|
Home | Contact Us | Links | Archives |
|
ISSUE 3213 |
February 14 2013 Rabicil Thani 4,1434H | |
|
Xukuumada Oo Maxjar Labaad Ka Baal Furtay Kii Hore Ee Jiray Iyo Dareenada Ku Gedaaman Raysal Wasaaraha Dawladda Sheekh Shariif Oo La Ansixiyey Iyo Dagaalo Ka Dhacay Muqdisho
|
Wasiirka Warfaafinta Oo Shaaca Ka Qaaday Inaanay Xukuumaddu Aqbali-Doonin Shir Tallo Qaran Ah Oo Ay Hore Ugu Baaqeen Qaar Ka Mid Ah Haldoorka S/Land “Niman Waaweyn Ayaa Ku Baaqay Shir Tallo Qaran Ah, Taasna MacnaheeduWaa Shir Beeleed, Lagamana Yeelayo” Hargeysa, February 14, 2013 (Haatuf) - Wasiirka Wasaaradda Warfaafinta, Dhaqanka iyo Wacyi-gelinta Somaliland Abiib Diiriye Nuur (Abiib-tima cad) ayaa deedefeeyey shir Talo qaran ah oo ay hore ugu baaqeen qaar ka mid ah haldoorka dalku, kaas oo sheegay inaanay xukuumadu aqbali doonin marnaba shirarkaas oo uu ku sifeeyey inay yihiin shirbeeleedo wadanka u horseeday marxalado khatar ah. Wasiir Abiib Timaca-cade waxa kale oo uu ka hadlay khilaafka la sheegay inuu u dhaxeeyo Madaxwayne Siilaanyo iyo ku xigeenkiisa C/raxmaan Saylici, kaas oo tilmaamay inaanu jirin wax khilaaf ah oo u dhaxeeya wakhtigan labada masuul ee dalka iskaga sareeya. Wasiirka Warfaafinta Abiib Diiriye Nuur ayaa waxa uu sidaas ku sheegay Shirjaraa’id uu shalay Xafiiskiisa ugu qabtey Warbaahinta dawladda, kaas oo uu kaga hadlay marxaladaha wadanku marayo. Ugu horayna isaga oo ka hadlaya khilaafka Madaxwaynaha iyo ku xigeenkiisa iyo waxa ka jira, waxa uu yidhi “Waxaan jecelahay maanta ka wasaarad warfaafineed ahaan inaan ka hadlo arrinta jaraa’idka iyo dadka aan wanaagga jeclayni buun-buunisaa arrin ay ku tilmaameen Madaxweynaha iyo Ku xigeenkiisa ayaa khilaaf dhex yaalaa. Waxaan idiin sheegayaa Madaxweynaha iyo madaxweyne Ku xigeenka wax khilaaf ah oo dhex yaallaa runtii ma jiro.waxase jirta meel hawli ka socoto waa lagu kala ra’yi duwanaadaa oo qofba si bay wax ugu muuqataa Madaxweynaha ha ahaado ama madaxweyne Ku xigeenka ha noqotee. Laakiin wax dhibaato ah oo kale oo jiraa haba yaraatee ma jirto. Taasna waa laga shaqeeyay sidii walaaltinimo iyo is faham looga gaadhi lahaa”. Wasiirka warfaafintu waxa uu sheegay Madaxweyne Ku xigeenku uu shaqadiisii ku simaha Madaxweynaha uu gutay, isagoo arrintaasi ka hadlayay wuxuu yidhi “Madaxweyne Ku xigeenkuna wuu soo dhawaynayaa Madaxweynaha marka uu soo laabto, intii uu madaxweynuhu maqnaana madaxweyne Ku xigeenku hawshii Madaxweynimo wuu hayay. Waxa uu kormeer ku soo maray qaar ka mid ah Ha’yadaha dawladda qaarkood, shirkii Golaha Wasiirrada wuu qabtay wefti ajanabi ah oo dalka yimid wuu qaabilay, hawl maalmeedkii caadiga ahaa si ramsi ah oo caadi ah ayuu u qabsaday. Haddii uu khilaaf jiro ama cadho jirto kama uu soo baxeen gurigiisa oo xafiiskiisana muu yimaadeen. Waxaanay taasi cadaynaysaa in