Haatuf News

Home | Contact Us | LinksArchives

 ISSUE 3319

June 18 2013                                                                             Shabcaan 9,1434H     

Xubno Ka Soo Jeeda Awdal Oo Ka Tirsan Labada Gole Baarlamaan Oo Ku Eedeeyey Qurba Jooga Gobolkaasi Inay Wadaan Kicin Iyo Abaabul Dadweyne, Kana Dalbaday Inay Joojiyaan

 

Wasiirka Maaliyada Oo Daboolka Ka Qaaday Dakhliga Cashuuraha Ka Soo Xerooday Saddexdii Bilood Ee Ugu Danbeeyay Iyo Wakiilada Oo Su’aalo Ay Maryo Dhiig Leh Ku Kala Furteen Ku Hafiyay

Shirgudoonka Guurtida Oo Daaqada Ka Tuuray Mooshin Ay Tahriibinayeen Shaqsiyaad Xildhibaano Ah Oo Lagu Carqaladaynayey Somcable

Xukuumada Oo Maxjar Labaad Ka Baal Furtay Kii Hore Ee Jiray Iyo Dareenada Ku Gedaaman

Maanta, Shalay dhaantey!

Raysal Wasaaraha Dawladda Sheekh Shariif Oo La Ansixiyey Iyo Dagaalo Ka Dhacay Muqdisho

 

 

 

 

Haatufka Maanta

Waxa la yidhi Adhi shaw shugux-shugux kama ilbaxo. Adeer kuwan CID-du saw mar uun ma kala bartaan xeerka madaniga ah (Civil Law) ee saxaafada lagu xukumo iyo xeerka ciqaabta (Criminal Law/Penal Code) ee faldambiyeedyada culculus ee u qalma lagu qaado sida Dilalka, Kufsiga, Dhaca iyo iwm.  Sawtii inbadan aanu ugu celcelinay in saxaafadu ay leedahay xeer u gaar ah oo madani ah oo gafafka ay gasho loo cuskado.CID-du miyaanay ahayn laanta Bileyska u qaabilsan baadhista faldambiyeedyada ee marka magaceeda Af-Ingiriisiga lagu sheego la yidhaa Criminal Investigation Department?  Waxa saxaafada iyo CID-da isku keenaaba miyaanu qalad ahayn? Laakiin maxaad CID-dan kaga daali. Waa nimanka ay safa dirays u yihiin Cali Qodaal iyo coll aan dhaamin. Waliba farsamo xukumo waxay ka qabaan sawtii ayaantii dhaweyd ay Ilmihii yaraa ee ciyaala PEPSI-ga ahaa kusoo xidheen gabay yar oo uu u tiriyey. Mise xaalku waa Dhaga-dhagow dhab sii.