|
Home | Contact Us | Links | Archives |
|
ISSUE 3202 |
February 1 2013 Rabicil Awal 20,1434H | |
|
Xukuumada Oo Maxjar Labaad Ka Baal Furtay Kii Hore Ee Jiray Iyo Dareenada Ku Gedaaman Raysal Wasaaraha Dawladda Sheekh Shariif Oo La Ansixiyey Iyo Dagaalo Ka Dhacay Muqdisho
|
Xukuumada Oo Dhawaaqii Britain Ku Durtay Amniga S/Land Kaga Fal-Celisay Ciidamo Habeenkii Wadooyinka Caasimada Ku Galalafa Gaadiidka Dadwaynaha Hargeysa, February 1, 2013 (Haatuf) – Dhawaaqii dareenka weyn ku abuuray guud ahaan bulshadda Somaliland ee ay Wasaaradda Arrimaha Debadda Britain ay ugu digtay Muwaadiniinteeda ku nool gudaha Somaliland, isla markaana Amniga dalka ka muujiyey mid cabsi badani ku gadaaman tahay joogitaanka reer Galbeedka ayey Xukuumadda talada haysaa ee Madaxwayne Siilaanyo kaga fal-celisay Ciidamo habeenkii Wadooyinka waawayn ee Caasimadda Hargeysa baadhitaano fudud ku baadha noocyada kala duwan ee gaadiidka dadwaynaha. Sidoo kale Ciidamada Amniga ee Somaliland ee habeenkii baadha baabuurta iskaga kala gooshaya xaafadaha Magaalada Hargeysa ayaan iyagu wadaha baabuurka u dhaafin Laydhka gudaha shid, isla marka ay arkaan wajiga dirawalkana ku yidhaahda iska soco, kuwaas oo aan gabi ahaanba aan eegin wax saaran gaadiidka ay baadhayaan. Dhinaca kale dhawaaqan dareenka badnaa ee dawladda Ingiriisku ku durtey Amniga Somaliland oo siyaabo kala duwan loo fasiray ayaa noqotay Warbixin dhaawac wayn u gaysatey sumcada soo kobcaysay ee dalkani ku talaabsaday mudadii uu jiray, taas oo ka saamayn badatey aqoonsigii dawladda Maraykanku u fidisay dawladda Somalia, kaas oo himiladii shacbiga reer Somaliland ee Ictiraaf doonka iyaduna jugwayn u gaysatey. Si kasta ha ahaatee xukuumadda xisbiga Kulmiye ee talada dalka haysa ayaan ilaa hada qaadin talaabadii ku haboonayd ee ay kaga fal-celin lahayd dhawaaqa dawladda Britain ay ku sheegtey inay khataro culus oo Argagixiso oo lagu beegsanayo dadka reer Galbeedka ah ee ku nool gudaha Somaliland, isla markaana ku ay dawladda Ingiriisku ku amartey inay degdeg uga soo baxaan muwaadiniintoodu dalka. |