Haatuf News

Home | Contact Us | LinksArchives

 ISSUE 3275

April 28 2013                                                             Jamadi AL-Thani  17,1434H     

Xubno Ka Soo Jeeda Awdal Oo Ka Tirsan Labada Gole Baarlamaan Oo Ku Eedeeyey Qurba Jooga Gobolkaasi Inay Wadaan Kicin Iyo Abaabul Dadweyne, Kana Dalbaday Inay Joojiyaan

 

Wasiirka Maaliyada Oo Daboolka Ka Qaaday Dakhliga Cashuuraha Ka Soo Xerooday Saddexdii Bilood Ee Ugu Danbeeyay Iyo Wakiilada Oo Su’aalo Ay Maryo Dhiig Leh Ku Kala Furteen Ku Hafiyay

Shirgudoonka Guurtida Oo Daaqada Ka Tuuray Mooshin Ay Tahriibinayeen Shaqsiyaad Xildhibaano Ah Oo Lagu Carqaladaynayey Somcable

Xukuumada Oo Maxjar Labaad Ka Baal Furtay Kii Hore Ee Jiray Iyo Dareenada Ku Gedaaman

Maanta, Shalay dhaantey!

Raysal Wasaaraha Dawladda Sheekh Shariif Oo La Ansixiyey Iyo Dagaalo Ka Dhacay Muqdisho

 

 

 

 

Barnaamijka Dhaqaalaha Waxsoosaarka Dalka Iyo Daajinta Haboon Ee Xoolaha Xilliga Gu’gan 2013-ka

Dr. A.Y.Osman (Gabalaax). Pastoral Livelihood.

Sannadkii 2012ku ma uu ku xumeyn xoolo-dhaqatadda iyo isku-dhafka labada dalag ee Beeraha iyo Xoolaha, Gu’ggan sannadkanni 2013 kuna waxa u bilaamaey Bulshadda waxasoosaarka dalka goor hore, taasoo aaney Alle galadiise la kulmin jillaaladii ina soo mari jirey kuwaasoo wiiqi jirey waxa soosaarka xoolaha iyo kan qodaalka midhaha la quuto oo wax weyn badbaadada cuntadda ee qolooyinkan ku hawlan waxsoosaarka dhaqaale ee dalkeenan Jamhuur’yadda Somaalilaan. Sidoo kale waxa aad u fiicnaa hadhaagga waxsoosaarka qodaalka midhaha ee” CALAFKA XOOLAHA” ee loo keydiyo si loogu quudiyo xoolaha xilli xummadka jilaal cadaadigga.

Nasiib wanaag waxa kaloo si weyn ay Wasaaradda Xannaannadda hoggaankeeddu xil weyn isaga saartey sidii ay xoolaha dalku u heli lahaayeen daaweynta cuduradda faafa iyo ka-hortegoodaba ayaddoo kooxo badan u dirty dhammaan gobollada dalka si ay udaweeyaan waxii xoolo ka buka xool-dhaqatadda loona tallaalo cuduradda laga baqaayey inay sadheeyaan xoolaha. Wasaarsddu waxay la kaashatey dadaalkeeda ha’yaddo dhawr ah oo ay ka mid yihiin “FAO”,” ISLAMIC RELIEF WORLD WIDE” “HAVOYOCO” “SASAP” iyo “RELIEF INTERNATIONAL”  kuwan oo dhinacyo badan wasaardda ula yeelatay wada shaqeyn wanaagsan taasoo ay ha’yadahan oo run ahaantii ayaguna si hagar la’ aan ah wax ula qabtey sidii ay wasaaradda xannaandda xooluhu u fullin lahaa wxa ka qabashadda caafimaadka guud ee xoolaha si loo kobciyo wax-soo-saarka dhaqaale ee xoolaha dalka eekan” DHAQMAADKA iyo kan “DHOOFABA” .

