|
Home | Contact Us | Links | Archives |
|
ISSUE 3200 |
January 30 2013 Rabicil Awal 18,1434H | |
|
Xukuumada Oo Maxjar Labaad Ka Baal Furtay Kii Hore Ee Jiray Iyo Dareenada Ku Gedaaman Raysal Wasaaraha Dawladda Sheekh Shariif Oo La Ansixiyey Iyo Dagaalo Ka Dhacay Muqdisho
|
Marco Materazzi Oo UJawaabay Rafa Benitez: Hadii Aan Beenlow Ahay, Isagana Markaas Waa Caato Marco Materazzi ayaa dib isaga weeraray Rafa Benitez ka dib markii 10 jeer loogu yeeray beenlow wareysi uu isbuucii hore bixiyay tababaraha Chelsea Rafa Benitez. Materazzi,oo ka soo hoos ciyaaray tababaraha reer Spain markii ay wada joogeen Inter Milan 2010kii ayaa sheegtay inuusan koox uu isaga madax ka yahay ku aamini laheyn Benitez. Daafacii hore ee Italy ayaa sidoo kale sheegtay in Benitez uu ku qasbay inuu tuuro sawiro qolka labiska u yiilay isaga oo ay siiyeen Jose Mourinho iyo Marcelo Lippi. Benitez ayaase ka jawaabay eedeymahaas, isagoo ku tilmaamay Metarazzi nin beenlow ah oo ay dadka oo dhan ay yaqaanaan inuu beenlow yahay. Haatan Metarazzi ayaa dib u soo laabtay oo is difaacay, isagoo u hadlayay TV Talyaani ah waxa uu yiri: “Ma beenlow ayaan ahay? Hadii ay saas tahay isagana waa caato, waa sababta kaliya ee uu iigu wici karo beenlow” ayuu yiri Marco Metarrazzi, oo u la jeeda in Benitez uu xaqiiqda iska indhoritayo isagana uu iska indhotirayo inuu waxoogaa yara buuran yahay. “Xanuun ayay igu tahay inaan Chelsea ku dhaho nasiib wacan, laakiin si kastaba waan dhahayaa, sorry ayaan u dareemayaa taageerayaashooda.” |