Haatuf News

Home | Contact Us | LinksArchives

 ISSUE 3201

January 31 2013                                                              Rabicil Awal 19,1434H     

Xubno Ka Soo Jeeda Awdal Oo Ka Tirsan Labada Gole Baarlamaan Oo Ku Eedeeyey Qurba Jooga Gobolkaasi Inay Wadaan Kicin Iyo Abaabul Dadweyne, Kana Dalbaday Inay Joojiyaan

 

Wasiirka Maaliyada Oo Daboolka Ka Qaaday Dakhliga Cashuuraha Ka Soo Xerooday Saddexdii Bilood Ee Ugu Danbeeyay Iyo Wakiilada Oo Su’aalo Ay Maryo Dhiig Leh Ku Kala Furteen Ku Hafiyay

Shirgudoonka Guurtida Oo Daaqada Ka Tuuray Mooshin Ay Tahriibinayeen Shaqsiyaad Xildhibaano Ah Oo Lagu Carqaladaynayey Somcable

Xukuumada Oo Maxjar Labaad Ka Baal Furtay Kii Hore Ee Jiray Iyo Dareenada Ku Gedaaman

Maanta, Shalay dhaantey!

Raysal Wasaaraha Dawladda Sheekh Shariif Oo La Ansixiyey Iyo Dagaalo Ka Dhacay Muqdisho

 

 

 

 

Caynba-Cayn

Qore: C/Naasir Dheeg Ciise  (Q/34aad

Ninkii Seexduu Sicii Dibi Dhalay

Labo nin oo saaxiib ahaa illaa dhalaanimadii ayaa lahaa labo sac ,mid sannad kasta saciisu waxa uu dhali jiray weyl kan kalena dibi ayuu dhali jiray .

Maalin maalmaha ka mid ah ayaa ninkii siciisu sannad kasta weysha uu dhali jiray seexday.Labadii sac markay fool qaadeen sidii caadadu ahayd midna weyl buu dhalay kii kalena dibi buu dhalay.

Ninkii seexday siciisii weyl buu dhalay waana sidii looga bartay ee lagu yaqaanay,kii kalena dibi ayuu dhalay siduu awelba ahaa.

Kolkii ninkii hurdday uu soo toosay waxa uu arkay siciisii oo dibi hor yaallo,kii kalena weyli hor taallo,halkaasna muran iyo yooyootan baa ka bilaabmay.Labadii nin waa ay garrameen gadh cas baa gees walba laga keenay,jilibkaa la isu laabtay,gar cadaawaa la naqsaday.

Ninkii weysha lahaa ee beddeshay waxa uu ku dhaartay in weyshan uu isagu leeyahay oo saciisu dhalay,wax uu beddeshayna aanu jirin.

Ninkii weysha lagaga dhaaratayna waxa uu xeerbeegtidii garta gashay u sheegay in gartaa labo sano ka dib loo fadhiisan doono,sababtoo ah waxa uu yidhi:aniga xoolahaygu markay labo jir gaadhaan cabidda biyaha waa ay u jilba joogsadaan,haddii weyshaasi astaantaa aan tilmamay ay la soo baxdo oo lagu arko ogaada toloow xaajadaa aad maanta gunaanadeen dib baa

Muddo labo sannadood ah ka dib ayaa la sheegay in weyshii lagu dhaarty ay cabidda biyaha u jilba joogsato,warkiina waxa uu soo gaadhay ninkii weysha dhab ahaan u lahaa ee lagaga dhaartay.

Mar labaad baa hadddana iyaba waa qisee gartii loo fadhiistay ,ninkii weysha horeba ugu dhaartay maantana waxa uu isla soo mutuxay dhaar labaad ,waanu ku dhaartay!!!!!

Odayaashii ilaahay yaab iyo amakaag buu u keenay iyagooo dhabanka iyo gacanta isa saaray baanay maryaha boodhka ka tunteen,kana huleeleen goobtii dhaarta beenta ah mar labaad ay ka dhacday. Odaygaas labada jeer weysha aanu lahayn e boolida ah ku dhaartay waxa uu dhalay saddex wiil,kolkii odaygii uu ogaaday inuu xabaasha qarkeeda saaranyahay ayuu wiilashiisii u yeedhay si uu ula dardaarmo,waxaanu weydiiyey su’aal ahayd:

Odaygii:Kumaa garanaya waxaan xoolahan ku dhaqay?

