Haatuf News

Home | Contact Us | LinksArchives

 ISSUE 3202

February 1 2013                                                              Rabicil Awal 20,1434H     

Xubno Ka Soo Jeeda Awdal Oo Ka Tirsan Labada Gole Baarlamaan Oo Ku Eedeeyey Qurba Jooga Gobolkaasi Inay Wadaan Kicin Iyo Abaabul Dadweyne, Kana Dalbaday Inay Joojiyaan

 

Wasiirka Maaliyada Oo Daboolka Ka Qaaday Dakhliga Cashuuraha Ka Soo Xerooday Saddexdii Bilood Ee Ugu Danbeeyay Iyo Wakiilada Oo Su’aalo Ay Maryo Dhiig Leh Ku Kala Furteen Ku Hafiyay

Shirgudoonka Guurtida Oo Daaqada Ka Tuuray Mooshin Ay Tahriibinayeen Shaqsiyaad Xildhibaano Ah Oo Lagu Carqaladaynayey Somcable

Xukuumada Oo Maxjar Labaad Ka Baal Furtay Kii Hore Ee Jiray Iyo Dareenada Ku Gedaaman

Maanta, Shalay dhaantey!

Raysal Wasaaraha Dawladda Sheekh Shariif Oo La Ansixiyey Iyo Dagaalo Ka Dhacay Muqdisho

 

 

 

 

Caynba-Cayn

Qore: C/Naasir Dheeg Ciise  (Q/34aad)

Walaashaa Iskuma Hubtide Seedigaa Ha Collaysan

Seben barwaaqaad, xooluhu sabo daaq yihiin, balliyada, dhijaamaha, waraha iyo haraha ay xareeddu wadhan-tahay. Caano qub iyo Dhiishaa dhaansi farxad iyo riyaaq baa ay beeshu ku naalloonaysay. Aroosyada iyo gaafafka dhalinyarada ayaa habeen walba la isku arkaaf fagaarayaasha. Gamadiid oo ka mid ah beel daajiyayaasha, xoolana Illaahay ku mannaystay oo dad iyo duunyoba buuxa aftahamana Eebbe hibo u siiyey, aadna looga dambeeyo ayaa waxa uu dhalay 10 Wiil iyo 2 Gabadhood oo isku xiga. Innamadu waa ay ka wada weynaayeen Gabdhaha aadna waa ay u tix gelin jireen. Labada gabdhood ta weyni waa hore ayey calafsatay oo waa Afo lix carruur ah oo sooran leh. Ta yar oo ah guri dambaystii reer Gamadiid ayaa wiil geyaankeed ahi u soo ardaa dhigtay, waana la siiyey. Si fiican oo sharaf leh ayaa loo soo doonay 100 halaad iyo baarqab, faras baroor ah oo shaaximan iyo qori maadhiin ahna waa laga baxshay.

Muddo aan dheerayn ayaa la abaabulay xafladdii Arooska lamaanaha is calmaday, inanta hooyadeed waxay diyaarisay dhibaaddii ay raacin lahayd oo dhan. 7-da Awr oo hayin ah oo hilib dad mooyee wax waliba saaran-yihiin.

Haweeya hooyadeed waxa la soo siiyey hashii dhabarjabka oo ah hal dhaqan ahaan Hooyada inanta dhashay la siiyo si loo xuso dhibtii ay la soo martay korinteeda iyo kaalin gelinteeda labadaba.  Reerkii gabadha guursadayna waxa ay agaasimeen aroos aan la arag oo aan la maqal mid la mid ah. Muddo bil ku dhow-dhow baa damaashaad iyo diyaafidin lagu jiray.

Haweeyi waa ay curatay waxaanay gu’gii koowaadba dhashay Barre iyo Bilan oo mataano ah…Maashaa Allaah…wiil iyo caano gabadh iyo caano.

Gu’gii labaadna sidii looga bartay Xasan iyo Xuseen bay ifka keentay, magacii ay lahayd mid kale ayaa ku sii biiray waxaanay xanta haweenka reeraha qayb ugu yeelatay Waxsan Dhala…Mataanaley…iwm. Gu’gii 3aad haddii la gaadhay wax laga fooliyoba waxay dhashay Cali iyo Cumar oo dhalashadooda aad loogu riyaaqay, meeqaankeediina kor u qaaday. il iyo cawriba la’aw baa rag iyo dumar mar qudha la wada yidhi!!.

