Haatuf News

Home | Contact Us | LinksArchives

 ISSUE 3201

January 31 2013                                                              Rabicil Awal 19,1434H     

Xubno Ka Soo Jeeda Awdal Oo Ka Tirsan Labada Gole Baarlamaan Oo Ku Eedeeyey Qurba Jooga Gobolkaasi Inay Wadaan Kicin Iyo Abaabul Dadweyne, Kana Dalbaday Inay Joojiyaan

 

Wasiirka Maaliyada Oo Daboolka Ka Qaaday Dakhliga Cashuuraha Ka Soo Xerooday Saddexdii Bilood Ee Ugu Danbeeyay Iyo Wakiilada Oo Su’aalo Ay Maryo Dhiig Leh Ku Kala Furteen Ku Hafiyay

Shirgudoonka Guurtida Oo Daaqada Ka Tuuray Mooshin Ay Tahriibinayeen Shaqsiyaad Xildhibaano Ah Oo Lagu Carqaladaynayey Somcable

Xukuumada Oo Maxjar Labaad Ka Baal Furtay Kii Hore Ee Jiray Iyo Dareenada Ku Gedaaman

Maanta, Shalay dhaantey!

Raysal Wasaaraha Dawladda Sheekh Shariif Oo La Ansixiyey Iyo Dagaalo Ka Dhacay Muqdisho

 

 

 

 

Muj. Xasan Ciise Oo Khubadii Shalay Ee Madaxwayne Siilaanyo Ku Tilmaamay Mid Uu Guuldarooyinka Xukuumadiisa Ku Damba-Basayo

“Yaan La Idiin Sikhirin Oo Aan La Idiin Hadoodilin Ictiraafka Somalia Waa Aqoonsi  La’aanta Somaliland, Shirkaasi Waa Mid Ninkii Aad Is-Hayseen Uu Yidhi Aan Guddoonkiisa Yeesho” Xasan Ciise Jaamac

Hargeysa, January 31, 2013 (Haatuf) – Guddoomiyaha Ururka Xaqsoor Xasan Ciise Jaamac ayaa khudbadii uu shalay Madaxwayne Siilaanyo ka horjeediyey Baarlamaanka Somaliland ku tilmaamay mid uu guuldarooyinka xukuumadiisa ku asturayo, kaas oo sheegay inaanay ahayn mid ku haboon marxaladaha jira wakhtigan oo uu tibaaxay inuu dalku galay xaalad cakiran.

Mujaahid Xasan Ciise waxa uu sidoo kale khatar ku sifeeyey shirka dhawaan la filayo inuu Somaliland iyo Somalia ku dhexmaro Magaalada London ee xarunta dalka Britain, kaas oo uu sheegay inay Somalia codsatay inay iyadu hogaamiso shirkaas, isla markaana wax aan la aqbali karin ku tilmaamay arintaas. Guddoomiyaha Xaqsoor Xasan Ciise Jaamac waxa uu ku baaqay inaanay Somaliland ka qaybgalin shir lagu qabanayo dal Ictiraafsan Somalia, kaas oo xusay in aqoonsiga uu maamulka Muqdisho u fidisay dawladda Maraykanku mid Ictiraafkii Somaliland god madow ku ridaya. Madaxwayne ku xigeenkii ugu horeeyey ee Somaliland Muj Xasan Ciise Jaamac ayaa waxa uu sidoo kale sheegay inay siyaasada arimaha debada iyo ta daakhiliga ee dalku ay fashilantey, isla markaana waxgaradka iyo aqoonyahanka ummadda ugu baaqay inay talo qaran iskugu yimaadaan. Ugu horayna isaga oo marxaladaha dalku galay ka hadlaya, waxa uu yidhi “Wadanku wuxuu maanta galay doorashadii ka dib Marxalad cakiran oo marxalad siyaasadii dalku qasan tahay oo ay Midnimadii bulshadu burburtey, isla markaana nabadgalyadii ay khatar ku jirto oo sababtuna ay tahay sidii xumayd ee doorashadii deegaanka loo maamulay ee loo sacsacay ee loo boobay.  Sidaas awgeed waxa aanu anagu soo jeedinaynaa sida ay qolyo kaleba soo jeediyeen oo Faysal Cali Waraabe iyo Ibraahim Dhago-wayne-ba ay soo jeediyeen in talo qaran arimahaas laga yeesho oo run ahaantiina way ku mahadsan yihiin fikirkaasna. Waxa aad la socotaan doorashooyinkii dalka ka dhacay iyo waxyaabihii aanu soo bandhignay oo waraaqihii ururka Xaqsoor oo aanu ka soo ururinay iyaga oo la gubay banaanada oo dabayshu qaaday oo aanu qaarkood dooxa Hargeysa ka soo gurney oo taas hore ayaanu ummadda ugu soo bandhignay. Wax la rumaysan karo maaha oo waxa ka markhaati furay arimahaas goobjoogayaashii shisheeyaha ahaa ee doorashadaas indho-indhaynayey oo uu ka mid ahaa nin Ingiriiska ah oo kormeerayaashaas ka mid ah, kaas oo markii uu dalkiisii ku noqday Waraysi siiyey Wakaalada Wararka ee Reaturs isla markaana yidhi aduunka meelo badan oo ay doorasho ka dhacday ayaan tagay oo aan arkay doorashadii Somaliland ka dhacday oo kale waligay imay soo marin ayuu yidhi”.

