Haatuf News

Home | Contact Us | LinksArchives

 ISSUE 3241

March 19 2013                                                             Jamadi AL-Awal 7,1434H     

Xubno Ka Soo Jeeda Awdal Oo Ka Tirsan Labada Gole Baarlamaan Oo Ku Eedeeyey Qurba Jooga Gobolkaasi Inay Wadaan Kicin Iyo Abaabul Dadweyne, Kana Dalbaday Inay Joojiyaan

 

Wasiirka Maaliyada Oo Daboolka Ka Qaaday Dakhliga Cashuuraha Ka Soo Xerooday Saddexdii Bilood Ee Ugu Danbeeyay Iyo Wakiilada Oo Su’aalo Ay Maryo Dhiig Leh Ku Kala Furteen Ku Hafiyay

Shirgudoonka Guurtida Oo Daaqada Ka Tuuray Mooshin Ay Tahriibinayeen Shaqsiyaad Xildhibaano Ah Oo Lagu Carqaladaynayey Somcable

Xukuumada Oo Maxjar Labaad Ka Baal Furtay Kii Hore Ee Jiray Iyo Dareenada Ku Gedaaman

Maanta, Shalay dhaantey!

Raysal Wasaaraha Dawladda Sheekh Shariif Oo La Ansixiyey Iyo Dagaalo Ka Dhacay Muqdisho

 

 

 

 

R/ Wasaaraha Somalia Oo Maalmaha Soo Socda U Ruqaansan Doona Kismaayo Iyo Diyaar Garow Is-Difaac Oo Ay Wadaan Xubnaha Shirku Uga Socdo Magaaladaasi

Kismayo, March 19, 2013 (Haatuf) - Waxaa malmahan soo socda lagu wadaa in uu Kismaayo ka dego Raysal wasaaraha Soomaliya iyo xubno ka tirsan golahiisa wasiirada ah, kaas oo doonaya in ay joojiyaan shirka ka socda Kismaayo.  Raysal Wasaaraha oo haatan ay diyaar ugu yihiin ciidamo dhawaan ka yimi dhinaca garbaharay ayaa la sheegaya in heegan buuuxda la geliyey si amigiisa ay u ilaliyaan taas oo looga cabsi qabo hadii ay ku heshiin wayaan in uu raysal wasaarahu ku qanciyo deb in loo dhigo maamul u samaynta ay hada wadaan hubnaha uu hogaamiyo Axmed Madoobe ayaa u muuqda mid isfahan waa wayni ku dhex mari karo labada dhinac.  Raysal wasaraha soomaliya ayaa aad ugu  dadalaya in aanu booqashadiisu ku fashilmin taas oo u ah ku sii naganshaha xafiiska in uu beesha darood ee uu ka soo jeedo ogolaysiiyo in shirkaa deb lo dhigo taas oo uu mamulka butland taladaa ula tagay dhawaan mar uu booqashada ku gaaray garoowe ,arin tan ayaa noqon doonta tii ugu danbeyey ee isku day ah,ee xukuumada xasan sheikh ku doonayso in mamul ay iyadu u samayso deganada jubooyinka ay garwadeen ka tahay ,dhinaca kalena wararka nayroobi laga helaayo waxaa ay sheegayaan in sarakiisha maamula haatan kismayo madaxdoodu ay ku shirsan yihiin kaas oo ay doonayaan in Kenya ay ka caawiso dhan dhaqaale iyo mid melatari hadii ay dawlada fadraalku  ciidamada ay dhawaan keentay kismaayo isku dayaan in dagaal ka ridaan laga hor tago in aan la carqal;adayn shirka socda haatan

Inkastoo siyaasiyiinta ka soo jeeda gedo ku kala aragti duwan yihiin shirkaas oo qaarkood racasan yihiin raysalwasraha, halka kuwa kalena ay rabaan in saamigooda ka qataan maamulka lagu wado in lagu dhawaaqo madaxdiisa bisha soo socota dhexdeeda taas oo lagu wado in loo doorto madaxwayne juba land Axmed Madoobe.  Dawlada Qadar ugu deeqday dawlada soomaliya lacag garaysa 130 malyan ay hub kusoo iibsato  shiinaha iyo yukrayn oo  ku guulaystay shirkado ka socda hubkaas in laga soo  iibiyo madaxwaynaha soomaliya oo fulinaya codsi uga yimi boqorada carbeed loona soo mariyey amiirka qadar . Wararka  ka imanaya dalaka qadar ayaa sheegay ka dib dhawaan  booqashadii uu ku tagay dalkaas madaxwaynaha soomaliya  hasan sheikh isla markaana waydiistay amiirka qadar in uu ka bixiyo sidii dawlada soomalya hub u soo ibsan lahaydshirkadahan haatan bilaabay in ay soo iibiyan hubka nooca yar yar  oo ay ku jiraan banbooyinka nooca casriga ah iyo qoryaha gacanta laga tuuro oo casriya ayaa lagu soo waramaya in durba ay hawl galeen waraka laga helaayo shiinaha iyo yukrayn oo dilaalintu ay haatan door bideen ayaa haatan ku sugan dalka qadar dad ka socda sherkadahas oo la filaayo bishan dhamaadkeeda in la keeno magaalada muqdisho ,gududa cunaqabadaynta qaramada midoobay ayaa lagu soo waramayaa in walaac durba ay ka qabaan hubka cida hayn doonta taas oo la sheegayo in dhawaan dhacdadii ka dhacday bakhaar ku yaalau madaxtooyada fila soomaliya in hub iyo rasaas  laga xaday oo babuur lagu gurtay taas oo haatan la sheegayo in ilaa 20 sarkal iyo ciidanba isugu jira ay u xir xiran yihiin balse aan ilaa hada la cadayn cida hubaaks qadatay ,inkastoo wararka qaarkood sheegayaan in la iibsaday oo laga iibsaday niman ganacsato ah.

