Haatuf News

Home | Contact Us | LinksArchives

 ISSUE 3337

July 9 2013                                                                          Shabcaan 30,1434H     

Xubno Ka Soo Jeeda Awdal Oo Ka Tirsan Labada Gole Baarlamaan Oo Ku Eedeeyey Qurba Jooga Gobolkaasi Inay Wadaan Kicin Iyo Abaabul Dadweyne, Kana Dalbaday Inay Joojiyaan

 

Wasiirka Maaliyada Oo Daboolka Ka Qaaday Dakhliga Cashuuraha Ka Soo Xerooday Saddexdii Bilood Ee Ugu Danbeeyay Iyo Wakiilada Oo Su’aalo Ay Maryo Dhiig Leh Ku Kala Furteen Ku Hafiyay

Shirgudoonka Guurtida Oo Daaqada Ka Tuuray Mooshin Ay Tahriibinayeen Shaqsiyaad Xildhibaano Ah Oo Lagu Carqaladaynayey Somcable

Xukuumada Oo Maxjar Labaad Ka Baal Furtay Kii Hore Ee Jiray Iyo Dareenada Ku Gedaaman

Maanta, Shalay dhaantey!

Raysal Wasaaraha Dawladda Sheekh Shariif Oo La Ansixiyey Iyo Dagaalo Ka Dhacay Muqdisho

 

 

 

 

Sidee Loo Soo Dhaweeyaa Bisha Barakeysan Ee Ramadaan

Walaalayaal, waa lagama maarmaan inaynu oggaano inay tahay sideedaba gallad iyo nimco qofkii uu Ilaahay (sw) waafajiyo inuu gaadho bisha ramadaan. Sidaa darteed, waxaa habboon inaan Ilaahay uga mahad celinno cumriga uu inna siiyay inaan haleelno bisha fadliga badan ee Ramadaan. Imisa dadka ka mid ah ayaa jira oo aan la waafajinin inay gaadhaan bisha ramadaan, oo iyadoo wax yar ay ka hadhay geeriyooday, amaba haleelay bisha ramadaan, hase ahaatee aan la waafajinin inay ka faa’iideystaan. Allahu akbar. Walaalayaal, inagoo si farxad leh ku qaabilayna bisha ramadaan aan dib ugu noqono taariikhdii maamuuska lahayd ee uu noolaa Xabiibka Rasuulka (scw), bal si aynu uga baranno qaabkii iyo waddadii uu Rasuulka (scw) iyo asxaabtuba ugu soo dhoweyn jireen bisha Ramadaan. Ugu horeyntiiba, wuxuu Rasuulka (scw)ugu bishaarayn jiray muslimiinta bilashada bisha ramadaan, dabadeedna isagoo ay weheliyaan ardaydiisii qiimaha badnaa ee asxaabta waxay dhammaan bishaas barakeysan ku cammiri jireyn cibaado fara badan oo kala duwan. Sida uu werinayo Imaamu Dabari, wuxuu Rasuulka (scw) ahaa markay timaaddo bisha Rajab kii yidhaahda “Alloow noo barakee Rajab iyo Shacbaan, waxaadna na gaadhsiisaa ramadaan-ta”. Dadaalkii Rasuulka (scw) ee Ramadaanka Caa’isha Ilaahay ha ka raalli noqdee iyadoo inoo iftiiminaysa siduu Nebiga (scw) ugu dadaali jiray salaatu-leylka waxay tiri “ha ka tagin salaadda leylka, maxaa yeelay muu Rasuulka (scw) ka tagi jirin. Haddii uu xanuunsanayo ama uu caajiso fadhiga ayuu ku tukan jiray”. Salaadahaas iyo dadaalkaas wuu sii laba-laabi jiray Rasuulka (scw) marka la gaadho ramadaanta, saxaabadana way kaga shidaal qaateen sunnadaas. Ducada waa la aqbalaa xiliga Soonka Walaalayaal, waxaa laynaga doonayaa inaynu bishan kheyrka badan aynu ku qaabilno towbad badan, qur’aan akhris badan, salaad badan, samafalka waalidka, waxtarka iyo taageerada dadka dhibaataysan, islaaxinta iyo xidhiidhka qaraabada iyo dhammaan waddooyinka kheyrka ee uu Illaahay (sw) ka raalliga yahay. Bisha ramadaan waa bishii naxariista. Waa bishii denbi dhaafka badneyd. Waa bishii xoreynta naarta.Lama koobi karo fadliga bisha ramadaan, waxaana ka mid ah in la aqbalo ducada addoomada suubban ay baryayaan Rabbi (sw). Wuxuu Illaahay (sw) yidhi isagoo ka hadlaya arrintan “hadduu addoonkaygu xaggeyga wax iga weydiisto waxaan u ahay mid u dhow oo aqbala ducada markuu wax i weydiisanayo” aayadda 186 suuradda Al-Baqara. Dhinaca kale, xaddiis uu Imaam Axmad ka weriyay Rasuulka (scw) wuxuu Rasuulka (scw) yidhi “seddex ducadooda lama celiyo”, waxayna saddexdaas kala yihiin: qofka sooman jeer uu ka afuro, madaxweynaha caadilka ah iyo qofka la dulmiyay habaarkiisa”.

