|
Home | Contact Us | Links | Archives |
|
ISSUE 3201 |
January 31 2013 Rabicil Awal 19,1434H | |
|
Xukuumada Oo Maxjar Labaad Ka Baal Furtay Kii Hore Ee Jiray Iyo Dareenada Ku Gedaaman Raysal Wasaaraha Dawladda Sheekh Shariif Oo La Ansixiyey Iyo Dagaalo Ka Dhacay Muqdisho
|
Boqolaal Dadweyne Ah Oo Dibad Bax Balaadhan Oo Ay Ku Diidan Yihiin Go’aankii Ingiriisku Ku Dhaliilay Amaanka Somaliland Oo Socod Ku Maray Wadooyinka Hargeysa Hargeysa, January 31, 2013 (Haatuf) - Dadwaynaha Magaalada Hargeysa ayaa shalay subaxdii isugu soo baxay jidadka waaweyn ee caasimada Hargeysa, kuwaas oo sitay Boodhadh ay ku Xardhan yihiin Erayo ay ku Taageerayaan Nabada Buuxda ee ka Jirta Somaliland iyo Calanka Somaliland. Dadwaynahan oo isugu jiray Ardayda Jaamacadaha, haween, ganacsatada kala duwan ee caasimada iyo weliba dad kale oo aad u fara badan, ayaa waxay subaxdii hore ee shalay isugu yimaadeen albaabka hore ee aqalka baarlamaanka Somaliland oo uu shalay khudbad sanadeedkiisii ka jeedinayey Madaxwayne Axmed Maxamed Maxamuud (Siilaanyo). Dadwaynaha ayaa dibad-baxan oo ay kaga soo horjeedaan dhawaaqii Ingiriisku ku sheegay in Mudaadiniintiisu ay ka baxaan Somaliland khataro soo fool leh ayaa kaga jawaabay dibad baxan oo ay ku dhawaaqayeen weedho ay taageerayaan amaanka Somaliland iyo jiritaanka qaranimada. Dadweynahan oo ay horkacayeen Madaxda Qaranka, gaar ahaan badhasaabka gobolka Hargeysa ayaa Sidoo kale waxay eedaymo u jeediyeen Dawladda Ingiriiska oo ay sheegeen inay ka soo horjeedo Madax-banaanida Somaliland. |