Haatuf News

Home | Contact Us | LinksArchives

 ISSUE 3400

September 20 2013                                                         Dul-Qacdah 15,1434H     

Xubno Ka Soo Jeeda Awdal Oo Ka Tirsan Labada Gole Baarlamaan Oo Ku Eedeeyey Qurba Jooga Gobolkaasi Inay Wadaan Kicin Iyo Abaabul Dadweyne, Kana Dalbaday Inay Joojiyaan

 

Wasiirka Maaliyada Oo Daboolka Ka Qaaday Dakhliga Cashuuraha Ka Soo Xerooday Saddexdii Bilood Ee Ugu Danbeeyay Iyo Wakiilada Oo Su’aalo Ay Maryo Dhiig Leh Ku Kala Furteen Ku Hafiyay

Shirgudoonka Guurtida Oo Daaqada Ka Tuuray Mooshin Ay Tahriibinayeen Shaqsiyaad Xildhibaano Ah Oo Lagu Carqaladaynayey Somcable

Xukuumada Oo Maxjar Labaad Ka Baal Furtay Kii Hore Ee Jiray Iyo Dareenada Ku Gedaaman

Maanta, Shalay dhaantey!

Raysal Wasaaraha Dawladda Sheekh Shariif Oo La Ansixiyey Iyo Dagaalo Ka Dhacay Muqdisho

 

 

 

 

Dhalinyaro Ka Aflaxay Dugsiga Hoose Ee Gadh-yogol Iyo Wasaarada Waxbarashada Oo Caruurta Hadda Wax Ku Barata Iskuulkaasi Gaadhsiiyey Agab Waxbarasho

Gadh-yogol, September 20, 2013 (Haatuf) – Masuuliyiin ka tirsan Wasaarada Waxbarashada iyo dhalinyaro waxbarashadoodii hoose ku soo qaatay Dugsiga Hoose ee deegaanka Gadhyogol ayaa shalay Iskuulkaasi gaadhsiiyey Agab waxbarasho. Munaasibad lagu qabtay barxada Dugsiga Hoose ee Gadhyogol ayaa waxa ka soo qaybgalay Guddoomiyaha Degmada Faraweyne, Gudoomiyaha Waxbarashada Gobolka Maroodi-jeex, Agaasimaha Waxbarashada Aasaasiga ah, dhalinyarada Deegaankaa ee Jaamacadaha wax ka barta, Waalidiin, Macalimiinta iyo Ardayda Dugsigaasi Hoose ee Gadhyogol. Xaflada loo qabtay Ardayda Dugsiga Gadhyogol ee xili sanad dugsiyeedkan cusub ee 2013-2014 ayaa abaalmarino gaar ah oo ay soo diyaariyeen dhalinyarada deegaankaasi la siiyey Ardaydii kaalmaha hore ka galay Imtixaanaadkii ay kaga gudbeen fasaladii ay dhiganayeen iyo guud ahaan Ardayda Dugsigaasi Wax ka barta. Dugsiga Gadhyogol ayaa ku yaala dhul Miyi ah oo galbeed kaga beegan magaalada Hargeysa, kaas oo la dhisay 1996-kii, waxaana Ardayda dhigataa ay uga soo waxbarasho doontaan goobo ka fog dugsiga oo u jirta ugu yaraan 7Km, waxaana wax ka dhiga 4 macalin iyo Maamulaha oo mid ka mid ah Macalimiintu uu bilaa guno ku shaqeeyo, kaas oo qudhigiisu masaafo durugsan uga yimaada siddii uu ardaydaasi wax u bari lahaa. Sida uu sheegay Maamulaha Dugsigaasi Hoose ee Gadh-yogol Mr Fu’aad Cabdiraxmaan oo ka hadlay Munaasibadaasi, kaas oo sheegay in dugsigan la dhisay 1996-kii, ilaa wakhtigaana uu furnaa dugsigu, isla markaana uu anfac badan u leeyahay deegaanka Gadhyogol. Waxaanu intaa ku daray in munaasibadan quruxda badan ay soo abaabuleen dhalinyaradii lagu bilaabay wakhtigaasi 1996-kii ee Uulada laga qoray halkan, lana filayo in kuwa maanta dhigtaana ay sidan oo kale Dugsiga usoo xusi doonaan. Maamulaha Dugsiga Gadhyogol waxa kale oo uu tilmaamay in hay’adda NRC oo u balan qaaday inay laba Fasal u dhisto aanay ilaa iyo hada waxba aanay ka haynin, isla markaana tan iyo wakhtigaasi aan iskuulka hal fasal lagu darin, waxaanu ugu baaqay wasaarada Waxbarashada in Macalinkaasi ka bilaa gunada ah loo qoro guno oo loo tixgaliyo codsigaasi, isla markaana maadaama oo Caruurta yaryar ee dugsiga dhigataa ay ka yimaadeen meelo fogfog loo sameeyo Iskuulka qaybta Quudinta caruurta sida dugsiyada kale. Sidoo kale waxa isaguna halkaasi ka hadlay Guddoomiyaha Degmada Faraweyne Faysal Maxamed Jaamac, kaas oo sheegay in dawladd ahaan ay ka go’an tahay inay horumariso waxyaabaha aasaasiga ah haday tahay Caafimaad, waxbarasho iyo xaga beerahaba, waxaanu sheegay inay diyaar u yihiin wixii tabasho ah intii karaankooda ah inay wax la qaban doonaan Dugsigan. Waxa isaguna halkaasi ka hadlay Guddoomiyaha waxbarashada Gobolka Maroodi jeex Xuseen Ibraahim oo sheegay in Masuuliyiintan ka socda wasaaradu sababata ay dhamaantood isku soo kaxaysteen ay tahay qiimaha uu leeyahay dugsigan Gadhyogol. Waxaanu tilmaamay in dugsigani uu ugu jiro wasaarada kuwa ugu mihiimsan dugsiyada hoose ee gobolka, isla markaana ay baahiyo badani ka jiraan balse ay dedaalayaan oo dhawaan ay wax tari doonaan iyaga oo ku soo kordhin doona Fasal hadda loo qoondeeyey oo loo saxeexay si sideediisa fasal ugu buuxsamaan. Ugu dambayntii waxa iyaduna halkaasi ka hadashay Agaasimaha Waaxda Dugsiyada Aasaasiga ah Marwo Raxma Ibraahim Gadiid, taas oo gudoonsiiyey arday kaalmaha galay Abaal marino, halka dugsigaasina ay gudoonsiisay agabka waxbarashada oo loo qaybin doono Ardayda Dugsigaasi Gadhyogol, uguna baaqday Ardayda Dugsigaasi inay dedaalaan khaasatan Hablaha oo ay ku boorisay inay la tartamahaan Wiilasha.