Haatuf News

Home | Contact Us | LinksArchives

 ISSUE 3202

February 1 2013                                                              Rabicil Awal 20,1434H     

Xubno Ka Soo Jeeda Awdal Oo Ka Tirsan Labada Gole Baarlamaan Oo Ku Eedeeyey Qurba Jooga Gobolkaasi Inay Wadaan Kicin Iyo Abaabul Dadweyne, Kana Dalbaday Inay Joojiyaan

 

Wasiirka Maaliyada Oo Daboolka Ka Qaaday Dakhliga Cashuuraha Ka Soo Xerooday Saddexdii Bilood Ee Ugu Danbeeyay Iyo Wakiilada Oo Su’aalo Ay Maryo Dhiig Leh Ku Kala Furteen Ku Hafiyay

Shirgudoonka Guurtida Oo Daaqada Ka Tuuray Mooshin Ay Tahriibinayeen Shaqsiyaad Xildhibaano Ah Oo Lagu Carqaladaynayey Somcable

Xukuumada Oo Maxjar Labaad Ka Baal Furtay Kii Hore Ee Jiray Iyo Dareenada Ku Gedaaman

Maanta, Shalay dhaantey!

Raysal Wasaaraha Dawladda Sheekh Shariif Oo La Ansixiyey Iyo Dagaalo Ka Dhacay Muqdisho

 

 

 

 

Madaxwaynaha Maamulka Puntland Oo Markii Ugu Horaysay Garawshiyo Ka Bixiyey Xasuuqii Taliskii Afwayne U Gaystay Bulshadda Somaliland

Garoowe, February 1, 2013 (W.Wararka) - Madaxweynaha Maamul goboleedka Puntland Cabdiraxmaan Maxamed Faroole, ayaa garawsho xod-xodasho u muuqda ka bixiyey xasuuqii ba’naa ee Taliskii Milatariga ahaa ee Siyaad Barre u gaystey bulshadda Somaliland, kaas oo sheegay inuu ahaa gabood falo aan la ilaawi karin. C/raxmaan Faroole waxa kale oo uu sheegay inay bulshadda Somaliland kaga daynayaan hanaanka axsaabta badan ee ay imika qorshanayaan inay seeska u dhigaan, kaas oo uu ku amaanay bulshadda dalkan. Sidoo kale Madaxwaynaha Maamul Goboleedka Soomaaliya ee Puntland Dr C/raxmaan Maxamed Faroole waxa uu Madaxda dawladda Somalia ku eedeeyey inay iska indho tireen xasuuqi dhacay, isaga oo si gaar ah u soo qaatay Somaliland oo u ku tilmaamay deegaan si arxandarro ah dadkiisa loola dhaqmay. Ugu horayna isaga ka hadlaya Xasuuqii ay taliskii dhiigyo cabka ahaa ee Siyaad Barre u gaysteen bulshada Somaliland, waxa uu yidhi “Arrinta ka dhacday gobolada Waqooyi ee Somaliland waxa weeye wax laga murugoodo, laakiin yaan laga badbadinin, Madax Federaalka ka tirsan oo aan doonayn in aan halkaan ka sheego magacyadooda baa waxay yidhaahdaan waxba yaan colaadii hore laga sheekeyn, waxaanse leeyahay wax la qarinkaro maaha, waaana sheegeynaa kana aamusi meyno ilaa raali gelin laga bixiyo Dadkii la xasuuqay hantidii la dhacay. anigu 2-ba guri baan ku lahaa Koonfur hadana waan iska iibiyay oo Guryo  ayaan ku leeyahay Garoowe”. Faroole isaga oo hadalkiisa sii watana, waxa uu intaas raaciyey “Dadbaa magacyo ay Dameero ku qoreen dil toogasho ah loogu xukumay”. Waxaanu sidaas ku sheegay Faroole mar uu shalay ka hadlayay shirwaynihii koowaad ee xisbi uu Guddoomiye ka yahay oo la yidhaahdo Horseed, kaas oo xusay in nidaamka axsaabta badan ee Puntland u wareegayso ay kaga dayatay Somaliland. Faroole, sidoo kale waxa uu tilmaamay in caqabad kasta oo axsaabta siyaasada kaga timaada ay maamul ahaan dusha u ridanayaan, isaga oo tilmaamay in nidaamkani ka faa’iido badan yahay nidaamkii qabiiliga ahaa. Madaxwaynaha Maamulka Puntland oo ka hadlaya axsaabta iyo cida ay kaga daydeen ayaa yidhi “Walaalaheena Somaliland-baynu kaga dayaney waaya-aragnimada ay ka arkeen (Axsaabta badan), wixii fiican haddii ay cidi samayso waa lagaga daydaa”. C/raxmaan Faroole waxa kale oo uu intaas ku daray “Xasad iyo xumaani ma jirto, inaguna wax badan oo la inagaga daydaa way jiraan”ayuu yidhi, waxaanu intaa raaciyey in maamul ahaan ay diyaar u yihiin inay furashada axsaabta siyaasada isla-markaana soo dhawaynayaan in siyaasada lagu tartamo “Nin durbaan tumay ilaaq dalbey, anagaa ku dhawaaqnay in la tartamo Anagaana u yeedhnay waan soo dhoweyneynaa xisbi kasta oo la furo”. Dhinaca kale waa markii ugu horeysay ee Masuul ka tirsan Maamule ka arimiya Maamul goboleed ka mid ah wixii la isku odhan jiray Somalia ee ay Somaliland kala soo noqotay xoriyadeedu uu si badheedha u qiro tacadigii iyo xasuuqii loo gaystay shacabka reer Somaliland ee aan waxba galabsanin.