|
Home | Contact Us | Links | Archives |
|
ISSUE 3200 |
January 30 2013 Rabicil Awal 18,1434H | |
|
Xukuumada Oo Maxjar Labaad Ka Baal Furtay Kii Hore Ee Jiray Iyo Dareenada Ku Gedaaman Raysal Wasaaraha Dawladda Sheekh Shariif Oo La Ansixiyey Iyo Dagaalo Ka Dhacay Muqdisho
|
Antonio Conte Iyo Labo Ka Mid Ah Xiddigaha Juve Oo La Ganaaxay Ka Dib Murankii Ay La Galeen Garsooraha Kulankii Genoa Tababaraha kooxda Juventus Antonio Conte iyo daafaca Leonardo Bonucci ayaa laga ganaaxay garoomada muddo labo kulan ah ka dib qalalaasihii dhacay ciyaartii Genoa. Kooxda Marwada Duqda ah ayaa ka si aad uga carootay ciyaartii barbaraha 1-1 ku dhamaatay ka dib markii laga diiday rigoore ay dareemeen inay aheyd mid iska cad. Conte iyo Bonucci ayaana dood kulan la galay garsooraha. Giorgio Chiellini oo isaga dhaawac ku maqan ayaa garoonka soo galay ciyaarta markii ay dhamaatay isagoo sidoo kale la dooday garsoorkii ciyaarta, isagana waxaa la ganaaxay hal kulan. Agaasimaha kooxda Bianconeri Beppe Marotta, ayaa isna howlaha shaqo ee kubada cagta Serie A laga ganaaxay ilaa 18ka Febraayo. Kooxda Turin ka dhisan ayaa isbuuca soo socda waxa ay wajheysaa Chievo ka diba waxaa ugu sii xigta Fiorentina. Conte iyo Bonucci ayaa sidoo kale midkiiba la ganaaxay 10 kun euro. Juventus ayaa iyadana koox ahaan la ganaaxay 50 kun euro. |