ka Dhacay Muqdisho

 

 

 

 

Caynba-Cayn

Qore: C/Naasir Dheeg Ciise  (Q/32aad)

.Waa maan Barrey iyo maan Bilaal

Xoolo iyo xawaadba Rabbi waa uu ku mannaystay 12 wiil,12 kadin oo geel ah,9 tiro oo adhi ah,iyo gammaan aan tiro lahayn baa xeryaha ceegaagay.gabadh keli ah baa wiilasha la dhalatay taasoo aad loo koolkoolin jiray waalid iyo walaalba,waa gabadh wiilal badan la kortaye sankay ka hadashaayoo cidi kama daba hadasho.

Dhoobbiyada geela haya waxa ka mid ah oo ku jira nin xiniin badan oo magaciisa layidhaahdo Bilaal,odaygu waa uu ogyahay hanka iyo hammiga Bilaal uu qalbiga ku haysto.

Odaygii reerka ayaa maalin maalmaha ka mid ah go’aansaday in uu safro,waxa uu u rarary awr tiro badan, xagga Berbera oo ahayd marsada qudha ee dalku leeyahay.

Barrey waxay aabbaheed ka codsatay in uu dahab u soo iibsho,hase ahaatee odaygu waxa uu inantiisa ku qanciyey in aanu maanta u jeedin adeeg guri iyo mid gabadheed toona ,balse uu muraad kale leeyahay.inantii kolkay aragtay in aabbeheed uu diiday codsigeedii una sheegay in uu safarkan ka ku xiga muraadkeeda oofin doono haddii Alle idmo ayaa ay ku tidhi aabbeheed :”Aabbo ma waxaa soo goolal ah baad dahab iiga soo iibin kari weyday?,Waxaan kaa codsanayaa inaad Bilaalba ii soo iibiso oo aad ii soo siiso Dahab!!”

Bilaal waa nin xirrib fagaan iyo garasho dheeri hibo loo siiyey,sidaan hore u soo sheegayna odaygu waxa uu dareensanyahay, ogyahayna in Bilaal damacsanyahay Barrey in ay aafadiisa noqoto,reerkan uu dhoobbiga u yahay ee xoolaha badanna ay xidid noqdaan. Horaa loo yidhi:” ama buur ahow ama buur ku tiirsanow”.

Odaygu waxa isu qaban waayey Bilaal kan xodxodasho xidinimo u qaashaartay iyo Barrey oo u haysata nin nacas ah oo dhoobbi ah ,ragna aan ku jirin ,kolkaasuu odaygii isagoo inantiisa u caqli celinaya waxna tusaya ku tiraabay:”waa maan Barrey iyo maan bilaal”

.ninkii seexduu sicii dibi dhalay

Labo nin oo saaxiib ahaa illaa dhalaanimadii ayaa lahaa labo sac ,mid sannad kasta saciisu waxa uu dhali jiray weyl kan kalena dibi ayuu dhali jiray .

Maalin maalmaha ka mid ah ayaa ninkii siciisu sannad kasta weysha uu dhali jiray seexday.Labadii sac markay fool qaadeen sidii caadadu ahayd midna weyl buu dhalay kii kalena dibi buu dhalay.

Ninkii seexday siciisii weyl buu dhalay waana sidii looga bartay ee lagu yaqaanay,kii kalena dibi ayuu dhalay siduu awelba ahaa.

Kolkii ninkii hurdday uu soo toosay waxa uu arkay siciisii oo dibi hor yaallo,kii kalena weyli hor taallo,halkaasna muran iyo yooyootan baa ka bilaabmay.Labadii nin waa ay garrameen gadh cas baa gees walba laga keenay,jilibkaa la isu laabtay,gar cadaawaa la naqsaday.

Ninkii weysha lahaa ee beddeshay waxa uu ku dhaartay in weyshan uu isagu leeyahay oo saciisu dhalay,wax uu beddeshayna aanu jirin.

Ninkii weysha lagaga dhaaratayna waxa uu xeerbeegtidii garta gashay u sheegay in gartaa labo sano ka dib loo fadhiisan doono,sababtoo ah waxa uu yidhi:aniga xoolahaygu markay labo jir gaadhaan cabidda biyaha waa ay u jilba joogsadaan,haddii weyshaasi astaantaa aan tilmamay ay la soo baxdo oo lagu arko ogaada toloow xaajadaa aad maanta gunaanadeen dib baa

Muddo labo sannadood ah ka dib ayaa la sheegay in weyshii lagu dhaarty ay cabidda biyaha u jilba joogsato,warkiina waxa uu soo gaadhay ninkii weysha dhab ahaan u lahaa ee lagaga dhaartay.

Mar labaad baa hadddana iyaba waa qisee gartii loo fadhiistay ,ninkii weysha horeba ugu dhaartay maantana waxa uu isla soo mutuxay dhaar labaad ,waanu ku dhaartay!!!!!

Odayaashii ilaahay yaab iyo amakaag buu u keenay iyagooo dhabanka iyo gacanta isa saaray baanay maryaha boodhka ka tunteen,kana huleeleen goobtii dhaarta beenta ah mar labaad ay ka dhacday.