Haatuf News

Home | Contact Us | LinksArchives

 ISSUE 3333

July 4 2013                                                                          Shabcaan 25,1434H     

Xubno Ka Soo Jeeda Awdal Oo Ka Tirsan Labada Gole Baarlamaan Oo Ku Eedeeyey Qurba Jooga Gobolkaasi Inay Wadaan Kicin Iyo Abaabul Dadweyne, Kana Dalbaday Inay Joojiyaan

 

Wasiirka Maaliyada Oo Daboolka Ka Qaaday Dakhliga Cashuuraha Ka Soo Xerooday Saddexdii Bilood Ee Ugu Danbeeyay Iyo Wakiilada Oo Su’aalo Ay Maryo Dhiig Leh Ku Kala Furteen Ku Hafiyay

Shirgudoonka Guurtida Oo Daaqada Ka Tuuray Mooshin Ay Tahriibinayeen Shaqsiyaad Xildhibaano Ah Oo Lagu Carqaladaynayey Somcable

Xukuumada Oo Maxjar Labaad Ka Baal Furtay Kii Hore Ee Jiray Iyo Dareenada Ku Gedaaman

Maanta, Shalay dhaantey!

Raysal Wasaaraha Dawladda Sheekh Shariif Oo La Ansixiyey Iyo Dagaalo Ka Dhacay Muqdisho

 

 

 

 

Maxkamadda Gobolka Maroodi-Jeex Oo Xadhig Iyo Ganaax Aan Waafaqsanayn Xeerka Saxaafada Isugu Dartay Masuuliyiinta Wargeyska Hubaal

“Waligay Madaxtooyada Maan Galin, Cid Ka Socota Oo Culays Igu Saartey Arintaasi Ma Jirto, Xeerka Ayaa Loo Eegayaa Inay Iibsankaraan Xadhigooda Iyo Inkale” Cismaan Ibraahin Fanax

Hargeysa, July 4, 2013 (Haatuf) - Maxkamadda Gobolka Maroodi-jeex Hargeysa ayaa shalay xukuno ku riday Maareeyaha Wargeyska Madaxabanaan ee Hubaal Maxamed Axmed Jaamac (Caloolay) iyo Tifaftirihii Wargeyskaasi Xasan Xuseen Cabdilaahi (Keef-Keef). Maxkamadu waxa ay Hal sano oo xadhig ah iyo Hal Milyan oo ganaax ah ku xukuntay Maareeyaha Wargeyska Hubaal Maxamed Axmed Jaamac (Caloolay), halka ay Tifaftiraha Wargeyskaas Xasan Xuseen Cabdilaahi (Keef-keef) ay ku xukuntey Laba sano oo xadhig ah iyo Laba Milyan oo Ganaax lacageed ah. Xukunkan ayay Maxkamadu ku riday Masuuliyiintaasi Hubaal ayaa cambaarayn xoog leh ay u soo jeediyeen ururada Suxufiyiinta, Xisbiyada Mucaaridka iyo hay’adaha Xuquuqda Aadamaha ka shaqeeya ee Maxaliga ah ayaa sheegay in xukunkaasi aanu waafaqsanayn xeerka Saxaafada ee Madaniga ah. Hase yeeshee Garsooraha kiiskan qaadayey Cismaan Ibraahin Daahir (Fanax) oo Wargeyska Haatuf uu shalay khadka telefoonka kula xidhiidhay ayaa sheegay in kiiska Suxufiyiintaas loo cuskaday markii lagu eedeeyey oo dambi looga dhigay aflagaado Madaxwayne iyo war uu tilmaamay inuu Wargeysku ka baahiyey Masuuliyiinta Safaaradda Ethiopia ee Hargeysa. “Masuuliyiinta Wargeyska Hubaal waxa lagu soo eedeeyey inay baahiyeen warar khatar ku ah xidhiidhka Somaliland iyo Ethiopia, kuwaas oo hadii aan wax kaaga carabaabo qodobadii lagu soo eedeeyey waxa ka mid ah in Wargeysku daabacay war odhanay dawladda Ethiopia waxay Khamriga ku soo galisaa Somaliland baabuurta Safaarada u fadhida Hargeysa oo sidaas ayaa lagu soo galiyaa Khamriga ayey yidhaahdeen, kaas waa qodob oo wax jirana maaha. Qodobka kale ee lagu soo eedeeyey Madaxda Wargeyskaasi waxa weeyi inay baahiyeen warar lagu caayey Madaxda Sarsare ee Xukuumadda oo wax lagaga sheegay sumcadooda iyo sharaftooda oo dabcan aan banaanayn, waxaanay yidhaahdeen Madaxwayne Siilaanyo wuu gaboobay oo xilka haynkaro oo xilka waxa haya gacanyarihiisa, markaas taas ayaa lagu soo eedeeyey”. Garsooraha xukumay Madaxda Wargeyska Hubaal, mar aanu wax ka waydiinay waxa ka jira warar sheegaya in habeen hore Madaxtooyadda looga yeedhay oo culays lagu saaray inuu degdeg u xukumo Suxufiyiintaas, waxa uu yidhi “Waxba ka jiraan arintaasi, inta aan noolaa anigu Madaxtooyada maan galin oo cid ka socota Madaxtooyada oo culays igu saartey ama igala hadashay arintaasina ma jirto oo garsooruhu ma inuu qolyaha aqoonta u leh sharciga la tashado mooyaane meel kale wax loogama soo yeedhiyo”. Mar aanu wax ka waydiinay waxa uu sharcigu ka qabo inay Suxufiyiintaasi xadhigooda iibsankaraan iyo inkale ayaa uu Garsooraha xukunka ku riday ka gaabsaday inuu arintaas cadeeyo, waxaanu si kooban u yidhi “Sharciga iyo Xeerka ayaa loo eegayaa inay iibsankaraan Xadhigooda iyo inkale markaa arintaas inaan tafaasiil ka sii bixiyo ma rabo oo waan ka cudur-daaranayaa”. Dhinaca kale Maxkamadda gobolka Maroodi Jeex ayaa Maareeyaha iyo Tafatiraha Hubaal Calooley iyo Xasan Keef-keef amartey in xabsiga loo taxaabo, kuwaas oo sida Haatuf loo xaqiijiyey Maareeyahana gudaha Maxkamadda oo uu ku sugnaa lagu qabtey, halka Tafatiraha suuqa laga qabtey, isla markaana loo taxaabay Xabsiga, waxaanu intaas raaciyey Garsoore Cismaan sheegay in xayiraadii aanay Maxkamadu ka qaadi doonin Wargeyska ilaa xukunka ay dhamaystaan madaxda Jariiradaasi. Si kasta ha ahaatee Maaha xukunkii ugu horeeyey ee lagu Rido Masuuliyiin ka hirsan hay’adaha warbaahinta Madaxabanaan ee Somaliland, balse waxa sanadkii 2007 xukun sharci daro ah lagu riday Masuuliyiintii Wargeyska Haatuf.