|
Home | Contact Us | Links | Archives |
|
ISSUE 3202 |
February 1 2013 Rabicil Awal 20,1434H | |
|
Xukuumada Oo Maxjar Labaad Ka Baal Furtay Kii Hore Ee Jiray Iyo Dareenada Ku Gedaaman Raysal Wasaaraha Dawladda Sheekh Shariif Oo La Ansixiyey Iyo Dagaalo Ka Dhacay Muqdisho
|
Madaxweynaha Somalia Oo Sheegay Inuu Doonayo Midnimo S/land Ay La Yeeshaan, Aqoonsiga Maraykanka Ee Dawladiisuna Faa’iido U Leedahay Soomaali Oo Dhan Muqdisho, February 1, 2013 (W.Wararka) – Madaxweynaha Somalia Xasan Sheekh Maxamuud ayaa sheegay in Aqoonsiga Maraykanku siiyey dawladiisa aanu wax dhibaato ah usoo jiidayn Somaliland inay faa’iido ka soo gaadho mooyaane. Xasan Sheekh ayaa intaasi ku daray Mar uu shalay u Waramayey Idaacada BBC-da, inuu doonayo Midnimo wada hadal ku timaada oo mar kale dhex marta Somaliland iyo Somalia. Waxaanu yidhi “Walaahi Aniga waxaan Qabaa Aqoonsiga dawlada Maraykanka, midkan Yurub iyo mid kasta oo caalamka ah oo dawlad Soomaaliyeed oo jirta oo lagu aqoonsanayo waxaan rabaa inaan qeexo oo aan cadeeyo cid uu lugooyo ama dhib ku yahay inaanay jirin, anigu waxaan qabaa aqoonsigaas iyo kaalmada dedaalka beesha caalamku samaynayo Xasan Sheekh Uma samaynayo reer hebel uma samaynayso, meel gooni ah iyo gobol gaar ahna uma samaynayso Somalia ayay u samaynayaan iyo dalkii Somalia ahaa. Somalilandna inay ka faa’iido oo ay wax ka soo gaadhaan faa’iidada iyo masaalixda ka imaanaysa aqoonsigaasi mooyaane wax dhib ahi ugama imaanayaan”. Madaxweynaha Dawlada Somalia mar uu ka hadlayey Midnimo dhex marta Somaliland iyo Somalia ayaa waxa uu yidhi “Mawqifkayaga hore ayaanu u cadaynay oo dalkii Somalia in la mideeyo waanu rabnaa, laakiin inaanu dagaal iyo cadaadis diblomaasiyadeed oo la isa saaro inaanu ku midayno dooni maynee wada hadal ayaa bilaabmay oo socda, wixii aanu isla garano oo aanu isku garano uunbaa aakhirka shaqaynaya, Somaliland, Puntland iyo gobol kale oo aanu cadaawad u qabnaa ma jirto. Aqoonsiga iyo dedaalka uu caalamku muujinayo inuu Somalia garab taagan yahayna waxa weeyi mid u wada faa’iidaynaya dadka Soomaalida oo dhan waanu soo wada gaadhayaa. Anagu waanu danaynaynaa in wada hadalkii la sii wado, laakiin ma aragno in kala tagu maslaxad yahay, cunfi iyo cadaadis diplomaasiyadeed wax la iskaga faa’iidaysanayaa ma jirto, aqoonsiga dawlada Somalia heshay maslaxad ayaa ugu jirta dadka Soomaaliyeed meel kasta oo ay joogaan”. Si kastaba ha ahaatee Khudbad Sanadeedkii 2013-ka ee Madaxweyne Siilaanyo uu doraad u jeediyey labada gole Baarlamaan ayaa waxa uu ku sheegay in Qadiyada Somaliland ay tahay muqadas oo hadii ay qaadato Boqol Sanadoodna ay jiri doonto. |