Mujaahid Xasan Ciise isaga oo ka hadlaya siyaasada arimaha debada, waxa uu yidhi “Guul daradan siyaasadii arimaha dibada dalka ku timid ee Maraykankii oo dalalka dunida maanta ugu kabo waawayni uu Ictiraafay dalkii ku fadhiyey Aqoonsiga Somaliland oo ah Wadanka Somalia, waxaan leeyahay yaan la idiin sikhirin oo aan la idiin hadoodilin, runta hadii aad doonayso Ictiraafka Somalia waa Ictiraaf  la’aanta Somaliland sababta oo ah ninkii aduunka Aliflaha u ahaa waxa uu yidhi waxa aan aqoonsaday in Xamar looga taliyo Somaliland, isla markaana Soomaaliyada uu Ictiraafay waa Somali-yadii hore ee Somaliland ay ka mid ahaan jirtey, markaa waa guuldaro aad iyo aad u naxdin leh oo u baahan  in talo qaran laga yeesho iyo sidii looga daba-tagi lahaa guuldaradaas ku timid siyaasadii khaarajiga dalka”. Guddoomiyaha ururka Xaqsoor Xasan Ciise isaga oo hadalkiisa sii wata, waxa uu  yidhi “Shirka talada qaran ee aanu ku baaqaynaa waxa weeyi mid arimaha dalka iyo amaandarada dalka ka taagan ee qolyihii cadaanka ahaa ee ay dadkoodii ka daad guraynayaan dalkii waxaas oo dhamina waa guuldarada xukuumadani ay dalka dhaxalsiisay mudadii ay talada dalka haysay, markaa dadka aanu leenahay ha isku yimaadeen waa Waxgaradka iyo Aqoonyahanka dalka ee lexejeclada ka leh ee axsaabta iyo ururada oo dhan ka kooban, isla markaana xukuumadda waa lagu casuumi karaa oo wax mushkilad ah malaha oo loo diidi maayo waana loo ogol yahay inay ra’igooda dhiibtaan”. Xasan Ciise mar uu ka hadlayey shirka la filayo inuu dhawaan Somaliland iyo Somalia ku dhexmaro dalka Ingiriiska, waxa uu yidhi “Shirkan London ee la leeyahay Somaliland iyo Somalia ayaa la iskugu keenayaa waa mid ka duwan noocii shirarkii hore  ee la iskugu yimid ee mid ka dhacay London ka kalena ka dhacay Dubai, sababtuna waxa weeyi Somalia ayaa doonaysa inay guddoomiye ka noqoto shirkii oo waxay dalbadeen inay guddoomiyaan iyagu shirkaas, run ahaantii shirka noocaas ah maaha mid Somaliland ay tagi karayso oo waa shir ninkii aad is-hayseen uu yidhi aan guddoonkiisa iyo go’aankiisa yeesho taasina mid la aqbali karo maaha. Mid kalena waan raacinayaa oo anigu hore shaqsiyan waan u taageeri jiray in wada-hadal lala yeesho Somalia oo arimaha Ictiraafkeena lagala hadlo waxkale lagala hadli maayee, sababta oo ah Ethiopia iyo Eretria markii ay kala baxayeen way wada hadleen markaa sababahaas ayaan anigu u taageeri jiray laakiin imika arimuhu sidaas way ka duwan yihiin. Mid kalena waan ku talinaynaa oo waan raacinaynaa iyada oo aanu horeba u odhan jirnay dawladda oo kaliya ma tagi kartee waa in Mucaaridka iyo dawladu is raacaan oo ay ku tagaan aragti qaran ayaa waxa soo kordhay in mar hadii uu Maraykankii uu aqoonsaday Somalia imika ma tagi karno kumana shiri karno wadan labadeena dhinac ee wada-hadalku u dhaxeeyey dhinac ahaan ictiraafsan, isla markaana waa in hadii wada-hadal dhacayo uu si sima u dhacaa oo la iskugu tagaa dal aan Somaliland iyo Somalia midna aqoonsanayn, taasina waa shuruud cusub oo aanu ku kordhinayn”.

Mar wax laga waydiiyey sida uu u arko khudbadii Madaxwayne Siilaanyo ee shalay, waxa Guddoomiyaha Xaqsoor hadalkiisa ka mid ahaa “Qudbada caynkaas ahi marka ay gar leedahay waa khudbad loo baahan yahay oo ummada waxtari karta, laakiin marka aanay damba-basayso dib u dhac, dambiyo iyo guuldarooyin xukuumadda ku timid marka ay danba-basayso bulshadda ceeb ayey ku noqonaysaa oo runta iyo garawshiyaha ayuun baa wax bogsiisa, isla markaana marka dhibaatooyin iyo nabadaro ay jiraan ee dhiig daatay ee xukuumadii dad aan hubaysnayn ay dhabarka ka toogatay waxba inoo hagaagi maayaan oo garawshiyo ayuun baa wax bogsiiya, laakiin garawshiyo la’aantu arintii way sii kharibaysaa oo sii xumaynaysaa oo midnimadii ummadda wuu sii kala fogaynayaa oo nabadgalyadiina wuu dhaawacayaa”. Ayuu yidhi Muj Xasan Ciise Jaamac mar uu shalay Telefishanka HCTV ugu waramay Magaalada Hargeysa.