|
Home | Contact Us | Links | Archives |
|
ISSUE 3201 |
January 31 2013 Rabicil Awal 19,1434H | |
|
Xukuumada Oo Maxjar Labaad Ka Baal Furtay Kii Hore Ee Jiray Iyo Dareenada Ku Gedaaman Raysal Wasaaraha Dawladda Sheekh Shariif Oo La Ansixiyey Iyo Dagaalo Ka Dhacay Muqdisho
|
Kulamo Adag Oo Ka Soo Baxay Isku Aadka Wareega 8da Ee Koobka Qaramada Afrika Kulamo adag ayaa ka soo baxay wareega 8da ee koobka qaramada Afrika, waxaana kulanka ugu adag ilaa iyo haatan lagu tilmaamayaa marka ay isku dhacaan Ivory Coast iyo Nigeria. Ivory Coast ayaa kaalinta koowaad kaga soo baxday group-keeda D halka Nigeria ay kaalin labaad kaga soo baxday group C taasoo keentay inay isku beegmaan labadan xul ee waa weyn. Xulka martigelinaya koobkaan ee South Afrika ayaa isna wareega 8da waxa ay qaabili doonaan xulka Mali, South Afrika oo si xun ku bilaabatay koobkaan ayaana ugu danbeyn ku soo baxday kaalinta koowaad ee Group A. Xulka Ghana ayaa iyagana waxa ay geesaha isgelin doonaan xulka ku cusub tartankaan ee Cape Verde oo si lama filaan ah kaga soo baxay Group A. Burkina Faso iyo Togo ayaa iyagana ah xulalka ugu danbeeya ee isku dhacaya. Wareega 8da koobka qaramada Afrika waxa uu bilaabanayaa 2da bisha Febraayo waxaana maalintaas ciyaari doona Ghana v Cape verde South Afrika v Mali 3da Febraayo waxaa ciyaari doona xulalka: Ivory Coast v Nigeria Burkina Faso v Togo |