Home | Contact Us | Links | Archives |
ISSUE 3301 |
May 28 2013 Rajab 18,1434H | |
Xukuumada Oo Maxjar Labaad Ka Baal Furtay Kii Hore Ee Jiray Iyo Dareenada Ku Gedaaman Raysal Wasaaraha Dawladda Sheekh Shariif Oo La Ansixiyey Iyo Dagaalo Ka Dhacay Muqdisho
|
Taliye Ku Xigeenka Bileyska Oo Wariyaha Haatuf Ee BerberaXabsiga U Taxaabay Sharci La’aan Berbera, May 28, 2013 (Haatuf) – Taliye ku xigeenka ciidanka Bileyska Somaliland Cabdiraxmaan Fooxle ayaa shalay abaaro 12:10 duhurnimo xabsiga u taxaabay Wariyaha Wargeyska Haatuf uga soo warama gobolka Saaxil, Axmed Aadan Dheere, kadib markii sida uu wariyuhu sheegay ay taliyaha iskugu soo galeen Hotel kuwa laga qadeeyo ah oo ku yaala Berbera, taas darteedna uu Taliye Fooxle waydiiyey ujeedada socdaalkiisa Berbera, hase yeeshee uu taliyuhu ugu jawaabay Maxaad ka rabtaa iyo miyaanad ahayn Masuul qaran. Wariye Axmed Aadan Dheere ayaa intaa ku daray in intaa kadib uu Taliyihii hore ee ilaalada Dakadu oo Fooxle la socday xiligaasi uu yidhi wuu ku xidhi!, isla markaana Wariyuhu ugu jawaabay Xadhigu macnuu ku yimaadaaye ma dambi la’aan. Hase yeeshee, Taliye Ku Xigeenka Qaybta Gobolka Saaxil, Jaamac Ismaaciil Xuseen ayaa isagu aflagaado iyo tukhaantukhis isugu daray Axmed Aadan Dheere, kuna amray ciidamo bileys ah oo la socday inay xidhaan. Axmed Aadan Dheere waxa uu sidaasi ku sheegay Mar uu Haatuf la soo xidhiidhay isaga oo ku sugan Xabsiga Berbera, waxaanu yidhi “Inta aanu ku kulanay Hotel ay ka qadaynayeen Taliye ku xigeenka Bileyska Cabdiraxmaan Fooxle iyo koox la socotay, ayaa waxa aan waydiiyey ujeedada socdaalkiisa iyo inay gobolka dhaafayaan, waxaanu iigu jawaabay maxaad ka rabtaa joogitaankayaga iyo bixitaankayaga. Dabadeed waxa aan ku idhi ilayn masuul qaran ayaad tahay oo hawsha aad u timid wax waa lagaa waydiin karaaye, intaa markii aanu is nidhi Fooxle, ayuu mid hore u ahaan jiray Taliyaha Ilaalada dakada oo la yidhaa Maxamuud Jibriil Cabsiiye uu igu yidhi wuu ku xidhi, markaas ayaan ku idhi ilayn xadhigu macnuu ku yimaadaaye, hadii sida aad u leedahay aan uga jawaabo kuma dhaco, ma anoon dambi galin ayuu I xidhayaa. Hase yeeshee isagu jawaab kale muu odhane, Taliye ku xigeenka qaybta gobolka Saaxil oo la yidhaa Jaamac Ismaaciil Xuseen oo isna ag fadhiyey ayaa inta uu sare iigu soo kacay iskugu kay daray, Tukhaan-tukho, Jug iyo aflagaado oo yidhi xidha”. Si kasta ha ahaatee Cabdiraxmaan Fooxle oo aanu isku daynay in aanu wax ka waydiino sababta xadhiga Wariyaha Haatuf ee Berbera, ayaanay noo suura galin kadib markii telefoonkiisu xidhnaa. Waxaana Axmed Aadan Dheere xoriyadii laga qaaday loo soo celiyey abaaro Cadceed dhicii shalay. |