Home | Contact Us | Links | Archives |
ISSUE 3351 |
July 25 2013 Ramadaan 16,1434H | |
Xukuumada Oo Maxjar Labaad Ka Baal Furtay Kii Hore Ee Jiray Iyo Dareenada Ku Gedaaman Raysal Wasaaraha Dawladda Sheekh Shariif Oo La Ansixiyey Iyo Dagaalo Ka Dhacay Muqdisho
|
“Ragani Waa Ragii S/Land Aas-Aasay Inaga Oo Inteena Badani Siyaad Barre La Shaqayna, Madaxwayne Yaanu Wasiirkaaga Madaxtooyadu Soo Faqin Arimihii Qaaxo” C/laahi Jawaan Hargeysa, July 25, 2013 (Haatuf) - Guddoomiye ku xigeenkii hore ee Komishanka Doorashooyinka Qaranka C/laahi Cabdi X. Cumar (Jawaan) ayaa Talooyin dhaxalgal ah dhexdhigay Xukuumadda talada haysa iyo Golaha Wada-tashiga Iyo Toosinta Qaranka ee Hargeysa lagaga dhawaaqay oo khilaafka Cakirani ka dhexeeyo. C/laahi Jawaan waxa uu ugu baaqay dhinacyada muranku u dhaxeeyo inay joojiyaan Cambaaraynta iyo hadalada ay Warbaahinta isku marinayaan, kaas oo Madaxayne Siilaanyo ka codsaday inuu joojiyo Jawaabaha ay Wasiiradda Xukuumadiisu kaga jawaabayaan dhaliilaha siyaasiyiinta Golahaas ka soo yeedhay, soo jeediiyey inuu Madaxwaynuhu u yeedho ragaas oo uu la xaajooda. C/laahi X. Cumar (C/laahi Jawaan) waxa uu sidaas ku sheegay Shirjaraa’id oo uu xalay ku qabtey Huteelka Hadhwanaag ee Magaaladda Hargeysa, kaas oo uu kaga hadlay arimo door ah. Ugu horayna isaga oo ka hadlaya sababta uu xiligan Warbaahinta ula hadlayo, waxa uu yidhi “Sababta aan iskugu kiin yeedhay waxa weeyi, anigu dalka mudo Lix sano ku dhaw waan ka maqnaa oo waxaan ku soo noqday Wiigii dhawayd oo imika waxa aan joogay 13 Cisho, waxaanan u imid inaan warna urursado Daraasadna aan wadanka ka sameeyo oo intii aan ka maqnaa wixii iska badelay ee horumar iyo dibu-dhacba leh. Hadii aan sii dul istaago waxa shirkan Jaraa’id ugu kalifay waxaan doonayaa inaan dhawr arimood ka hadlo oo kooban, runtii Somaliland mudo 22 Sano ah ayey jirto sanadkii 23-aad ayey madaxa la gashay oo wax badan oo inoo qabsoomayna way jiraan wax badan oo inoo dhimanina way jiraan oo aynu hiigsanayno, isla markaana waxa aynu halkaas ku soo gaadhnay waa Iskaashi iyo Isku-duubni iyo is-qadirin waana mihiim in wixii inaga khaldan la is waydiiyo oo la yidhaahdo maxaa inaga khaldan dabadeedna la saxo. Wixii la sixi kari waayeyna hay’adaha ku shaqada leh loo xilsaaro sida Guurtida oo kale, markaa waxaa waajib wadani ah igu noqotey inaan arimahaas ka hadlo, waxyaabaha ii muuqday ee aan doonayo inaan ka hadlo waxa ka mid ah rag waawayn oo masuuliyiin ah oo Qadarin badana aan u hayo ayaa dhexdooda waxa taagan arimo khilaaf ah oo isku tuur-tuur ah iyo hadalo aan aniga ila haboonayn oo Warbaahinta la isku marinayo. Waxa weeyi hadalka lama agfadhiisto ee waa la saraa, maalin dhawayd waxa aan TV-ga ka daawaday iyada oo la leeyahay waxa la sameeyey Golle Qaran oo lagu saxayo xukuumadda oo la leeyahay waxa lagu badbaadinayaa Somaliland oo niman siyaasiyiin ahi oo Macquul ah oo ah ragii aas-aasay SNM ay ku jiraan oo ay ku jiraan ragii geesiyayaasha ahaa ee halgankii Wadanka u soo dhintay aan ka xusi karo Mujaahid Ibraahin Xuseen Dhago-wayne, Maxamed Xaashi Cilmi oo ka mid ahaa ragii aas-aasay SNM iyo Xasan Ciise oo Madaxwayne ku xigeenkii ugu horeeyey ee Somaliland, isla markaana ragii SNM ku aas-aasay London ka mid ahaa iyo rag kale oo siyaasiyiin ah oo qadarin iyo qiimayn ku leh bulshadda dhexdeeda”. Guddoomiye ku xigeenkii hore ee Komishanka Doorashooyinka Qaranka C/laahi Cabdi X. Cumar (Jawaan) isaga oo hadalkiisa sii watana, waxa uu yidhi “Markaa magacaa ay sheegteen ee Talo bixin iyo Toosintu waa laba eray oo fiican magac oo taladana waa la qaataa, waxna waa la toosiyaa hadii ay qaloocdaan laakiin qaabka loo toosinayaa waa inay noqotaa qaab aan dhibaato inoo keenaynin, isla markaana ay noqoto firkad aan sawir xun inaga bixinaynin dadkeenana aan shaki kala galinaynin oo markii lagu dhawaaqay waxaad arkaysay in sawir xun laga sameeyey oo meel walba aad arkaysay in lagaga cambaaraynayey oo waxay ku qurux badnayd hadii arinta la sameeyey ay noqoto arin khalad ahba in cida ay taabanaysaa ay markaa u yeedhato oo talo-na