Home | Contact Us | Links | Archives |
ISSUE 3228 |
March 4 2013 Rabicil Thani 22,1434H | |
Xukuumada Oo Maxjar Labaad Ka Baal Furtay Kii Hore Ee Jiray Iyo Dareenada Ku Gedaaman Raysal Wasaaraha Dawladda Sheekh Shariif Oo La Ansixiyey Iyo Dagaalo Ka Dhacay Muqdisho
|
Sirdoonka Somaliland Oo Sheegay Inay Awood U Leeyihiin Inay Qabtaan Cidkasta Oo Lagu Tuhmo Arimo Argagixiso Bulshadna Ka Dalbaday Inay Soo Sheegaan Cidkasta Oo Ka Shekiyaan Hargeysa, March 4, 2013 (Haatuf) - Hay’adda Sirdoonka Qaranka ayaa shaacisay in xubno hay’adooda ka tirsan oo laga shakiyey loo xidh-xidhay tuhuno argagixiso, kuwaas oo sheegay inay baadhis ku socoto xubnahaas iyo dad kale oo shacab ah oo lagu qabqabtey hawlgaladii ay todobaadadii ugu danbeeyey wadeen Ciidanka Amniga Somaliland. Hay’adda Sirdoonka Somaliland waxa ay sidoo kale sheegtey in sharcigii Hay’adaas ee dhawaan Baarlamaanku ansixiyeen inuu u ogolaanayo ama u fasaxayo inay qabteen cidkasta oo lagu tuhmo arimo argagixiso hadii uu shicib yahay iyo hadii uu madaxda qaranka ka mid yahayba. Waxaanay Hay’adda Sirdoonku Qaranku sidaas ku sheegtey War-saxaafadeed kooban oo ay ka soo saareen Hawlagalada ay Ciidamadda Amniga ee RRU-da iyo SPU-du ka gobolada iyo degmooyinka Somaliland, kaas oo lagu soo qabtay dad badan oo ay ku jiraan afar qof oo ka tirsan Sirdoonka Qaranka, kaas oo nuqul ka mid ah helay Wargeyska Haatuf, isla markaana ay kaga jawaabayaan War shalay ku soo baxay Wargeyska Jamhuuriya oo sheegay in hawlgalkaas lagu qab qabtay Afar ka tirsan Sirdoonku. Ayaa isaga oo dhamaystiran waxa uu u dhignaa sidan:- “Wuxuu Wargeyska Qoraalku ku socdo ee Jamhuuriya Cadadkiisa 5065 ee soo baxay 03/03/2013 Bogiisa hore Far waawayn ku qoray “Xubno ka mid ah Sirdoonka Qaranka Somaliland oo lagu xidhay Hargeysa” Hadaba, waxaan si kooban Wargeyska Jamhuuriya iyo Wargeysyada kale iyo Dadweynahaba ku wargelinayaa Qodobadan Hoos ku qoran 1. Waxa Dhawaan la Ansxiyay Sharciga Hay’ada Sirdoonka Qaranka, kaasoo fasaxaya ama Ogolaanaya in aanu qabano cid kasta oo lagu tuhmo arrimo argagaxiso, Hadii uu ka tirsan yahay Sirdoonka, Ciidamada kale ee Qaranka, Shaqaalaha Dawlada iyo Dadweynahaba. 2. Nimankan ka tirsan ee Wargeysku soo qaaday iyo Dad kaleba waanu qabanay, waana la baadhay 3. Ugu dambayntii waxa socda hawlgallo lagaga hor tagayo Falalka Argagaxisada. Sidaa darteed, waxaan Dadweynaha guud ahaan ka codsanaynaa in la soo sheego cid kasta oo lagu tuhmo arrimo Argagaxiso, iyada oo aan looga gabanayn xil uu hayo ama magac bulshada dhexdiisa ku leeyahay”. Dhinaca kale, waxa wali xidhan laba Askari oo ka tirsan Ciidanka Laanta Socdaalka Somaliland, kuwaas oo lagu Eedaynayo inay Suunka loo adeegsado qaraxa ku dhex haysteen xarunta guud ee Laanta Socdaalka Hargeysa, isla markaana looga shakiyay inay wadeen qorshe ay ku qarxinayaan Suunka. |