|
Home | Contact Us | Links | Archives |
|
ISSUE 3333 |
July 4 2013 Shabcaan 25,1434H | |
|
Xukuumada Oo Maxjar Labaad Ka Baal Furtay Kii Hore Ee Jiray Iyo Dareenada Ku Gedaaman Raysal Wasaaraha Dawladda Sheekh Shariif Oo La Ansixiyey Iyo Dagaalo Ka Dhacay Muqdisho
|
Wasiir Cukuse Oo Xilkii Wasaaradda Warfaafinta La Wareegay Xili Xukuumadu Xidhxidhay Xubnihii Ugu Sareeyey Wargeyska Hubaal Hargeysa, July 4, 2013 (Haatuf) - Wasiirka Cusub ee Wasaaradda Warfaafinta, dhaqanka iyo Wacyigelinta Somaliland Cabdilaahi Maxamed Daahir (Cukuse) ayaa shalay si rasmi ah xilkii Wasaaradda ugala wareegay Wasiirkii hore Abiib Diiriye Nuur (Timacade) oo haatan ah Wasiirka Wasaaradda Warshedaha. Waxaanay Masuuliyiintaas xilka kula kala wareegeen Munaasabad balaadhan oo ka dhacday xarunta Wasaaradda Warfaafinta, taas oo ay ka soo qayb galeen Xubno ka tirsan golaha Wasiirada, Xildhibaano, Afhayeenka Madaxtooyada Somaliland iyo marti sharaf tiro badan. Ugu horayn waxa halkaas ka hadlay Agaasimaha guud ee Wasaarada Warfaafinta Cabdirashiid Jibriil Yuusuf, kaas oo faahfaahiyey qaab dhismeedka Wasaaraddaas, shaqaalaha iyo shaqada Wasaaradda, isagoo tilmaamay inay Wasaaradda Warfaafintu ka kooban tahay todoba Waaxood. Wasiir ku xigeenka cusub ee Wasaaradda Warfaafinta Cabdiwaaxid Cabdiqaadir C/raxmaan oo isna halkaa ka hadlay ayaa sheegay in Wasaaradaasi ka mid tahay wasaaradaha ugu saameynta badan dalka, isagoo balanqaaday inay xidhiidh wanaagsan la yeelan doonaan Warbaahinta kala duwan ee dalka, loogana fadhiyo warbaahinta inay guddo xaqqa ay bulshadu ku leedahay, wasaarad ahaana ay diyaar u yihiin inay ilaaliyaan xuquuqda saxaafadda. Sidoo kale Wasiirkii hore hore ee Wasaaradda Abiib Diiriye Nuur, ahna Wasiirka cusub ee Wasaaradda Warshadaha ayaa ka warbixiyey waxyaabaha u qabsoomay mudadii uu joogay gaar ahaan rakibaaddii idaacadda weyn ee dalka wada gaadha iyo TV-ga Qaranka oo si habboon uga socda daafaha dunida halka sidoo kalena dhismayaasha la hagaajiyey. Intaa ka dibna Abiib Timacad waxa uu Wasaaradda ku soo dhoweeyey Wasiirka Cusub, isagoo sidoo kalena shaqaalaha ka codsaday inay u hagar baxaan wasiirka cusub. Cabdilaahi Maxamed Daahir (Cukuse) Wasiirka cusub ee Wasaaradda Warfaafinta, Dhaqanka iyo Wacyigelinta Somaliland oo munaasabadii xilwareejinta ka hadlay ayaa caddeeyey inuu saaxiib dhow ka dhigan doono shaqadiisa koobaad-na uu ka dhiganayo habkii ay suxufiga dawladda iyo ka madaxa banaani u wada heli lahaayen xuquuqdooda iyada oo loo marayo qawaaniinta dalka u taalla lana ixtiraami doono sharciga guud. Dhinaca kale Munaasabadda oo sidoo kale ay ka soo qayb galeen mas’uuliyiinta Wasaaradda Warfaafinta iyo shaqaalahooduba ayaa waxaa hadalo ka jeediyey Wasiir ku xigeenka Wasaaradda Ganacsiga iyo Maalgashiga caalamiga ah Bashiir Cabdi Xariir, Maareeyaha guud ee TV-ga qaran Khadar Xasan Cali Gaas, Agaasimaha Radio Hargaysa Siciid Aadan Cige, Madaxa barnaamijyada ee TV-ga qaranka Xuseen Cabdilaahi deeqsi iyo Guddoomiyaha Haatuf Media Group Muj. Yuusuf Cabdi Gaboobe oo isagu ku hadlayey Magaca Warbaahinta madaxa banaan ee Somaliland. |