Haatuf News

Home | Contact Us | LinksArchives

 ISSUE 3202

February 1 2013                                                              Rabicil Awal 20,1434H     

Xubno Ka Soo Jeeda Awdal Oo Ka Tirsan Labada Gole Baarlamaan Oo Ku Eedeeyey Qurba Jooga Gobolkaasi Inay Wadaan Kicin Iyo Abaabul Dadweyne, Kana Dalbaday Inay Joojiyaan

 

Wasiirka Maaliyada Oo Daboolka Ka Qaaday Dakhliga Cashuuraha Ka Soo Xerooday Saddexdii Bilood Ee Ugu Danbeeyay Iyo Wakiilada Oo Su’aalo Ay Maryo Dhiig Leh Ku Kala Furteen Ku Hafiyay

Shirgudoonka Guurtida Oo Daaqada Ka Tuuray Mooshin Ay Tahriibinayeen Shaqsiyaad Xildhibaano Ah Oo Lagu Carqaladaynayey Somcable

Xukuumada Oo Maxjar Labaad Ka Baal Furtay Kii Hore Ee Jiray Iyo Dareenada Ku Gedaaman

Maanta, Shalay dhaantey!

Raysal Wasaaraha Dawladda Sheekh Shariif Oo La Ansixiyey Iyo Dagaalo Ka Dhacay Muqdisho

 

 

 

 

Degmooyinka Boorama Iyo Gabiley Oo Heshiis Iskaashi Wada Gaadhay Iyo Qodobada Ay Isla Meel-Dhigeen

Hargeysa, February 1, 2013 (Haatuf) - Heshiis iskaashi oo dhinacyo badan taabanaya ay isku waafaqeen degmooyinka Boorame iyo Gabilay, ayaa munaasibadii loo sameeyay iskaashigan waxa lagaga dhaawaqay xaflad qado sharaf ah oo lagu qabtay magaalada Boorame, taasoo ay ka soo qeyb galeen badhasaabka Awdal, Badhasaab ku Xigeenka Gebilay, Maayarada degmooyinka Boorama iyo Gabilay oo ay weheliyaan xoghayayaasha fulinta ee labadaasi degmo iyo waxgarad kale. Ugu horayntii Maayarka Boorama Md. Saleebaan Xasan Xadi ayaa soo dhaweeyay marti sharafta ka soo qaybgashay xaflada waxaana uu u mahadnaqay cid walba oo gacan ka gaysatay xidhiidhkan oo uu xusay in uu ahmiyad balaadhan leeyahay. Xoghayaha Fulinta ee D/Hoose ee Boorama. Maxamed Cabdi Xaashi Xamari oo halkaasi ka hadlay kana soo shaqeeyay in heshiis noocan ah uu dhex maro labada degmo ayaa waxa uu yidhi “Heshiiskan iyo xidhiidhkan cusub waxa uu ka soo bilaabmay laba xoghaye, maantana waxa uu marayaa heer Gobol, waxaan rajaynayaa inuu noqdo mid wax badan ka tara iskaashiga dhinacyo badan ee labadaasi gobol”. Maayarka Degmada Gabilay Md Shucayb Maxamed Muuse oo isaguna halkaasi ka hadlay ayaa fursad iyo waaya’aragnimo ku tilmaamay heshiiskan waxaanu yidhi  “Waxa aan rajaynayaa in aan wax badan kala korodhsan doono, waa loo baahnaa xidhiidhka noocan ah, waxa aan uga faa’iidaysan doonaa dhinacyo badan oo ay ka mid yihiin maamul wanaaga, kala faa’iidaysiga dhinaca waayo aragnimada mashaariicda iwm”. Gudoomiyaha Jaamacadda Camuud Prof. Saleebaan Axmed Guuleed oo isaguna ka hadlay halkaasi ayaa waxa uu xusay in labada gobol ee Awdal iyo Gabilay ay wadaagaan dadka ku nooli xidhiidh sokeeye oo dhinacyada, waxbaashada, wax soo saarka, dhaqanka iyo maamulkaba ah. Badhasaabka Gobolka Awdal iyo Badhasaab ku xigeenka Gobolka Gabilay oo iyaguna halkaasi ka hadlay ayaa ku dheeraaday ahmiyada heshiiskan iyo xidhiidhkan cusub, waxaana ay hoosta ka xariiqeen inuu ahmiyad u leeyahay dadka degaankaasi iyo masuuliyiintooda uu gundhigiisu noqon doono iskaashi dhinacyo badan taabanaya.