Wiilkii 1aad:Aabbo raganimo aad leedahay baad ku dhaqday

Odaygii:maad garan

Wiilkii 2aad:waxaad ku dhaqday dedaal iyo hawlkarnimo aad u dhalatay

Odaygii:maad garan

Wiilkii 3aad:aabbo waxaad ku dhaqday daacadnimo ,raganimo iyo karti eebbe ku siiyey.

Odaygii:maad garan adna…waxaan idiin sheegayaa waad aragtaan taagtayda iyo tamartaydaba maanta sidaan ahayna waxba idinkuma seegana,xoolahan waxaan ku dhaqay dhaar… dhaar baan idinku ogahay oo aan idinkaga tegey ee ogaada!!!!!!!!!!!!!!!!!!

Wareegtaa waa silsalad,nin aroos gelayaa ninna iil gelayaa.

Odayga waa la soo doonay kolkuu go’ay innamadii uu dhalay waa ay is qaybiyeen si ay u duugaan adoogood,mid waxa lagu amray inuu meydka la joogo oo agaasimo meydhida iyo isku dubba ridka hawlihiisa. Labadii kale iyo beeshii ay la deganaayeenna waxay ku dhaqaaqeen xabaal qodis iyo diyaarinta qabriga odayga. Markii xabaalqodistii la dhameeyey ayay labadii wiil soo dooneen meydkii aabbahood ,rarrabtii ayay saareen waxaanay ku rareen awr hayin ah oo ay lahaayeen si ay xabaasha ugu gaadhsiiyaan.

Markii ay awrkii meydku ku rarnaa xabaashii geeyeen ee ay damceen in ay soo dejiyaan waxa ay waayeen meel uu jaan iyo cidhib dhigay meydkii.Labadii wiil iyagoo yaabban ayay ku noqdeen reerkii,waxaanay ku tashadeen maadaama oo meydkii aabbahood ay waayeen in aanay xabaashii ku noqon iyagoo meyd sida mooyaane.

Waxa ay taladii ku go’aamiyeen in ay dilaan wiil dhoobbi ahaa oo geela u raaca si ay uga dhigaan meydkii aabbahood oo ay qabrigii laga sugayey u geeyaan,hase ahaatee markii ay meydkii oo maro ku duubban soo dejiyeen ee iilkii la damcay in la dhigo ayaa la arkay meydkii odayga oo iilka siiba yaalla… yaab iyo amakaag!!!!!!!!!!!!!

Meydkii labaadna haddii marada laga rogay misna waaba wiilkii xoolaha u raacayey reerka!

Markay labadii wiil arkeen halka ay xaaladdu marayso laguna eedeeyey in ay iyagu soo dileen wiilka xoolo jirk ah ayay ku heshiiyeen inay dhaar xagaf kaga siiyaan … waa rag aabbahood dhaar kaga tagaye… !!!  Waxaanay isla goobtii dhaar xagaf kaga siiyeen in anay dooc iyo dareen toona ogayn cidda wiilka dishay iyo halka lagu dilay toona…waxa ay intaas sii raaciyeen in meydka ay xabaasha keeneena uu ahaa ka aabbahood. maaddaama ay soomaalidu tahay bulsho muslim ah dhaarta waxa lagaga tagaa boqolle sidaas awgeed waa lagu qancay mar haddii dhaari dhacday.

Kolkii aaskii odayga laga farxashay ee ay u soo jeesteen sidii ay u qaybsan lahaayeen dhaxalkii aabahood ayuu ninkii xoolaha lagu ogaa go’aansaday oo la yimid waxaan cidina u fadhiyin.Waxa uu ku tiraabay in xoolahan aabihii isaga si gaar ah ugu dardaarmay oo aanu cidna waxba uga ogolayn.

Nimankii ay walaalaha ahaayeen ayay talo ku cadaatay,waxaanay taladii ku goosteen in ay xaajada u bandhigaan tolka si loo kala saaro. Gadhcastii reeraha kolkii geed la isugu keenay ee la gorfeeyey xaajadii, ninkii xoolo cirdoonka ahaa waxa madashii kaga dhawaaqay maadaama aanay walaaldii markhaati u haysan xoolahan in uu isagu dhaar ku maraayo in aabbihii xoolaha isagoo nool u dardaarmay!!!!!!!!!!!!!. Gaw baa la wada yidhi sidaasaanu xoolihii ka dhexeeyey kelidii noole xero ugu xaraystay,walaaladiina iyagoo daaduun ah uga huleeleen. Dardaarankii odayga ee ahaa dhaar baan idinku ogahay buu fulinaayey.