|
Home | Contact Us | Links | Archives |
|
ISSUE 3201 |
January 31 2013 Rabicil Awal 19,1434H | |
|
Xukuumada Oo Maxjar Labaad Ka Baal Furtay Kii Hore Ee Jiray Iyo Dareenada Ku Gedaaman Raysal Wasaaraha Dawladda Sheekh Shariif Oo La Ansixiyey Iyo Dagaalo Ka Dhacay Muqdisho
|
Mario Balotelli: Waan U Soo Orday AC Milan, Waqti Dheer Ayaan Doonayay Inaan U Ciyaaro. Mario Balotelli ayaa bixiyay wareysigiisii ugu horeysay ee isagoo ciyaaryahan Milan ah, waxaana uu sheegay inuu u soo orday Milan islamarkaana uu doonayay inuu u ciyaaro iyaga waqti dheer. Ciyaaryahanka ayaa ka soo degay Malpensa Airport galabta isaga iyo madaxweyne ku xigeenka Milan Adriano Galliani isagoo dhameystiri doona xilli dhow heshiiskii uu kaga soo wareegay Manchester City. “Markii aan helay fursada, waana u soo orday Milan” ayuu Balotelli u sheegay TV-ga Milan ka hor inta uusan tijaabada caafimaadka ku marin Busto Arsizio. “Waxaan doonayay inaan halkaan ka ciyaaro muddo dheer, laakiin kooxo kale ayaa jiray, sidaasi darteed fursad uma helin. Jaraa’idyada waa ay hadlayeen, laakiin waan ogaa inaan ugu danbeyn Milan u ciyaarayo. Bilowgii xilli ciyaareedkan waxa uu ii ahaa mid xun, laakiin maaliyadan shaqo ka fiican ayaan qaban doonaa. “Waxaan doonayaa in taageerayaasha ay i jeclaadaan, anigana aan jaceylkaas ka abaalgudo.” Super Mario ayaa qirtay inuu yahay taageere Rossoneri ah inkastoo uu u soo ciyaaray oo mustaqbalkiisa ciyaareed ka bilaabay Inter Milan. Mario Balotelli ayaa xiran doona maaliyada No 45 ee caanka uu ku yahay ka dib markii Lega Calcio ay sheegeen inuusan xiran karin maaliyada No 9 madaama Pato uu xirtay xilli ciyaareedkan inkastoo uu ka tagay kooxda hadana la iskuma bedeli karo. |