Haatuf News

Home | Contact Us | LinksArchives

 ISSUE 3201

January 31 2013                                                              Rabicil Awal 19,1434H     

Xubno Ka Soo Jeeda Awdal Oo Ka Tirsan Labada Gole Baarlamaan Oo Ku Eedeeyey Qurba Jooga Gobolkaasi Inay Wadaan Kicin Iyo Abaabul Dadweyne, Kana Dalbaday Inay Joojiyaan

 

Wasiirka Maaliyada Oo Daboolka Ka Qaaday Dakhliga Cashuuraha Ka Soo Xerooday Saddexdii Bilood Ee Ugu Danbeeyay Iyo Wakiilada Oo Su’aalo Ay Maryo Dhiig Leh Ku Kala Furteen Ku Hafiyay

Shirgudoonka Guurtida Oo Daaqada Ka Tuuray Mooshin Ay Tahriibinayeen Shaqsiyaad Xildhibaano Ah Oo Lagu Carqaladaynayey Somcable

Xukuumada Oo Maxjar Labaad Ka Baal Furtay Kii Hore Ee Jiray Iyo Dareenada Ku Gedaaman

Maanta, Shalay dhaantey!

Raysal Wasaaraha Dawladda Sheekh Shariif Oo La Ansixiyey Iyo Dagaalo Ka Dhacay Muqdisho

 

 

 

 

“Xaqiiqada Dhabta Ah Ee S/Land Ka Jirta Oo Sida Cadceeda U Muuqata Sacab Laguma Qarin Karo”

By: Aqoonyahan M. Maxamuud Cumar Faras

Aniga oo ah aqoonyahan Maxamed Maxamuud Cumar Faras, waxaan halkan kaga hadlayaa arrinta ay ka dhawaajisay Dawlada UK ee ku wajahan amarka ay muwaadiniinteeda ka hawl gala Somaliland ku fartay inay ka soo baxaan Somaliland sababo xaga amniga ah, ayaa waxaan leeyahay muddo labaatan sano ah oo dalkan Somaliland madaxbanaanidiisa kala soo noqday 1991-kii, ka dib markii uu ka go’ay dalkii Somalia laysku odhan jiray, isla markaana halgan dheer oo naf iyo maalba leh loo huray, ayaa tan iyo muddadaasi xaalada dalkan ka jirta oo nabadgalyo iyo xasilooni buuxda ku naalooyana, ayaan marna la qarinkarin horumarka iyo dibu dhiska qarankani ku caanbaxay, isla markaana kaga duwan yahay dalal badan oo Africa iyo aduunka kaleba ka tirsan.

Hadaba waxa la  yaab leh dawlada Ingiriiska oo shacbiga Somaliland ka filayeen inay noqoto wadamada safka hore ka gala aqoonsiga Somaliland ay xaqa u leedahay, balse waxa ka soo yeedhay waxaan la filayn oo ka yaabiyay shacbiga Somaliland in maanta uu amar ku bixiyo in muwaadiniintiisu ka soo baxaan Somaliland arrimo xaga amaanka ah dartood, taasina waa wax xaqiiqada ka fog cadcadeedaa jirtana sacabka laguma qarin karo, siduu doono ha u jeedo’e waa siyaasad u gaara, balse waxaanu u sheegaynaa dawlada Ingiriiska hadaad na aqoonsato waa faa’iido labada dalba ugu jirta hadaad na aqoonsan waydana waanu noolayn waananu noolaan doonaa. Dhinaca kale waxaan hambalyo iyo bogaadin u dirayaa shacbiga reer Somaliland ee maalmahan  u dameeyay tan iyo markii arrinkaasi ka soo yeedhay ingiriiska muujiyey dareenkooda ay kaga xun yihiin dhawaaqaasi, isla markaana cambaareeyey talaabada qaldan ee dawlada Ingiriisku Somaliland ka bixisay, waxaanan shacbiga ugu baaqayaa inay muujiyaan mar walba wadaninimo iyo dal jacayl, taasina ay keenayso inaan cidna waxba ka qaadin, cidii soo doonatana talaabada ku haboon ka qaadaan, dalkana ilaashadaan, Allaahu Akbar   Ugu dambayn waxaan xukuumada ugu baaqayaa waa inay ka hawl gasho arrinkan cusub, isla markaana ay beesha caalamka ugu baaqdo inaanay Somaliland gorgortan la galin karin madaxbanaanidooda, waxaana wax lala yaabo ah arrinkan dawladihii waaweynaa wadaan ee ay aqoonsiga u fidiyeen maamulka Somalia ee gacanta ku wada hayn Xamar-ba iyo Somaliland oo mudadaasi nabadgalyo iyo xasilooni ku caano-maashay.