Home | Contact Us | Links | Archives |
ISSUE 3360 |
August 5 2013 Ramadaan 27,1434H | |
Xukuumada Oo Maxjar Labaad Ka Baal Furtay Kii Hore Ee Jiray Iyo Dareenada Ku Gedaaman Raysal Wasaaraha Dawladda Sheekh Shariif Oo La Ansixiyey Iyo Dagaalo Ka Dhacay Muqdisho
|
Caruurta China Oo Qaata Taba Bar Ka Baxsan Caqliga Aadanaha Si Ay Qoysaskooda Uga Saaraan Faqriga Da’yarta dalka China ayaa marka ay soo hana qaadaanba waxaa la geeyaa Xaruumo lagu tababaro islamarkaasna lagu layliyo jidhkooda, si ay qoysaskooda uga saaraan Faqriga dilooday in badan oo kamid ah shacabka dalkaas. Xiu Hua, waa Gabadh 7 sano oo kaliya jirta, waxay qaadaneysaa tababar aad u dhib badan kaasoo mar marka qaar ay la ilmeyso, waxa ay dooneysaa in sanadka soo socda ay Olomibikada ka gasho kaalin fiican si ay qoyskeeda ugu hesho lacag wanaagsan oo Noloshooda maareysa. Xiu Hua, waxa ay ka socotaa galbeedka dalka China, waxaana ay kamid tahay Xeyn caruur ah oo tababaro lagu siiyo Machad jidh-dhiska ah oo ku yaal Caasimada dalkaas ee Bejing. Caruurtaan ayaa qaab isku mid ah loo taba baraa, waxaana lagu cel celiyaa ilaa ay si sax ah uga keenaan. Tababarka ayaa ah mid aad u dhib badan oo xanuun badan Bilaha ugu horeeya, laakiin Caruurtan ayaa ugu danbeyn ku guuleysta ineey si sax ah u keenaan waxyabaha laga doonayo. |