Waxse aan aad wax looga bedellin qaababka dhaqamaadka xoolaha, daajinta xoolaha ee xilliyadda Barwaaqadda/abbaarta, Hoygga xoolaha oo isaga aan mar qudha laga fakirin baahidda neefka wakhitiggan uu isbedelka guud ee “CIMILLADDU” (Global warming) ku socdo Adduunkan guudkiisa aynu ku noolahay , taasoo ay xoola-dhataddeennu weli  u hayaan xoolaha maanta boqolaal sanno horteed si dii ay “AWOWYAASHEEN” wax u dhaqayeen wakhtiyaddaas oo ay u yareed baahidoodu iyo baahidda xooluhuba. Sidaas-darteed waxa haboon in aynu miyi iyo magaaloba ku talosiinyo  waxssosaarayaasha xoolaha iyo iskudhafoyaasha beerta xoolaha qodobadan soo socda;

•HOOYGGA/xerredda caafimaadsan. Bedka xerro ku filan oo ka dedan dheelka habeenkii, roobabka taasoo kana dugsiisan dabeylaha isbedbedala fasaladda sanadkii. Xerro isku simman oo laga sifeeyay gujufka , kurtimada iyo dhagaxaanta si aaney naasaha iyo candhada neefka u waxyeeleynin.

•DULLINKA  DEGAL FADHIGGA AH/la dagaalanka dhibbiijada iwm. Reerguuraagga iyo beeraleyduba wakhti dheer bay xoolaha xilligan ku hayaan sidaas darted waxa degel fadhi ku noqdey dullimada aad wax u yeela neefka kan si joogtaha ugu warwareega xoolaha dhexdooda si kaste oo wax looga qabato. Hadaba si looga cidhib tirro xoolaha oo in ugu horeyn dagaalka dullinka waa in xerradda xoolaha looga bilaabaa ayadoo la adeedsanayo summaha dullinka xoolaha iyo ayaddoo milxinaayo ( milix baa loo qooshayaa waxana lagu rusheynayaa musaska iyo bedka guddaha ee fadhigga xoolha)

•DAAJINTA  WAXTARKA LEH./habka iyo saacadaha daaqsiinta ama daajinta neefka. Ha ku siideynin xoolaha doogga dherrebka leh xilligan ay jirto , xoolaha waa in lagu barriiyaa xerrada ilaa inta “CADCEEDU”  diirineyso doogga una dileyso beedka iyo lullimaha “GOORYAANKA” Lifaaqan laammaha doogga ama caleenta geed hosaadka. Tanni waxa kale oo ay dawo ka tahay inaanu neefku bakhookhin ama daratooninba.

•MAAREYNTA XERRO KU JIRKA./intee in le’g buu qoysku dhaqi karaa. Xooluhaha qoysk u (qoyska tiraddiisu waa lix qof oo qudha isku- celcelinta xisaabaadka cilmi baadhistu ) waxay ay maareyn karaan xoolo ka yar labo tiro (tiraddu waa 200 /neef adhigga. 5o neef/geeela, 30 neef loda) waxii intaasi ka badani waxay qoyska uga baahanyihiin shaqaale dheeri u ah ,haddii loo waayo “JILAALKA”  ayaa ka qaadi doona dheeraadka awoodda  maareynta qoyska. Sidaas darted jilaalka hortiisa waa in qoysku” KAASH” ka dhigtaa waxii dheer  xeyn  tirro ah.

•QIIMAHA WAX SOOSAARKA NEEFKA/ fahanka qiimaha neefka. Reerguuraaggu waxay aad  u aaminsanyihiin lahaanshaha xoolo badan oo  xerradda ku jirra qurruxdooda wax yar baa u fahansan inuu neefku leeyahay badbaado lacageed xilliyadda adage ee ay inta badan la kulmaan. Aweegeed sidan  ha fahan siiyo xoolo -dhaqatadda inay iibsadaan neefkoodda “DOOLARKA” ah inta uu qiimo leeyahay ay aaney “BAAD” iyo “BIYO”la’aantu ka dhigin mid ay xataa “DACAWADDU” ka xaragooto inay cunto markuu hadho !