Deeqsinimada iyo Soonka Walaalayaal, sidoo kale, bisha ramadaan waa bil ku caanbaxsan deeqsinimada, samafalka iyo ixsaanka. Cabdullaahi Binu Cabbaas Ilaahay ha ka raalli noqdee wuxuu yidhi “Rasuulka (scw) wuxuu ahaa kan dadka ugu deeqsinimada badan, wuxuuna ugu sii deeqsinimo badnaa bisha ramadaan, gaar ahaan waqtiga uu la kulmayo malaga Jibriil. habeen kasta wuu la kulmi jiray Jibriil iyagoo daraasayn jiray qur’aanka”. Sidaa darteed, wuxuu Imaamu Shaafici yidhi “waxaan jeclahay inuu qofku badiyo deeqsinimada si uu ugu daydo Rasuulka (scw). Dhinaca kale, wuxuu Rasuulka (scw) qur’aanka la daraasayn jiray oo la akhriyi jiray Jibriil bisha ramadaan, waxay dhammeyn jireen qur’aanka bisha oo dhan hal jeer, hase ahaatee sannadkii ugu danbeeyay ee uu soomay Rasuulka(scw) waxay qur’aanka khatimeen labo jeer. Dadka uu Alle ku galladaystay hantida waxaa la gudboon inay ku dadaalaan waxtarka dadka tabaaleysan, siiba bisha ramadaan. Ajar aad u weyn ayaa lagu sheegay qofkii afuriya qof muslim ah bisha ramadaan. Wuxuu Rasuulka (scw) noo tilmaamay in qofkii afuriya qof muslim ah, uu leeyahay ajarkii kii soomanaa oo kale, iyadoo kii soomanaana aan laga naaqusin ama laga dhimin ajarkiisa. Waa fadli aad u weyn. Irida dadka sooman ay ka galayaan Jannada Walaalayaal, cibaadada Soonku waxay qofka dhaxalsiisaa Jannada iyo inuu ka galo maalinta qiyaamaha mid ka mid ah albaabada Jannada, kaasoo loogu magacdaray Rayyaan. Saxaabiga la yidhaahdo Sahal Binu Sacaad ayaa wuxuu Rasuulka (scw) ka weriyay isagoo leh “waxaa jannada dhexdeeda ahaaday irid la yiraahdo Rayyaan, iridkaas ayeey dadkii soomanaa ka soo galayaan maalinta qiyaamaha, qof aan iyaga ahayn kama soo galayo, waxaa la odhanayaa aaway dadkii soomanaa?, markaas bay istaagaan qof aan iyaga ahayn ma soo galayo”.