ka waydiino oo la yidhaahdo waar bal kaalayoo waxan aad wado wax iiga sheeg laakiin hadii ay noqoto intaa uu yidhi adna ka badi runtii faa’ido imanmayso, markaa aniga oo aan dhinacna faquuqaynin oo aan farta si gaar ah ugu godaynin waxaan leeyahay waar Cambaarayni xal maahee talo ayaa wax hagaajisa ee ha la joojiyo Cambaarayntan iyo saskan xad-dhaafka ah ee laga muujiyey qolada golaha ku dhawaaqday oo Cambaarayntaas waxaan u arkaa ceebayn, isla markaana ceebayni waxay xumayso mooyaane waxba hagaajinmayso oo waa in lagu badalaa isa-sixid oo la is toosiyaa. Intaa waxa aan leeyahay dhinicii xaga xukuumadda ee aan u arkayey iyaga oo u hadlaya ee nimankan ka dhigaysay niman wax duminaya oo aan kula talinayo inay Cambaaraynta yareeyaan ”. C/laahi Jawaan mar uu la hadlayey Golaha cusub ee Wadatashiga iyo Toosinta Qaranka, waxa uu yidhi “Hadii aan u soo noqdo dhinaca Golaha cusub, nimankaas waa rag aanu saaxiib nahay oo aan qadarin badan u hayo oo dhamaantood waa rag aanu soo wada shaqaynay oo hawlo badan soo wada galnay, waxaan leeyahay xaqbaad u leedihiin inaad wax toosisaan laakiin Chanelka aynu leenahay waa inay soo martaa oo cidii inaga khaldan isaga loo gudbiyaa oo la yidhaahdaa waar hebelow waxaas iyo waxaas ayaa kaa khaldan oo Madaxwayne, Baaarlamaan iyo Siyaasiyiin midkay doonto ha noqotee oo Madaxwaynaha u taga oo la dooda oo Baarlamaanka ka codsada inaad shirarkooda ka hadashaan oo rayigiina iyo wixii aad ku dhaliilaysaan xukuumadda u gudbiya, taasi waxay meesha ka saaray dhufayskii la isku soo galayey ee Group walibana uu is difaac leeyahay”. C/laahi Cabdi X. Cumar (Jawaan) isaga oo hadalkiisa sii wata, isla markaana ka hadlaya is-difaaca xukuumadda iyo hadalkii ka soo yeedhay Wasiirka Madaxtooyadda, waxa uu yidhi “Hadii aan arimahaas qaar saro waxa aan arkayey hadalo aan ila quruxbadnayn oo loo adeegsanayey dhaliilo Madaxwaynaha loo soo jeediyey oo waxba qarin maayee hadal ka soo yeedhay Ibraahim dhago-wayne aadbaan u diiday oo waxa fiican in dhaqanka gobanimada la raaco oo aan la iscaayin waxay ku quruxbadnayd inaad wixii sarbeeb ka dhigto. Mida kale ee khaladka iila muuqata waa inaan dulqaad la isku yeelanin oo difaac iyo weerar la isku noqdo, hadalka Siyaasiyiintaas wax ka danbeeyey hadalkii ka soo yeedhay Wasiirka Madaxtooyadda oo isaguna ka dhigay ka dar oo dibi-dhal oo ilaa Qaaxo tagay oo wax laga heshiiyey iyo Xabaalo Dhidar qoday oo ka hadlay waxaan u baahnayn in dib loogu noqdo iyo khaladaad SNM dhexdeeda ka dhacay oo markaa waji foolxun muujinaya. Waxaan leeyahay hadii ay Wasiir Madaxtooyo tahay iyo hadii ay masuul qaran oo kale tahayba wixii lafjab ku ah ummadeena iyo jiritaankeena iyo Gobonimadeena ee meel ka dhac waa in la isk ilaaliyo oo la xakameeyo”. Isaga oo Madaxwaynaha la hadlaya Guddoomiye ku xigeenkii hore ee Komishanka Doorashooyinka Qaranka C/laahi Cabdi X. Cumar (Jawaan) waxa uu yidhi “Madaxwaynaha waxa aan talo ahaan u leeyahay oo xaq ayaan u leeyahay inaan wanaaga Somaliland inaan ka hadlo oo waliba waxa aan jeclaa inaan Madaxwaynaha arko oo aan horfadhiisto oo aan wixii talo ah ee aan hayo aan siiyo laakiin taasi iimay suurta-galin. Labadan wiig ee aan joogay waan la xidhiidhay dhawr goor Madaxwayne ku xigeenkiisa oo daruufo badan oo jira oo Mashquul awgood iimay suurta galin, markaa Warbaahinta ayey igu khasbaysaa inaan wixii rayi ah ee aan u hayo aan u gudbiyo oo horena waan ugu sheegi jiray, waxaanan jeclahay inuu iga qaadan doono. Marka aan leeyahay ragani waa ragii Somaliland aas-aasay oo inaga oo inteena badani Siyaad Barre la shaqaynaya ugu horeeyey ee ururkii dibu xoraynta dalka ee SNM kaga dhawaaqay London ee wixii ay abuureen ay dhashay Jamhuuriyadan aynu ku naaloonayno ee waxay sheegayaan dhagayso oo u yeedh, isla markaana la xaajood oo yaanu Wasiir u jawaabin oo aanay arintu weerar iyo difaac yaanay noqonin u yeedh waa Saaxibadaaye, markaa waxaan leeyahay Madaxwayne Axmed Maxamed Maxamuud Madaxwayneyahayagii ayaad tahay ummadu dooratey xushmad badana waanu kuu haynaaye arinta wada-hadal ha lagu dabaalo”. |