|
Home | Contact Us | Links | Archives |
|
ISSUE 3202 |
February 1 2013 Rabicil Awal 20,1434H | |
|
Xukuumada Oo Maxjar Labaad Ka Baal Furtay Kii Hore Ee Jiray Iyo Dareenada Ku Gedaaman Raysal Wasaaraha Dawladda Sheekh Shariif Oo La Ansixiyey Iyo Dagaalo Ka Dhacay Muqdisho
|
Xaaluf Ba’an Oo Lagu Hayo Ciidda Dooxa Hargeysa, Khasaaraha Ka Dhalan Kara Iyo D/hoose Oo Daawanaysa Hargeysa, February 1, 2013 (Haatuf) – Ciidda labeenta u ah dooxa weyn ee caasimada Hargeysa ayaa muddooyinkii u dambeeyay weerar ba’an ay ku hayaan baabuurta iska rogeeyinka ee shirkadaha dhismuhu isticmaalaan, kuwaas oo badhtamaha dooxa lagu arko iyaga oo guraya ciidda dooxa. Ciidan Dooxaha Hargeysa ayaan la ogolaan jirin xiliyadii hore ee dawladihii 991-kii ka horeeyey ilaa wakhtigii gumaysata Ingiriisku Somaliland haystay, balse meelo ka baxsan magaalada looga ogolaa inay ka gurtaan, ayaa wakhtigan xaadirka ah si ba’an dhismayaasha loogu guraa ciidda dooxa ee badhtamaha. Ilaalinta ciidda dooxa ayaa wakhtiyadii gumaysiga qofka lagu qabto isaga oo dooxa ciid ka guraya la xidhi jiray, isla markaana ganaax lacageed lagu ridi jiray, sidoo kale xilliyadii dawladihii Somalia ee Somaliland ka tirsanayd-na aan la ogolayn in la guro ciidda dooxa, isla markaana sharci adagi ka yaalay in labeenta dooxa laga guro, loona isticmaalo dhismayaasha. Waxaana ilaalin jiray ciidamada dawlada hoose oo ganaax iyo xadhig iskugu dari jiray dadka lagu qabto iyagoo ciidda raraya. Dhinaca kale faa’iidada ay ciiddu u leedahay dooxa iyo biyaha ayaa khubarada ku xeeldheer biyaha iyo ciidda ay sheegeen in ciida sare ee dooxayadu ay fa’iido weyni ku jirto qabatinka biyaha, isla markaana xilliyada roobabka ee daadku marayo dooxa ay biyaha qabato ciidu oo biyuhu hoosta maraan, hase yeeshee marka laga guro ciidda biyihii dooxa soconayay xawli ayay ku dhaafayaan dooxa oo badda galaan biyihii oo dhami, khatarna ku keeni kara hareeraha dooxa oo biyuhu ku soo jabaan ay ciiddu qaban jirtay. Waxaanay intaa ku dareen, in aad loo ilaaliyo waxa ku jira muhiimad weyn, isla markaana laga hortago dhibaato deegaanka soo gaadha oo khasaare weyn keenta, iyaga oo hay’adaha ku shuqulka leh ugu baaqay in gacan bir ah lagu qabto ciddii guraysa ciidda dooxa, taas oo ay tilmaameen in faa’iido weyni ugu jirto ilaalinteeeda dad iyo duunyo-ba. |