Haatuf News

Home | Contact Us | LinksArchives

 ISSUE 3201

January 31 2013                                                              Rabicil Awal 19,1434H     

Xubno Ka Soo Jeeda Awdal Oo Ka Tirsan Labada Gole Baarlamaan Oo Ku Eedeeyey Qurba Jooga Gobolkaasi Inay Wadaan Kicin Iyo Abaabul Dadweyne, Kana Dalbaday Inay Joojiyaan

 

Wasiirka Maaliyada Oo Daboolka Ka Qaaday Dakhliga Cashuuraha Ka Soo Xerooday Saddexdii Bilood Ee Ugu Danbeeyay Iyo Wakiilada Oo Su’aalo Ay Maryo Dhiig Leh Ku Kala Furteen Ku Hafiyay

Shirgudoonka Guurtida Oo Daaqada Ka Tuuray Mooshin Ay Tahriibinayeen Shaqsiyaad Xildhibaano Ah Oo Lagu Carqaladaynayey Somcable

Xukuumada Oo Maxjar Labaad Ka Baal Furtay Kii Hore Ee Jiray Iyo Dareenada Ku Gedaaman

Maanta, Shalay dhaantey!

Raysal Wasaaraha Dawladda Sheekh Shariif Oo La Ansixiyey Iyo Dagaalo Ka Dhacay Muqdisho

 

 

 

 

Madaxweynaha Xamar OoSheegay In Somalia Ay Taagan Tahay Halkii Yurub Taagnayd 1945

Brussels, January 31, 2013 (W.Wararka) - Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka ah ee Soomaaliya Xassan Sheekh Maxamuud oo booqasho rasmi ah ku jooga Caasimadda dalka Belgium-ka isla markaana ah Xarunta Midowga Yurub ayaa kulamo la qaatay madaxda Midowga Yurub. Madaxweyne Xassan ayaa ugu horeyn la kulmey Madaxweynaha Golaha MidowgaYurub Herman van Rompuy, kuwaas oo ka wada hadlay Dib u soo nooleynta dhaqaalaha Soomaaliya, Dib u heshiisiinta beelaha, iyo waxa Dowladda ay dadka Somalia ka faa’iidayaan: adeega bulshada, Amni macne leh iyo xornimo qof ahaaneed. Safarka Madaxweynaha Soomaaliya ku joogo Midowga Yurub ayaa ah kii u horeeyey, ayaa la saxeexday Midowga Yurub xidhiidh cusub  taariikhi ah kaas oo u badan hormarinta Soomaaliya, Madaxweynaha Guddiga Midowga Yurub Mr. Herman ayaa sheegay in ay fulinayaan heshiiska cusub ee ay Soomaaliya la saxeexdeen.

Madaxweynaha Soomaaliya ayaa sheegay in dalku u baahan yaay in uu hore u socdo kana soo kabsado dhibaatooyinkii gaadhay, “Soomaaliya maanta waxay taagan tahay halkii Yurub taagneys 1945 markii uu dhamaadey dagaalkii labaad ee Aduunkunku, waxkasta Soomaaliya waxay ka taagan tahay ZERO, keligaya awood uma lihin in aan wax qabano, waxaan u baahanahay waa taageero caalami ah oo Midowga Yurub u horeeyo ayuu yiri Madaxweyne Xassan. “Waxaan u baahanahay qorshe la mid ah Marshall Plan kaas oo Maraykanku dib ugu dhisey dalal badan oo Midowga Yurub ka mid ah dagaalkii labaad kadib”.