Haatuf News

Home | Contact Us | LinksArchives

 ISSUE 3201

January 31 2013                                                              Rabicil Awal 19,1434H     

Xubno Ka Soo Jeeda Awdal Oo Ka Tirsan Labada Gole Baarlamaan Oo Ku Eedeeyey Qurba Jooga Gobolkaasi Inay Wadaan Kicin Iyo Abaabul Dadweyne, Kana Dalbaday Inay Joojiyaan

 

Wasiirka Maaliyada Oo Daboolka Ka Qaaday Dakhliga Cashuuraha Ka Soo Xerooday Saddexdii Bilood Ee Ugu Danbeeyay Iyo Wakiilada Oo Su’aalo Ay Maryo Dhiig Leh Ku Kala Furteen Ku Hafiyay

Shirgudoonka Guurtida Oo Daaqada Ka Tuuray Mooshin Ay Tahriibinayeen Shaqsiyaad Xildhibaano Ah Oo Lagu Carqaladaynayey Somcable

Xukuumada Oo Maxjar Labaad Ka Baal Furtay Kii Hore Ee Jiray Iyo Dareenada Ku Gedaaman

Maanta, Shalay dhaantey!

Raysal Wasaaraha Dawladda Sheekh Shariif Oo La Ansixiyey Iyo Dagaalo Ka Dhacay Muqdisho

 

 

 

 

Madaxweyne Siilaanyo Oo Shegay Inuu Diyaar U Yahay Doorsho Balse Aanu Aqbali Doonin Mudo Kordhin, Soona Jeediyey In Distoorka La Furo Dumarka Iyo Dadka Laga Tirada Badan Yahayna Kooto Laga Siiyo Baarlamaanada

Hargeysa, February 1, 2013 (Haatuf) – Madaxweynaha Somaliland Axmed Maxamed Maxamuud Siilaanyo ayaa Khudbad uu u Jeediyey shalay golayaasha Baarlamaanka waxa uu sheegay inuu Diyaar u yahay Doorasho balse aanu aqbali doonin mudo kordhin loo sameeyo mar uu wakhtiga xilkiisu dhamaado, kaas oo soo jeediyey in distoorka la furo dumarka iyo dadka laga tirade badan yahayna kooto laga siiyo golayaasha Baarlamaanka ee Guurtida iyo Wakiilada.

Khudbadan oo ahayd tii ugu xiisaha iyo ahmiyada badnayd ee uu jeediyey intii uu xilka hayey ayaa sidoo kale jawaab ka bixiyay go’aankii dawlada Britain ay ku sheegtay in xaalad nabadgalyo daro ay ka jirto Somaliland iyo sidoo kale aqoonsigii dawlada Maraykanku u fidisay maamulka cusub ee Somalia. Madaxweyne Axmed Siilaanyo ayaa sidaasi ku sheegay khudbad sanadeedkii distooriga ahaa ee uu shalay u jeediyay labada gole Baarlamaan ee guurtida iyo wakiilada, taasoo uu sidoo kale kaga hadlay dooarshadii golayaasha deegaanka ee dalka ka qabsoontay iyo xaalada guud ee amaanka dalka iyo waxyaalihii xukuumadiisa u qabsoomay muddadii ay talada dalka hogaaminayey.

Madaxweyne Siilaanyo oo madasha fadhiga ka akhriyay khudbad dhawr iyo toban bog ah oo aad u dheerayd, isla markaana inteeda badani ahayd warbixinadii hore ee uu golayaasha ka hor jeediyay labadii sanadood ee hore, isla markaana uu akhriyay muddo saacad iyo badh ah, ayaa nuxurka khudbadiisa waxa uu ku bilaabay “Waxaanu ku tagnay wadahadalada Somalia nidaam sharciya oo aad ogolaateen, dawlada cusub ee Somalia waxaanu doonaynaa inay inoo dhaxayso cilaaqaad fiican, waxaanu u sheegaynaa caalamka Somalia dalka Somaliland dawlad uma aha mana xukunto, maanta Somaliland loo warwari maayo, boqol sano haday gaadhaysana qadiyada Somaliland waa muqadas. Waxaan ugu baaqayaa caalamka nabada jecel inay tixgaliyaan go’aanka shacbiga ee madaxbanaanida Somaliland, madaxda Somalia waxaanu ugu baaqaynaa inay ka fogaadaan wixii dhaawici kara qodobadii ka soo baxay shirkii London, garwaaqsadaana in madaxbanaanida Somaliland tahay mid muqadas ah oo aan gorgortan gali karin. Ictiraafka Maraykanku siiyay dawlada cusub ee Somalia arrintaasi maaha mid Somaliland khusaysa, mana aha wax cusub, waligeedna dawlada Maraykanku way aqoonsanayd Somalia, laakiinse hada waxay ogolaadeen maamulak cusub, Somaliland iyo Maraykanka xidhiidhkii u dhexeeyay waxba iskamay badalin, wada shaqayntana waa sideedii, waxaana wasaarada arrimaha dibada Maraykanka ay noo soo direen fariin. Dawlada Ingiriiska waxaa inoo dhexeeyay xidhiidh soo jireena waxa inaga dhexeeyay iskaashi waxaanse ka xumahay dhawaaqa ka soo yeedhay wasaarada arrimaha dibada ee lagu sheegay in Somaliland ay ka jirto xaalad nabadgalyo daro ahi, dhawaaqaasi muu ahayn mid u qalma oo ku haboon xidhiidhka labada dal, waxaananu u aragnaa mid lagu degdegay” Madaxweyne Siilaanyo oo ka hadlaya wax ka badalka ditoorka ayaa waxa uu yidhi “Waxaan idiin soo jeedinayaa in distoorka aynu7 wax ka badal ku samayno qaabka loo qabyo tiri doono, anigaa idiin soo gudbinaya iyadoo aan usoo tixraaci doono qodobada 126aad iyo 127aad ee distoorka qaranka, waxaan mar labaad idinka codsanayaa inaydin mar labaad dib u eegtaan inta ka horaysa doorashada golaha wakiilada si ay beelaha laga tirada badan yahay iyo haweenku uga mid noqdaan golayaasha la soo doorto’ Madaxweyne Axmed Siilaanyo oo khudbadiisa sii watay waxa uu intaa ku daray “Waxaanu miisaaniyada 2013-ka ku darnay $1 milyan oo loogu talo galay in diiwaangalin rasmiya laga sameeyo dalka, sida la ogyahay dooarshadii golaha wakiiladu waxay ku beegantahay dabayaaqada sanadkan, tii guurtida iyo madaxtooyaduna way ku sii xigaan, suurta galna maaha in muddo labada sanadood gudahood ah saddex doorashado iyo diiwaangalin lagu wada qabto, dalkan culays iyo dhiig-bax bay ku tahay, aniguna ma ogoli in maalin kaliya muddo kordhin lay sameeyo marka muddo xileedku dhamaado, sidaa darteed guddi qaran ayaan u saari doonaa oo ka soot ala bixisa saddexdaa doorasho ee dalka ku soo fool leh sida loo qabanayo” Madaxweyne Siilaanyo ayaa sidoo kale hambalyo u diray hogaamiyayaashii ururadii ku hadhay doorashada marka laga reebo ururka xaqsoor oo aanu soo hadal qaadin.