Home | Contact Us | Links | Archives |
ISSUE 3258 |
April 8 2013 Jamadi AL-Awal 27,1434H | |
Xukuumada Oo Maxjar Labaad Ka Baal Furtay Kii Hore Ee Jiray Iyo Dareenada Ku Gedaaman Raysal Wasaaraha Dawladda Sheekh Shariif Oo La Ansixiyey Iyo Dagaalo Ka Dhacay Muqdisho
|
Qabanqaabada Aaska Maayarkii Hargeysa Oo Guddi Qaran Loo Magacaabay Hargeysa, April 8, 2013 (Haatuf) – Madaxweynaha Somaliland Axmed Maxamed Maxamuud (Siilaanyo) ayaa tacsi u diray qoyskii, ehelkii iyo qaranka Somaliland geeridii naxdinta lahayd ee ku timid Maayarkii caasimada Hargeysa, Eng Yuusuf Warsame Siciid oo shalay ku geeriyooday Imaaradka carabta, ayaa guddi qaran u magacaabay qabanqaabada aaska marxuunka. Sidaana waxa lagu sheegay warsaxaafadeed uu shalay soo saaray Afhayeenka madaxtooyada Axmed Saleebaan Dhuxul, warsaxaafadeedkaasi oo dhamaystirana waxa uu u dhignaa. Madaxweynaha Jamhuuriyada Somaliland, Mudane, Axmed Maxamed Maxamuud (Siilaanyo) waxa uu tacsi u dirayaa, Golaha Degaanka Hargeysa, Ehelkii, Qaraabadii, Asxaabtii, iyo Dhamaan Shacbiga Reer Somaliland, ee uu ka baxay ALLE ha u naxariistee Maayarkii Caasimada Hargeysa MARXUUM, ENG. YUUSUF WARSAME SICIID oo ku geeriyooday Cusbitaal ku yaal Imaaraadka Carabta Saaka Subaximadii hore 07/04/2013. Madaxweynuhu waxa uu Marxuumka ku tilmaamay muwaadin jecel dalkiisa iyo horumarka ummaddiisa, mudo dheerna u soo shaqaynaayey sidii uu ugu tari lahaa dadkiisa iyo dalkiisaba. ALLE ha u naxariistee Doorashadii Golaha deegaanka ka dib waxaa loo doortay Maayarka Caasimada Hargeysa si uu aqoontiisa iyo kartidiisa ugu horumariyo caasimada Hargeysa, inkastoo intii loo doortay Maayarka Caasimada ka dib uu la soo dersay Xanuunkan uu haatan u geeriyooday Marxuumku. Madaxwaynuhu waxa uu ILLAAHAY uga baryayaa Marxuumkaa inuu naxariistii Janno ka waraabiyo, Qoyskii, Eheladii, Qaraabadii, Asxaabtii Golihii Degaanka Hargeysa ee uu maayarka u ahaa, iyo Dhamaan Shacbiga Reer Somaliland ee uu ka baxayna Samir iyo Imaan ka siiyo. In-Naa Lillaahi Wa In-Naa Ilayhi Raajicuun Sidoo kale Madaxweynaha Jamhuuriyada Somaliland Mudane, Axmed Maxamed Maxamuud (Silaanyo) waxa uu Digreeto Madaxweyne oo Sumadeedu tahay JSL/M/MG/083-1696/042013 ku magacaabay Gudi qaban-qaabo oo u xilsaaran Aaska Marxuumkaasi, Gudidaas oo ka kooban 15 Xubnood waxa Gudoomiye u ah Wasiirka Arrimaha Gudaha JSL, Mudane Maxamed Nuur Caraale (Duur). Magacaabida Madaxweynaha:- Ku: Wasiirka Wasaaradda Arrimaha Gudaha (Guddoomiye) Hargeysa Ku: Wasiirka Wasaaradda Diinta iyo Awqaafta Hargeysa Ku: Wasiirka Wasaaradda Waxbarashadda Hargeysa Ku: Wasiirka Wasaaradda Dhalinyarada, Ciyaaraha iyo Dhaqanka Hargeysa Ku: Wasiirka Wasaaradda Kalluumaysigga iyo Khayraadka Badda Hargeysa Ku: Wasiir Ku-xigeenka Wasaarrada Warfaafinta, Dh. Iyo Wacyigelinta Hargeysa Ku: Taliyaha Ciidanka Booliiska Hargeysa Ku: Maayar Ku-xigeenka Caasimadda Hargeysa Hargeysa Ku: Xoghayaha D/Hoose ee Caasimadda Hargeysa Hargeysa Ku: Guddoomiyaha Xafiiska Xildhiidhka Golayaasha ee Madaxtooyadda Hargeysa Ku: Xildhibaan Axmed Cabdi Kijaandhe Hargeysa Ku: Xildhibaan Maxamuud Axmed Oobsiiye Hargeysa Ku: Mudane, Maxamed Baarjeex Hargeysa Ku: Mudane, Cali Cumar Xasan Guuleed Hargeysa Ku: Marwo, Aamina Yusuf Aar Hargeysa Ujeedo: Magacaabid Guddida Aaska Marxuun Yuusuf Warsame Siciid Mudanayaal iyo Marwooyin, Sida aad ka warhaysaan, waxa Shacbiga Somaliland ka baxay oo geeriyooday Alle ha u naxariistee Maayarkii Caasimadda Hargeysa Marxuun Yuusuf Warsame Siciid. Sidaas darteed, Mudanayaal, waxa aan idiin magacaabay Guddida Qaban-qaabadda Aaska Marxuun Yuusuf Warsame Siciid. Waxaan idinka rajaynayaa inaad xil waafiya iska saari doontaan, isla markaana si milgo iyo maamuus Qaran leh u diyaarin doontaan aaska Marxuunka. |