Home | Contact Us | Links | Archives |
ISSUE 3394 |
September 13 2013 Dul-Qacdah 8,1434H | |
Xukuumada Oo Maxjar Labaad Ka Baal Furtay Kii Hore Ee Jiray Iyo Dareenada Ku Gedaaman Raysal Wasaaraha Dawladda Sheekh Shariif Oo La Ansixiyey Iyo Dagaalo Ka Dhacay Muqdisho
|
Al-Shabaab Oo Khaarajisay Dagaalyahano Ajnabi Ah Oo Dhawaan Cambaareeyey Hogaamiyaha Ururkaasi, Sheegayna Inay Ka Baxeen Al-qacidada Somalia Baar-dheere, September 13, 2013 (W.Wararka) - Wararka laga helayo Degmada Baar-dheere ayaa sheegaya in shalay halkaasi lagu dilay Cumar Shafiiq Xamaami oo loo yaqaanay Al-amiriki iyo Osama Al-Britani, kaas oo ka mid ah dagaalyahanada Ajnabiga ah ee halkaasi ku sugan.Sida ay sheegeen dad ku sugan deegaankaasi ayaa tilmaamay in weerar kaga yimid Al-shabaab lagu khaarajiyey Abu Mansuur Al-Amriki oo u dhashay dalka Maraykanka iyo Usama al-Britani oo ah nin asal ahaan ka soo jeeda Pakistan balse sita dhalashada dalka British, kuwaasi oo hore ay isugu dhaceen hoggaamiyaha Al-Shabaab, isla markaana cambaareeyey hogaamintiisa. Kooxda Al-Shabaab ayaa bilihii ugu dambeeyay waxa soo kala dhex-galay kala qeybsanaan, iyada oo dagaalyahaniinta ajnabiga ah iyo kuwo kaleba uu bartilmaameedsanayay hoggaamiyaha Al-shabaab oo hore u khaarajiyey Ibraahim Afghani, halka ay dirqi kaga baxsadeen Xasan Daahir Aweys iyo Mukhtaar Roobow. Shalay ayaa shir maalmahan uga socday culamaa’uddiinka Soomaalida magaaladda Muqdisho waxa gabagabadii ka soo baxay Fatwo uu ururka Al-shabaab ku tilmaamay in ururkaasi uu yahay mid xagjir ah oo diinta si khalad ah u adeegsanaya, isla markaana aanay bannaanayn in la taageero, ama laga mid noqdo. |