Haatuf News

Home | Contact Us | LinksArchives

 ISSUE 3384

September 2 2013                                                            Shawwal 26,1434H     

Xubno Ka Soo Jeeda Awdal Oo Ka Tirsan Labada Gole Baarlamaan Oo Ku Eedeeyey Qurba Jooga Gobolkaasi Inay Wadaan Kicin Iyo Abaabul Dadweyne, Kana Dalbaday Inay Joojiyaan

 

Wasiirka Maaliyada Oo Daboolka Ka Qaaday Dakhliga Cashuuraha Ka Soo Xerooday Saddexdii Bilood Ee Ugu Danbeeyay Iyo Wakiilada Oo Su’aalo Ay Maryo Dhiig Leh Ku Kala Furteen Ku Hafiyay

Shirgudoonka Guurtida Oo Daaqada Ka Tuuray Mooshin Ay Tahriibinayeen Shaqsiyaad Xildhibaano Ah Oo Lagu Carqaladaynayey Somcable

Xukuumada Oo Maxjar Labaad Ka Baal Furtay Kii Hore Ee Jiray Iyo Dareenada Ku Gedaaman

Maanta, Shalay dhaantey!

Raysal Wasaaraha Dawladda Sheekh Shariif Oo La Ansixiyey Iyo Dagaalo Ka Dhacay Muqdisho

 

 

 

 

“Baahida Maanta Dunida Ka Jirta Iyo Dhaqaale Xumida Aduunka Ka Taagan Ayaan Filayaa Inay Soo Dadajisay In Caalamku Inoo Soo Jeedsado”

Wasiirka Daakhiliga Oo Soo Afjarey Xiisad ka Taagnayd  Deegaano Gabolka Togdheer Ka Tirsan Oo Hawlaha Shidaal Sahaminta Laga Wadday

Hargeysa, September 2, 2013 (Haatuf) - Wasiirka Arrimaha Gudaha Somaliland Cali Maxamed Warancade iyo wafti uu hogaaminayo ayaa shalay gaadhay deegaanka Sanyare oo ka tirsan gobolka Togdheer, isla markaana ay ka taagnayd Xiisad ka dhalatay  hawlaha Sahaminta shidaalka ee deegaankaas ka socota, kuna taxaluqa Khilaaf cakiran oo u dhaxeeyey Dadka deegaankaasi iyo Shirkadda Sahaminta Shidaalka ka wada halkaas. Wasiirka Daakhiliga Cali Warancade oo ay Waftigiisa ka mid ahaayeen Wasiir dawladaha Maaliyada Cadaani, Wasiir ku xigeenka Ganacsiga Bashiir Xariir, Badhasaabka gobolka Togdheer Axmed Cumar C/laahi (Xamarji) ayaa goobta ay ku sugan yihiin qalabka shidaalka lagu sahaminayo iyo shaqaalahoodu ka sheegay inay fursad dahabi ah u tahay In shidaalka Somaliland la soo saaro, kaas oo sabab uga dhigay fursada Shidaal Sahaminta ka dib dhaqaalaha dunida ee hoos u dhacay. Sidoo kale Wasiir Warancade ayaa ku dhawaaqay in khilaafka deegaanka Sanyare ka taagnaa la soo afjaray oo si khaldan wax loogu sheegay dadka deegaanka, kaas oo xusay in lagu yidhi dadka Xoolo dhaqatada ah in dhirta la goynayo oo dhulka Walxo Sun ah lagu daadinayo. Isaga oo arimahaas ka hadlayana waxa hadalkiisii ka mid ahaa “Waanu tagnay deegaanka khilaafku ka taagnaa hasayeeshee dadkeenu waa dad wanaagsan markii aan meeshii tagnay ee dadkii loo waramay, shirkadda Shidaalka Baadhaysaana lafteediina aanu geynaybaa oo aanu nimankii cadaanka ahaa ka xaynay oo aanu dadkii reer miyiga ahaa u geynay waxaana dadkasi hore loogu sheegay in dhirta la xagaafayo oo dhul aad u balaadhan Baadka laga goynaayo,  waxaas oo dhamina been bay noqdeen, waxaana xitaa soo baxday in aan xitaa geedka weyn ee dhumucda leh aan la jarayn oo laga baydhayo. Markaa dadka waxyaabo badan oo khalad ah ayaa loo sheegay, laakiin markii aanu dadkii u waranay oo ay ogaadeen wixii ay runtu tahay si fiican bay noola qaateen, shirkadii iyo dadkiina waanu isu geynay hawshiina sidaas bay ku socotaa, wax dhibaato ahina ma jiraan. Wasiirka Arrimaha Gudaha Somaliland Cali Maxamed Warancade waxa uu xusay in ay shirkadu qaadatay shaqaalihii ay dadka deegaanku cabashadda ka muujiyeen, waxaanu yidhi “Shaqaalihii ay dadka deegaanku ku cabanayeena shirkadu waa qaadatay, wax dhibaato ah oo hadda jiraana ma jiraan, halkaasna guul baanu ka gaadhnay in kasta oo markii hore loogu talo galay in ay dhulka dhibaato badani ka dhacdo”. Dhinaca kale Wasiir Warancade mar uu ka hadlayey sababta soo dadajisay in wakhtigan Somaliland shidala laga qodo,waxa uu yidhi “Marka la eego khayraadka dalkeena waxay noqonaynaa dadka aduunka kuwooda ugu qanisan, Insha Allaah dhawaana waxaan rajaynayaa inay soo bixi doonto. Mida kale waxaynu hore u ogay in dawlado badan oo Shidaal lihi ay uga gaws qabsan jireen in Somaliland shidaalkeeda la soo saaro laakiin baahida maanta dunida ka jirta iyo dhaqaale xumida aduunka ka taagan ayaan filayaa inay soo dadajisay in Caalamku inoo soo jeedsado, waxaan leeyahay guul ayaanu rajaynaynaa Insha Allaah”.