|
Home | Contact Us | Links | Archives |
|
ISSUE 3202 |
February 1 2013 Rabicil Awal 20,1434H | |
|
Xukuumada Oo Maxjar Labaad Ka Baal Furtay Kii Hore Ee Jiray Iyo Dareenada Ku Gedaaman Raysal Wasaaraha Dawladda Sheekh Shariif Oo La Ansixiyey Iyo Dagaalo Ka Dhacay Muqdisho
|
Gabadh Caado Ka Dhigatay Cunista Timaha Bisadaha Gabadh u dhalatay dalka Maraykanka, magaceedana la yidhaa Lisa oo 43 jir ah, ayaa waxay caado iyo dhaqan ka dhigatay oo ay la qabatintay cunista dhogorta bisadaha, waxaanay maalintii cuntaa rubuc ka mid ah timaha Bisadda. Gabadhan oo ku nool magaalada Detroit waxay caadadan bilawday 15 sanno ka hor, iyadoo ilaa haddana wadda, iyadoo ka hadlaysa arrintana waxay tidhi “Waxaan la qabatimay cunista dhogorta bisaska”. Arrintan oo lagu soo bandhigay barnaamij la yidhaa Season 4 oo si rasmi ah telefishanka TLC uga bixi doona 13-ka bisha February ee soo socota. Mrs. Lisa waxay sheegtay in ay aad u jeceshahay cunista dhogorta ka baxda dabada bisadda, dhabarka iyo sidoo kale dhinaca midig, taas oo muuqaalka laga diyaariyey ka muuqday iyadoo carrabka marinaysa dhogorta bisada sida xayawaanku u leefaan ubadkooda. “Dhogorta waan ka soo gooya, dabadeedna afkan ku tuura si deg deg ah, waanan yara calaaliyaa, dib baan uga soo saaraa afka, haddana waan ku celiyaa si aan u liqo” ayey tidhi Lisa. |