|
Home | Contact Us | Links | Archives |
|
ISSUE 3202 |
February 1 2013 Rabicil Awal 20,1434H | |
|
Xukuumada Oo Maxjar Labaad Ka Baal Furtay Kii Hore Ee Jiray Iyo Dareenada Ku Gedaaman Raysal Wasaaraha Dawladda Sheekh Shariif Oo La Ansixiyey Iyo Dagaalo Ka Dhacay Muqdisho
|
Diyaarado Aan La Aqoonsan Oo 24-Kii Saacadood Ee U Dambeeyey Joog Hoose Ku Gaaf-wareegayey Buuralayda Saaxil Iyo Dareemo Ku Abuurmay Dadka Deegaankaa Sheekh, February 1, 2013 (Haatuf) – Diyaarado dhawr nooc ah oo la sheegay inay yihiin kuwa Milatari, isla markaana aan hayb-tooda dalka isla leh iyo ujeedadooda midna aan la garanaynin ayaa 24-kii saacadood ee ugu dambeeyey joog hoose ku gaafwareegayey deegaanada buuralayda gobolka Saaxil. Sida dad ku sugan deegaankaasi ay Wargeyska Haatuf u sheegeen inay guuxooda iyo soo noqnoqashadoodu cabsi badan ku abuurgtay dadka deegaanka. Sidoo kale Diyaaradahan aan ujeedadooda la aqoonin ayaa meelaha ay aadka u gaaf-wareegayeen ilaa shalay duhurkii ilaa xalay waxa ka mid ah deegaanada degmadda Sheekh ee gobolka Saaxil oo ay wakhtiyo aad iskugu dhawdhaw ku soo noqnoqonayeen, isla markaana aanay jirin cid ka warqabta sababta dhabta ah diyaaradahaasi oo aan looga baranin inay dul Duulaan deegaankaasi. Sidoo kale masuuliyiin xukuumadda ka tirsan oo ka hawlgala degmadda Sheekh ayaa Wargeyska Haatuf u xaqiijiyey in Diyaaradahaas aan la garanayn meesha laga leeyahay oo loo badaniyaa inay yihiin kuwo ay leeyihiin sirdoonka dalalka reer galbeedka gaar ahaan dalka Britain oo isagu dhawaan soo saaray Warbixin ka dhan ah Amniga Somaliland, isla markaana xusay inay ka cabsi qabaan in weeraro is-miidamin ah muwaadiniintooda lagula beegsado gudaha Somaliland. Dhinaca kale wararka deegaankaas laga helayo ayaa sidoo kale sheegaya in diyaaradahaas la garan waayey ay ka tirsan yihiin Shirkado kuwa shidaalka sahamiya ah, isla markaana deegaankaas ka baadhaya shidaal iyo qaybaha kala duwan ee Macdanta. Si kasta ha ahaatee xukuumadda Somaliland ayaan iyadu ilaa hada ka hadlin diyaaradahaa la sheegay inay gaaf-wareegayaan buuralayda gobolka Saaxil, kuna guuldaraysatay inay cabsida ka saarto bulshadda deegaankaas ee shakiga badan ay ku abuureen diyaaradahaasi. |