waxan la shubayo aanay waxba ka jirin. Arrintan waxa sii buun-buuninaya shakhsiyaad aan doonayn in dalkani hore u socdo”. Abiib Diiriye waxa uu tilmaamay inay jiraan dad caadaystay inay marka xilka laga qaado waxay doonaan ku hadla, isagoo arrintaasi ka hadlayayna wuxuu yidhi “Waxa jirta oo aad ka war-haysaan ninku marka uu xilka hayana waxay yidhaahdaahdaan wax walba si wanaagsan ayay dawladdu u wadaa marka xilka laga qaadana wuu caytamaa oo sida uu doono ayuu u caytamaa. Xilkuna waa meerto oo nin ku waarayaa ma jiro. Maalinta xilka aad timaadana ILAAHAY ayaa qadaray inaad timaado, maalinta lagu bedelana Xagga ALLE ayay ka qoran tahay, markaa marka lagu bedelo ma aha inaad nac-nacleyso oo aad caytanto sida dadka qaarkii ee aad ka war haysaan ee aad ogtihiin. Xafiiskii uu shalay ka tagay ayuu caayayaa, taasina ma aha anshax uu nin masuul ahi ku hadlo, anigu waa hebel odhan mayo laakiin dad bay caado u tahay in ninku marka uu joogana inuu shib yidhaahdo, Marka uu xilka ka tagana iska mantago oo waxa uu doono yidhaahdo oo Taasina ma aha mid wanaagsan. Waxa wanaagsan ninku inta uu joogo wixii dhaliil uu arko inuu Golaha Wasiirrada geeyo oo kaga hadlo, Laakiin ma aha in maalinta la eryo uun uu waxa uu doono yidhaahdo waliba way ku badan yihiin dadka caynkaas ahi Wasaaradda warfaafinta. Waxaan leeyahay ka waantooba, beri ka maalinba inaad soo noqotaan waa laga yaabaaye’, inaad caytantaan idinka ayay sharaf darro iyo karaamo darro idiin tahay”. Wasiirka waraafintu waxa uu naqdiyay hadal ka soo yeedhay siyaasiyiinta mucaaridka qaarkood kuwaasi oo ku baaqayay in shir tallo qaran ah la iskugu yimaado, waxaanu yidhi “Niman Waaweyn oo Masuuliyiin ah ayaa waxay ku baaqeen waxaanu qabanaynaa shir tallo qaran ah, taasna macnaheedu waa shir beeleed, shir beeleedna waynu ka soo gudubnay. Dawlad baynu nahay ninka maanta shir beeleed ku dhawaaqaya in la iskugu yimaado waa nin qarankan duminaya oo aan Somaliland jeclayn. Kaasna ka yeeli mayno kana aqbali mayno. Somaliland waa qaran jira, dastuur bay leedahay shuruucdeena ayaa lagu soconayaa, laakiin shir beeleed ha lagu noqdo laga yeeli maayo, ummaddana diyaar uma aha in marxladii aynu soo dhaafnay lagunoqdo.” “Subaxdii marka Joornaalka lagu arko arrintan waa lagu qoslaa uun, waliba rag waaweyn ayaa waxaasi ku hadla dadkuna runtii way ku qoslaan uun. Waa la tartamayaa, waa la kala badinayaa qaranimaddana waa laga wada midaysanaanayaa uun,”ayuu yidhi Wasiirku. Wasiirku waxa uu sheegay in Madaxweyne Siilaanyo uu doorashadii Madaxtooyadda ee dalka ka qabsoontay 2003-dii uu kursiga madaxweynenmadda kaga tagay 80 cod oo uu carabaabay in mugdi ku jiray, waxaanu yidhi “Madaxweynaha maanta joogaa 80 cod ayuu ku qancay oo uu kaga tagay kursigii, taasi ayaa la doonayaa inay dhaqan iyo sunne inoo ahaato”. |