Arintan ayaa dharbaaxo ku ah dawlada soomaliya oo wali soo garin hub ay ku fashilmi karto cida haynasa hubkaas   ayaa waraka haatan ka soo baxaya muqdisho ay sheegayaan in dhawaan uu isku shaan dhayn ku samaynayo golaha wasiirada soomaliya isla markaan wasradaha qaarkoood laysku bedeli doono halak kuwo kalena la filaayo in lakala qaadi doono oo  la gaarsiin doono 18 wasaradood arintan ayaa aad loo hadal hayaa ka deb markii uu dhawaan soo garay magalada muqdisho axmed cabdisalaan adan oo dhawaan  qaeax lagula beegsaday magalada dhuusa mareeb dhawacna ka soo garay ayaa la tilmayaa in haatan lagu celinaayo wasrada arimaha gudaha ,waxaa kale oo la sheegayaa in ay ka mid noqon doonan golahaas cusub cumar imaan iyo sheikh xasan mahdi oo ka mid ahaan jiray isbahaysigii xibul islaam ee kooxda shabaab ay u awood sheegatay oo haatan ku sugan qadar , masuuliyiintan ayaa dawlada qadar ay ku dhex dhexaadisay madaxwaynaha soomaliya in uu debuheshisiin ku sameeyo dawladiisa kuna soo daro xubnahas si ay ugu gacan hadiyaan sheikh hasan daahir aways iyo ciidamadiisi ku biiray al shabab oo haatan ku nool duurka gobolda jubooyinka ,waxaana kale oo la filayaa in wasradaha ay ka mid yihiin arimaha debada ,wasrada arimaha qoyska tan cadaalada tan gaashan dhiga wasrada warfafinta ,dhamantood qaarna la sheegayo in loo bedelyo wasarado kale

Madaxwaynaha sooo maaliya ayaa la sheegay in arintan uu u sameenayo kadib markii culays kaga yimi boqorada carabta iyo amiirada  ka taliya dalaka carabta in uu ka badelo wasrada arimaha debada  haweenayda haatan haysa oo ay ka biyo diideen shirarka ay soo dhex fariisato iyadoo wadamada carabtu anay jirin haweenay kale oo xilkaas ka haysa wadamadooda ,wabsaydayada carabta ayaa dhawaan qorayey in soomaliya ay noqotay dalkii ugu horeyey ee carbeed ee haweenay xilkaas ka qabato taas oo ay sheegeen in soomaliya tahay dal islaama boqolkiiba boqol xilkaasna  wada,ada islaamku ku adag yahay in haween ay u dhiibaan ,waxaa hore u jiray in madaxwaynahii hore ee dawlada kumeel gaarku waji gabax kala kulmay kulankii ugu danbeeyey ee lagu qabtay dalka sucuudia shirkii jamacada carabta sanadkii hore in madaxdii carabtu ay ka caroodeen  markii uu saxeexay sheikh shariif axmed dastuurka haatan ay ku shaqayso dawlada soomaliya kaas oo dhigaya in boqolkiiba sodon in la siiyo haweenka soomaliya ,arintaasina ay fajiciso ku keentay boqoradii iyo amiiradii carabta kuwaas oo si cad ugu sheegay in arintaasi tahay fasahaad la fashadinayo dadalka carabta loona abuurayo dumarka carabtu in ay u hanqal tagaan awooda ay ku yeelanayaan maamulda dalalkooda iyagoo til mamaya in diintii islaamka la fasahadinaayo .arintan haatan soo shaac baxaysa ayaa hadii ay dhab noqoto waxaa ay moral jab wayn ku tahay haweenayda haatan saamaynta wayn ku leh maamulka soomaliaya iyadoo wadamada yurub iyo ameerica ka kulantay sooo dhawan aad u wayn wasrada ay madaxda ka tahay balse la arki doona waxaa  kala haysan doona madaxwaynaha soomaliya in uu raali geliyo wadamada carabta ama uu raali geliyo wadmada reer galbeedka ,waxaase la xasuusan  yahay dhawaan markii  todobaadkii hore muqdisho soo gareen 50 deblamasi oo u badna reer galbeed in ay qaabishay oo keliya foosiya xaaji adan islam arkana ka cagajiiday in uu qaabilo ,waxaana wararka qaar kood ay muujinayaan in uu ka biyo diidsan yahay macawinaduu ka filaayey in ay siiyaan reer galbeedku in gaabis badan ay ka muuqato oo madaxwaynahuna doonayey in culayska ka haysta mushaharooyinka ciidamada kan barlamanka wax lagala qabto si deg deg ahayd balse haatan aad moodo in gaabis badan ka muuqdo reer galbedkii warkoodina noqday booqasho ay muqdisho ku yimadaan iyo safaradaan furanaynaa taas oo dawlada haatan joogta ay ka door bidi lahayd lacag loo dhiibo oo ay hawlaheeda ku maamulato.