Gu’gii afraad Sacad iyo Siciid baa ay dhashay, rag badan oo reeraha ahaa baa go’aansaday in ay reerka Haweeyi ka soo jeedddo ka guursadaan …Haweenka iyo geelaba waa la hiddo raacaaye…Markay mataanaysoba sixirka hablaha reerkoodu kor buu u sii kacaa oo rag badan baa hanqalka la soo kaca!!!!!!!!!! Adduun waa hadh labadiisa gelin, waxay ayaamuhu is dabo guraanba marwadii maamuuska, sharafta iyo milgaha lagu yaqaannay iyo odeygeedii waa ay is laayeen, khilaaf hor leh baana hadheeyey.  Qawdhan wax uu u seeto dheerayaba ayaantii dambe ayuu bud dhebi cas ahaa madaxa kala tiigsaday Haweeya oo kolkaa harar ku fadhida, kolkaasaa dhiiggu cirka iyo dhulkaba qariyey haweenkii reerkuna qaylo isla oogsadeen. Waa nin waayadaaba ku taamayey’e waxa uu markiiba dhegta dhiigga u daray labo laxaad oo tebis ah ninkii lafaha gurayeyna horuu u soo diyaarsaday. Dhayme iyo baaniso haddii in muddo ah Haweeya lagula itaalsaday, kolkay ogaatay inay ladnaatay oo ay hadda socdaali karto ayay habeenkii dambe guuro bahalaysay oo oodda jebisay. Waxay sii socotaba waxay soo gaadhay labo caano maal ka dib reerkoodii oo siddii lagu yaqaannay iyo si kasii daran intii ay ka maqnayd u badhaadhay, faaja-faajood na ku jira.

Ardaagii geela ayay ku soo dhacday iyadoon bir iyo bestoona doonayn, daal iyo diifina ka muuqato. Haaraha iyo madawga aanay u dhalan ee wejigeedii badelay baan qofna soo dhigan meesha tanaa Haweeya ah. Wiilashii Gabadha la dhashay iyo dhoobiyadii geelu waxay ku murmayeen muddo waa Haweeya iyo maaha…!!!!!!!!!!!!!!!!!!!!

Waa gabadh madowga iyo waxa diif ka muuqata aad yaabayso, haddii la aqoonsaday in ay Haweeya tahay, Wiilashii la dhashay mid waliba ciil iyo cadho ayuu geed madaxa ku dhuftay, tolaay ma Haweeya ayay sidaasi u dambaysay ayay ku muusanaabeen qaarkood.

Habeenkii haddii sidaa lagu beryey aroortii, salaaddi hore ayaa ninkii Haweeyi ka soo duday oo faras wataa Ardaagii oo wiilashii inanta la dhashay ay fadhiyaan soo kor joogsaday.

La is wada eeg, Wiilashii isagoon salaamin ayuu ku tiraabay: waaryaadheheen waxaan doonayaa hashii maalka ahayd ee hooyadiin aan soo siiyey!!!

Wiilashii: Hashu ma maal bay ahayd mise dhabar jab ayay ahayd?

Ninkii: Waar hashu maal bay ahayde iis oo saara.

Wiilashii: Mageelii aad yaradka u bixasay baad doonaysaa?

Ninkii: Xaasha… maya, kaas idinkaa leh laakiin anigu hashaas baan doonayaa.

Wiilashii: Annagu hashii aad hooyadayo soo siisay waxaanu u haysanaa dhabar jab, hase ahaatee haddii aad tidhi waa maal gar baan ka leenahay, haddii gar iyo daw la nagaga qaado waa ogolahay seeddi. Gar baa la isu dhigtay, wax bog iyo baabaco leh oo nimankii xidadka ahaa kala saara waa la waayey. Xeer–beegtidii kolkay ku wareereen bay magaalda Hargeysa oo saancadaalihii Ingiriis waayadaa gumaysan jiray isu soo dhaafiyeen.

La Soco…