Home | Contact Us | Links | Archives |
ISSUE 3284 |
May 8 2013 Jamadi AL-Thani 27,1434H | |
Xukuumada Oo Maxjar Labaad Ka Baal Furtay Kii Hore Ee Jiray Iyo Dareenada Ku Gedaaman Raysal Wasaaraha Dawladda Sheekh Shariif Oo La Ansixiyey Iyo Dagaalo Ka Dhacay Muqdisho
|
“Waxa Cadaatay Oo Aanu Xukuumad Ahaan Markhaati U Helnay Mawqifkii Aanu Ku Qaadacnay Shirka Somalia Ee London Inaanu Khaldanayn, Waxaanu Ahaa Shir Mad-Madow Badan Galin Karayey Madaxbanaanida S/Land” Dr Maxamed C/Laahi Cumar, Wasiirka Arimaha Dibada Somaliland. War-Murtiyeed Hargeysa, May 8, 2013 (Haatuf) – Wasiirka Arrimaha Debada Somaliland Dr Maxamed C/laahi Cumar ayaa sheegay inay garawshiyo iyo markhaati u heleen mawqifkii xukuumadda Madaxwayne Siilaanyo ku qaadacday ka qaybgalka shirka dawladda Britain shalay Somalia shalay ugu qabatey Magaaladda London, kaas oo sii taageeray go’aanka ay shirkaas ku deedefeeyeen. Wasiirka Khaarajiga Dr Maxamed C/laahi waxa uu sidaas ku sheegay Waraysi khaas ah oo xalay Wargayska Haatuf khadka telefoonka ku siiyey isaga oo Magaaladda Hargeysa ku sugan, kaas oo uu kaga warbixiyey sida ay xukuumad ahaan u arkaan warmurtiyeedka ka soo baxay shirkaas. Ugu horayna isaga oo ka hadlaya sida uu xukuumad ahaan ugu muuqdo shirka London ku soo gabo-gaboobey, waxa uu yidhi “Shirka London uga qabsoomay Somalia waxa muuqatey oo noqday sidii aanu markii hore xukuumad ahaan ka filaynay, waxa uu noqday shir u khaas ah arimaha Somalia ka taagan iyo sidii dunidu gacan uga siin lahayd arimaha wax lagala qabankaro Somalia. Waxa kale oo shirka lagaga hadlay arimo ku saabsan xaga sharciga iyo kala danbaynta iyo nidaamka dawladiga ah sidii loo samayn lahaa ama hay’adihii dawliga ahaa oo aan dalkaasi ka shaqaynin sidii gacan looga siin lahaa ee ay u shaqayn lahaayeen, markaa guud ahaan waxa aanu shirkaas u aragnaa xukuumad ahaan inuu ku taxaluqayey arimo khuseeyo Somalia sidii aanu markii aanu qaadacaynayba u shaacinay, isla markaana aanay meelna uga furmayn dawladda Somaliland, waxaananu soo dhawaynaynaa oo aanu u rajaynaynaa in go’aamada ka soo baxay shirkaasi ay wax ka taraan dhibaatooyinka ka taagan Somalia”.Dr Maxamed C/laahi Cumar mar wax laga waydiiyey sida ay u arkaan dhaqaalaha badan ee shirkaas loogu ururiyey dawladda Somalia, waxa uu yidhi “Inta badan shirarka noocaas ah ee dunidu iskugu timaado waxa looga hadlaa si guud in Mishkiladaha markaas laga hadlayo wax laga qabto waananu rajaynaynaa in arimahaasi wax u taraan dawlada aanu jaarka nahay ee Somalia, hase yeeshee Somaliland iyo Somalia qodobadii ay ku heshiiyeen shirkii Ankara waxa ka mid ahaa in Somaliland deeqaha uu Caalamku bixiyo ay si toos ah uga hesho deeq-bixiyayaasha wixii qayb ah ee ay ku leedahay iyada oo marka horeba Somaliland ay xidhiidh wanaagsan oo toos ah la leedahay deeq-bixiyayaasha oo aan marka horeba loo soo marin jirin Somalia”. Wasiirka Khaarajigu Maxamed C/laahi mar uu ka hadlayey mawqifkii xukuumadda Somaliland ku qaadacday ka qaybgalka shirka London ka qabsoomay, waxa uu yidhi “Waxa cadaatey oo aanu taageero u helnay mawqifkii aanu ku qaadacnay shirka London inaanu khaldanayn oo markhaati ayaanu arintaas u helnay xukuumad ahaan oo shirku waxa uu noqday gabigiisuba mid lagaga hadlayey arimaha Somalia iyo dalwad samayntooda iyo kala danbayntood iyo sharci samayntooda lagaga hadlayey, isla markaana muu ahayn shir ay wax ka khuseeyeen Somaliland, waxaanu ahaa shir mad-madow galin karayey Madaxbanaanida iyo qaranimada Somaliland, maantase waxa dunida u cadaatey in Somalia iyo Somaliland ay laba dal oo kala duwan yihiin, isla markaana shirkaasi uu ahaa mid u gaar ah maamulka Muqdisho oo arimahaas lagaga hadlayey. Dhinaca kale waxa aanu aad iyo aad u soo dhawaynaynaa warmurtiyeedka ka soo baxay shirkaas qodobkiisa 4-aad ee ka hadlayey taageerada wada-hadaladii Ankara ku dhexmaray Somaliland iyo Somalia oo shirkaasi soo dhaweeyey shalay, isla markaana uu ogolaaday heshiiskii ka soo baxay shirkii Turkiga ee 7-da qodob ka koobnaa oo arintaasi waxa aanu u aragnaa arin sax ah oo dhinaca wanaagsan loo qaaday, isla markaana dhiiri-galinaya in la sii wado wada-hadalada labada dawladood lagana midho dhaliyo mustaqbalka”. Wasiirka Arrimaha Debadda Dr Maxamed C/laahi Cumar mar wax laga waydiiyey saamaynta diblomaasiyadeed ee qaadacaadii xukuumadda Somaliland ee shirka London uu ku yeelankaro xidhiidhka ay la lahayd dawladda Britain ee shirka qabatey, waxa uu yidhi “Go’aanka ay xukuumadda Somaliland ka qaadatey ka qaybgalka Shirka London waxa uu dunida u cadeeyey mawqifka Madaxbanaanida iyo Qaranimada Somaliland ee ay sharcbiga dalkani goosteen, waxaanu ka saaray mad-madow oo ay madaxbanaanida Somaliland ka samayn jireen dad badan oo cadaw ku ah oo aan jeclayn inay horumaraan, isla markaana waxa uu cadeeyey sida ay xukuumadda Somaliland uga go’an tahay ilaalinta xoriyada iyo madaxbanaanida shacigeeda. Mida kale waxa xidhiidhka Somaliland iyo Ingiriiska u dhaxeeya waa mid sii xoogaysanaya oo aanu wax isbadal ahi ku imanin, isla markaana waxa aan aad u rajaynaynaa in wada-shaqayntii iyo saaxiibtinimadii aanu Britain la lahayn ay halkii ka sii socoto”. |