Haatuf News

Home | Contact Us | LinksArchives

 ISSUE 3409

October 1 2013                                                         Dul-Qacdah 26,1434H     

Xubno Ka Soo Jeeda Awdal Oo Ka Tirsan Labada Gole Baarlamaan Oo Ku Eedeeyey Qurba Jooga Gobolkaasi Inay Wadaan Kicin Iyo Abaabul Dadweyne, Kana Dalbaday Inay Joojiyaan

 

Wasiirka Maaliyada Oo Daboolka Ka Qaaday Dakhliga Cashuuraha Ka Soo Xerooday Saddexdii Bilood Ee Ugu Danbeeyay Iyo Wakiilada Oo Su’aalo Ay Maryo Dhiig Leh Ku Kala Furteen Ku Hafiyay

Shirgudoonka Guurtida Oo Daaqada Ka Tuuray Mooshin Ay Tahriibinayeen Shaqsiyaad Xildhibaano Ah Oo Lagu Carqaladaynayey Somcable

Xukuumada Oo Maxjar Labaad Ka Baal Furtay Kii Hore Ee Jiray Iyo Dareenada Ku Gedaaman

Maanta, Shalay dhaantey!

Raysal Wasaaraha Dawladda Sheekh Shariif Oo La Ansixiyey Iyo Dagaalo Ka Dhacay Muqdisho

 

 

 

 

Magacaaga Ma Lagu Shaqaystay?!

Qore: Cali Ismaaciil Jaamac Xasan

Waxaa xusuus gaar ah ii leh aniga oo ah qoraha maqaalkan (Nin ku Xiga Naxliga Ku Gala Nudayga Kaa Qooye, Kolse Hadaanan Naaskii Tolnimo Idinka Nuugaynin Ma Nasaaradaad Iga Xigtaan Nebiyadii Diiday). Waxaa ka dhigan masladan la yaabka leh ee igaga timi reer tolkay, laga soo bilaabo bixintii  darajadii ciidanka Qaranka JSL, waxaan la kulmay magacii walaalkay oo la sheeganayo, oo qofka sheeganaya markhaati beenaale loogu furayo oo rag madax ahaan jiray leeyihiin sheego annagaa markhaati ku ahe, waa ku qabso magacooda annaga oo aan wadaagin xataa magacyo isku mid ah, anaga is garanayna oo xataa qoyskayaga iyo qoyska dadka nala murmayaa is garanayna waxna aanaan wadaagin, murankeeda arrintaas oo nagu ah magac dil iyo sharaf dil magacayaga la sharaf dilayo. Waxaana xaaraan ah magaca reerkayaga, walaalahayo, aabahayo ama hooyadayo la sheegto oo lagu ganacsado, waxaana sidaasi samaynaya rag caan ah oo Somaliland u taqaano rag sharaf leh. Waxaase wax lala yaabo ah wasiirka gaashaandhigga JSL Axmed Xaaji Cali Cadami oo ka soo jeeda bariga Sanaag oo ah xogogaal  magaca muranku ka jiraana ogi, magacaas oo ah Ibraahim Ismaaciil Jaamac Xasan aniguna aan ahay waa qoraha’e Cali Ismaaciil Jaamac, walaalkay Ibraahim Ismaaciil Jaamac waa nin darajadiisii la siiyay, laakiin waa laga daba yimid iyaga oo sheeganaya magacii walaalkay Ibraahim Ismaaciil Jaamac Xasan. Waxaan leeyahay magacii aabahay iyo hooyaday iyo walaalahay iyo xoolahoodaba in ay sheegtaan dad aanay dhalin gef iyo meel ka dhac weyn ayay gaysteen haddii sharciga la marin waayo waa laga sheekayn doonaa in badan insha Alla. Anigoo arrinkan in badan uga mahad celinaya taliyaha ciidanka qaranka JSL oo arrintan ku jira, kuna fara adaygay si uu u hubsado waanu ku mahadsan yahay

 

Qore: Cali Ismaaciil Jaamac Xasan