|
Home | Contact Us | Links | Archives |
|
ISSUE 3202 |
February 1 2013 Rabicil Awal 20,1434H | |
|
Xukuumada Oo Maxjar Labaad Ka Baal Furtay Kii Hore Ee Jiray Iyo Dareenada Ku Gedaaman Raysal Wasaaraha Dawladda Sheekh Shariif Oo La Ansixiyey Iyo Dagaalo Ka Dhacay Muqdisho
|
Saacad Dagaalkii Labaad Ee Adduunka Hadiyad Jacayl Loo Bixiyey Oo La Helay Saacad ka samaysan macdanta la yidhaa Platanium oo naasigii Hitlar ay hadiyad jacayl u siisay xaaskiisii Eva Braun, wakhti lagu guda jiray dabaal-dega sannad-guuradeedii 27 ayaa la helay, iyadoo aan is beddelin. Saacadan oo magaceeda la yidhaa Eszeha waxa laga helay meel uu sannadkii 1939-kii ku aasay hoggaamiyihii kaligii taliyaha ahaa ee masuulka ka ahaa inuu dhaco dagaalkii 2aad ee adduunka Adolf Hitlar, balse saacadan oo lambarkeeda diiwaangelintu ahaa 86439 ayaa lagu qarinayey mac-rad taariikhda lagu ururiyo oo ku yaala magaalda Munich ee dalka Jarmalka. Saacadan waxa laga helay meel si khaas ah loogu ururriyo qalabka casriga ah oo Jarmalku u yaqaanaan Pinakothek der Moderne (waxyaabaha casriga), waxaana helay cilmi-badhayaal ka tirsan Wargeyska la yidhaa Der Spiegel Magazine, taasoo meel kula kaydsanayn qalab kale oo ay lahaayeen saraakiishii ka tirsana xisbigii Naziga. Miss Braun waxay hoggaamiyaha xisbigii Nazi kula kulantay xarunta la yidhaa Heinrich Hoffman, halkaas oo ay ka ahayd shaqaalaha dhinaca caawinta hawlaha aqalka, balse waxay is jeclaadeen Hitler iyo gabadhani sannadkii 1930. Gabadhan uu aadka u jeclaa Hitler waxay qasriga Berlin noloshooda ku wada qaateen ilaa uu dhammaanayey dagaalkii 2aad ee adduunka, iyagoo is guursaday April 29 1945, ka hor intii aanay labadoodu qudha si wada jir ah iskaga jarin maalintii ku xigtay, si ay uga badbadaan in ay galaan gacanta ciidammadii reer galbeedka. Lamaanahan xidhiidhkoodu waxa uu soo shaac-baxay maalintii dhammaadkii dagaala 2aad ee adduunka, iyagoo guurkoodu markii uu dhacay maalintii ku xigtay ay is dileen. Suxufiyiintan ka tirsan Der Spiegel Magazine oo wax ka qoraayey xafiisyada masuuliyiintii Nazi ayaa helay qalab badan oo taariikhi noqon kara. |