Home | Contact Us | Links | Archives |
ISSUE 29235 |
March 26, 2012 Jamadi Al-Awal 03,1432H | |
Xukuumada Oo Maxjar Labaad Ka Baal Furtay Kii Hore Ee Jiray Iyo Dareenada Ku Gedaaman Raysal Wasaaraha Dawladda Sheekh Shariif Oo La Ansixiyey Iyo Dagaalo Ka Dhacay Muqdisho
|
Sultan Kösen Oo Noqday Ninka Aduunka Ugu Dheer Sultan Kösen oo ah nin udhashay wadanka Turkiga ayaa loo aqoonsaday ninka ugu dheer caalamka wakhtigan sida ay shaacisay kooxda qiimeysa mucjisooyinka taariikhda gala ee ku ururisa buuga caalamiga ah ee Guinness World Records. Ninkan oo ah 29 jir ayaa la sheegay in uu dhererkiisu yahay 2,51 Mitir waxnaa la sheegay in ninkan dadku marka ay garab socdaan ay caruur yar yar u ekaadaan Sultan Kösen waxa todobaadk kasta laga marti qaadaa dalal kala duwan eee aduunka wuxuna iminka mudo 1 todobaad ah ku sugan yahay magaalada Washington ee cariga Mareeykanka. Shirkadaha soo saara Dharka waxay jecel yihiin in uu Dharka u xayeeysiiyo balse taasi wuu ku gacan seeydhay maxaa yeelay wuxu Qandaraas ku kacay 3 sano la saxeexday Shirkad laga leeyahay dalka Turkiga Ninkan ayaa Tv-ga CNN ee dalka Maraykankalaga leeyahay waxa uu weydiiyay cida uu guursan doona sida ay noqon doonto Waxana uu sheegay in uu guursan doono Haweeney sidiisa oo kale u dheer si ayuu yidhi caruurtiisa ay fursad ugu helaan hanashada Iskoorka qofka ugu dheer Caalamka. |