Haatuf News

Home | Contact Us | LinksArchives

 ISSUE 3403

September 24 2013                                                         Dul-Qacdah 19,1434H     

Xubno Ka Soo Jeeda Awdal Oo Ka Tirsan Labada Gole Baarlamaan Oo Ku Eedeeyey Qurba Jooga Gobolkaasi Inay Wadaan Kicin Iyo Abaabul Dadweyne, Kana Dalbaday Inay Joojiyaan

 

Wasiirka Maaliyada Oo Daboolka Ka Qaaday Dakhliga Cashuuraha Ka Soo Xerooday Saddexdii Bilood Ee Ugu Danbeeyay Iyo Wakiilada Oo Su’aalo Ay Maryo Dhiig Leh Ku Kala Furteen Ku Hafiyay

Shirgudoonka Guurtida Oo Daaqada Ka Tuuray Mooshin Ay Tahriibinayeen Shaqsiyaad Xildhibaano Ah Oo Lagu Carqaladaynayey Somcable

Xukuumada Oo Maxjar Labaad Ka Baal Furtay Kii Hore Ee Jiray Iyo Dareenada Ku Gedaaman

Maanta, Shalay dhaantey!

Raysal Wasaaraha Dawladda Sheekh Shariif Oo La Ansixiyey Iyo Dagaalo Ka Dhacay Muqdisho

 

 

 

 

Shirkii Beelaha Galbeedka Iyo Waqooyiga Hargeysa Oo Si Rasmi Ah Uga Furmay Deegaanka Agabar Iyo Nuxurka Qodobadda Ajandaha

Agabar, September 24, 2013 (Haatuf) – Shirkii beelaha Galbeedka, Waqooyiga iyo Oogada Caasimadda Somaliland ee Hargeysa ee Hoodaale ayaa shalay si rasmi ah uga furmay degmada Agabar ee Gobolka Gabilay ka dib markii dhawaan laga heshiiyey khilaafyo ka dhex-taagnaa Madaxdhaqmeedka beelahaas oo dhawr jeer dib-u-dhac ku keenay Shirkaasi. Shirweynahan oo ka dhacaya goob ballaadhan oo ka kooban ilaa 500 miter isku wareeg ah oo ka kooban hoolka shirka, meelo loogu talogalay in lagu cunteeyo, kuwo fadhiyada xilliyada nasashada ergooyinka loogu talogalay, qaar la seexdo, musqulo iyo goobo maydhasho, kuwaas oo loo kala habeeyey qaabab casri ah, waxa ka qaybgalaya ergooyin tiradooda lagu sheegay 700 qof oo kala matalaya beelaha Sacad Muuse, kuwaas saddex maalmood oo uu socon doono ku falanqayn doona ajande madasha lagu soo bandhigay. Shirkaas ayaa waxa ugu horayn furay Suldaanka guud ee beelaha Subeer Awal Suldaan Xasan Sul. Cabdiraxmaan Sul. Cabdillaahi, waxa xafladda loo sameeyey ka qaybgalay guddiga shirka hagaysa, salaadiinta beesha, guddiyo mus-dambeed u ahaa qabashada shirweynaha, cuqaal iyo ergooyinka ka qaybgalaya. Ugaas Ibraahim Axmed Kaahin oo degaankiisa shirku ka dhacayo iyo Suldaan Jaamac Cismaan, ayaa hadallo soo dhawayn iyo duco ah ka jeediyey furitaankii shirka, iyagoo sheegay in shirkan oo ay si buuxda ugu midaysan yihiin beelaha oo dhami uu taariikh cusub u unkayo beeshooda, isla markaana meesha ka saaray xantii ahayd in aanay shiri karin. Waxaanay ergooyinka iyo shirguddoonka shirka hagayaba ugu baaqeen in natiijo midho-dhal ahi ka soo baxdo. Suldaanka guud ee Beelaha Subeer Awal Suldaan Xasan Sul. Cabdiraxmaan Sul. Cabdillaahi oo shirweynaha ka jeediyey khudbad dheer oo uu ku furay, ayaa sheegay in ay maalin wayn u tahay beeshiisa oo ay uga wayn yihiin oo keliya maalmaha Ciidaha diinta Islaamka iyo maalinta Qaranimada Somaliland, waxaannu mahadceli ballaadhan u jeediyey Alle (SC), cid kasta oo door muhiim ah ka soo qaad oo ay ugu horreeyaan guddi ganacsto reerka ka tirsan oo isku xilqaamay xallinta khilaafkii hore. “Aniga oo ku hadlaaya magaca saldannada guud ee faca wayn leh ee karaamadiina xambaarsan ee beelwaynta degta inta u dhaxaysa Bisiqa ilaa Banka Qaydar ama Xarshin ilaa Xeeb ama Subulaha ilaa Saaxil, haddii aan si kale u dhigana degan mandaqada saddexda waddan ee ugu qiimaha badan Geeska Afrika oo kala ah Somaliland, Jabuuti iyo Itoobiya, waxaan halkan uga soo kacay doorka ugu muhiimsan ee dhaqan ee aad iga sugayseen, waafaqsana sooyaalka taariikhda saldannada guud iyo sida dhaqanku yahay maanta (shalay) oo taariikhdu tahay 23/09/2013, waafaqsana 18-ka bisha Dulqacida ee sannadka 1434 si rasmi ah ayuu shirku inoogu furan yahay, waxaanan ku furayaa maskax iyo qalbi furan, farxad iyo Qur’aanka Cadadkiisa,” ayuu yidhi Suldaan Xasan.